Muqdisho(pp) Mowjado siyaasadeed isla markasna wata dibadbaxyo xoogan ayaa Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan kaga furmay magalada Baydhabo tan iyo markii ay halkaasi tageen saddex maalin ka hor.
Shariifka iyo ragga la socda ee lagu banaanbaxay ayaa waday qorshe lagu dhamaystirayo mamulka saddexda gobal ka kooban ee Baydhabo ka socda,hase yeeshee dad saluugsan siyasadiisa ayaa bilaabay inay ka hor yimaadaan imaatinkooda Baydhabo waxayna wadooyina iyo goobaha ganacsiga ka dhigeen isku soo baxyo rabshado wat oo khasaaro kala duwan dhaliyay.
Goobaha ganacsiga ayaa lagu soo waramayaa inay xidhan yihiin maalintii afaraad iyadoona maanta uu dhacay dibadbax xoogan ka dib markuu geeriyooday wiil shalay ku dhaawacmay rasaas ka timi dhinaca askartii ilaalinaysay Shariif Xasan Shiikh Aadan waxayna dadku maanta tageen hoyga uu Shariifku kaga sugan yahay Baladka.
Warar hoose ayaa sheegaya banaanbaxyadaan inay si siyaasadaysan usoo abuubuleen madaxda mamulka lixda gobal oo sheegay inaysan raali ka ahayn mamulka kale ee laga garab dhisayo walow saraakiisha ciidanka Itoobiya ee magalada ku sugan ay ku guul daraysteen inay dibadbaxyadda joojiyaan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdigii uu horkacayay inay maanta dib ugu soo laabteen magalada Muqdisho ka dib markii ay si hufan ugu ladi waayeen magalada Baydhabo oo ku mudaharaaday.
Siyaasado is diidan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday magalada Baydhabo kuwaasoo u kala saftay labo mamul oo mid lix gobal yahay kana kooban yahay Bay,Bakool,Shabeelada hoose,tan dhexe,Jubbada hoose,tan dhexe iyo Gaddo halka kan kalena uu ka kooban yahay labada Shabeellada hoose ,Bay iyo Bakool.
Dhinaca kale magalada Afhooye ayaa maalin ka hor lagu dhaarshay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen uu yeeshay Shabeelada hose iyo tan dhexe,iyadoona goobta dhaartana ay ku sugnaayeen dadwayne aad u faro badan.
Lama yaqaan sida ay madaxda DF ka yaalayso arrimahaan is-diidan ee Baydhabo iyo Afgooye ka socda iyadoona dadka siyaasada Soomaaliya lafogura ay ku doodayaan in si qaldan loogu dhaqmay dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho