Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all 1543 articles
Browse latest View live

Bujumbura: Ra,iisal wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Bujumbura Magaalo Madaxda Burundi, Sawiro.

$
0
0

Bujumbura: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi,iyadoona garoonka uu kusoo dhaweeyey Madaxweyne Kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Gervais Rufyikiri.

Ra,iisal wasaaraha

Ra,iisal wasaaraha ayaa salaan ka qaatey cutubyo ka tirsan ciimada Burundi,iyadoo safarkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan golaha xukuumada, xillibaanada iyo la taliyayaal.

Ciidanka salaanta siinayey

Mudane Saacid oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in booqashadan ay qeyb ka tahay socdaalo uu ku marayey dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Somalia sida Jabuuti, Itoobiya, Yugandha, iyo Burundi.

Dhanka kale Ra,iisal wasare Saacid ayaa kulan kula yeeshey xarunta Madaxtooyada Burundi Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gervais Rufyikiri oo ay ka wada hadleen ujeedada safarka waftiga DF Somalia u tageen Burundi.

Soo dhaweynta burundi

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegey in uu saacado kooban uu socdey , iyadoona gabo gabadii Ra,iisal wasaraha iyo Madaxweyne ku xigeenku la hadleen warbaahinta wadankaasi oo ay u sheegeen in kulankoodii is afgarad iyo guul uu kusoo dhamaadey.

Waxaana la filayaa socdaalka Ra,iisal wasaraha in uu noqon doono mid uu kusoo gabo gabeyn doono safarkii uu kusoo marey wadamo dhowr ah oo ciidamo ka joogaan Somalia.

Halkan Ka Daawo Sawiro Dheeraad ah.

Ra,iisal wasaraha iyo dhigiisa

 

 

 

 

 

 

 

Soo dhaweynta

 

 

 

 

 

 

 

Ra,iisal wasaraha DF

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandpost_Bujumbura Burundi

Puntlandpost.pp@gmail.com


Shir heer caalamiya oo lagu soo xirey Magaalada Copenhagen Wadanka Denmark iyo Puntland oo khudbad kasoo jeedisey kulankaasi,Sawiro.

$
0
0

Denmark:(pp)- Magaalada Copenhagen ee Waddanka Denmark ayaa lagu soo gabo gabeeyey shir soconayey 3 bari, ayna marti galisay Dowlada Denmark,islamarkaana noqonaya kulankii 12 aad oo ay isugu yimaadaan kooxda xiriirka la dagaalanka burcad badeeda ee loo yaqaan WG2 Working Group 2

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galey 37 iyo 17 urur oo ah kuwo heer caalamiya, waxaana intii uu socdey lagu lafo gurey Sharciga Burcad-badeedda Somaliya waxaa uga qeyb galey xubno matalayey Puntland,Somaliland,Galmudug, iyo Dowlada Federaalka Somalia.

Madasha Shirka

Wasiirka arrimaha Dibaddaa ee Waddanka Denmark, Mudane Villy Sovndal oo furey shirka bilowgiisii ayaa u mahad celiyey ka soo qayb galayaashii iyo guddigii qaban-qaabada, iyadoona uu sheegey in uu rajeynayo qodobo muhiim ah oo kasoo baxa.

Waxaana shirka fursad loo siiyey ka soo qaybgalayaashii inay kusoo gudbiyaan guulihii ay soo hooyeen, wixii ka dambeeyey bishii September ee sanadkii 2012, waxaana warbixinadaas goobta laga soo jeediyey ka faa,iideystey 22 dal oo ay Puntland ka mid tahay.

Wafuuda ka qeyb gashey

Qaybtii labaad ayaa lagu soo qaatay horumarka Somalidu ka gaartay dhinaca Maxkamadaha iyo Sharciga, iyadoona kooxda xiriirka la dagaallanka Burcad-badeeddu markii ugu horreysay ee taariikhda hal magac iyaga oo ku hadlaya ay soo bandhigeen go’aankii heshiiskii Geeddi Socodka Kamplala ee lagu gaaray Magaalada Addis Abab.

Agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane) oo u matalayey shirka Puntland ayaa waxa uu dood adag kasoo jeediyey qodob ku saabsan ogolaanshiyaha ciidamada Private-ka ah ee maraakiibta la saaro, arrintaas oo madasha kulanka ururadii fadhiyey ka dalbadey in si cad loo qeexo , iyada oo laga eegayo maraakiibta sharcigu u ogol yahay in ay saarsan karaan ciidamo madaniya.

Ducaysane

“Sababta aan sida u leeyahay waxaa weeyey, waxaan marar badan aragnaa Doonyo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya Xeebahayaga oo ay saaran yihiin Ilaalo ciidamo Madani ah, oo dhibaato badan ku haya Kalluumaysatadayadii iyo agab kooddiba” ayuu yiri Mudane Ducaysane.

Sidoo kale Qodobada shirka looga doodey intii uu socdey ayaa waxaa ka mid ahaa .

1. Xariga/Xabsiga – ka hor inta aan la soo wareejin eedaysanayaa burcad-badeedda. 4. Husiinada Maxkamadaynta /Dacwo ku soo oogidda dambiilaha falka Burcad-badeednimada.

2. Caqabadaha Maxkamadaynta/Dacwo ku soo oogidda iyo arrimaha kale oo xagga sharcia,sida
dambiilaha sheegta Da’ yar.

3. Sida loo hubin karo da’ada dhabta oo dambiilaha, inta aan Maxkamad la soo taagiin.

4. Suurto galnimada Ogolaanshaha in Ciidan Madani ah Maraakiibta la saari karro si ay isaga caabbiyaan Burcadda.

Dadkii kasoo qeyb galey

Gabo gabadii shirka ayaa waxaa soo xirey Ambassador Thomas Winkler oo hadda loo magacaabay Safiirka Dawladda Denmark u fadhiyi doona Waddanka Ruushka .

Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Copenhagen Denmark.

KISMAAYO: Anaga iyo Dowlada Isma diidine , rabitaanka shacabka ayaa meesha yaala Sh. Axmed Madoobe (Daawo- Video)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah siyaasiyiinta u tartamaysa madaxtinimada Jubbaland oo laga waraystay TV-ga Somalichanel ayaa ka waramay meesha  ay wax u marayaan maamul u samaynta maamulka Jubbaland, isagoo ka jawaabay su’aalo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka la sheegay in Jubbaland iyo dowlada  Federaalka u dhaxeeyo, waxa ka dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Puntland , iyo suáalo ku aadan hadii la dooran waayo, haysashada Al-shabaab magaalada Buu´aale oo Caasimada noqon doonta mustaqbalka iyo su´aalo kale oo badan.

Daawo Waraysiga Axmed Madoobe

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii la doorto uu ku dadaalayo Cadaalada , si qof walba oo deegaanka u dhashay uu si xor uga qayb qaadan lahaa Doorashooyinka soo socda Jubbaland.

Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland, Soomaaliya

 

 

Buug ay qortay Drs. Xaawo Cabdi oo lagu soo bandhigay Magaalada MINNESOTA (Daawo- Video)

$
0
0

Minnesota: (pp)-  Waxaa magaalada Minnesota lagu soo bandhigay Buug ay qortay Drs Xaawo Cabdi oo intii bur-burka dalka ka jiray ka shaqaynaysay  guddaha dalka soomaaliya.

Daawo bandhiga Buuga Drs Xaawo Cabdi

Drs.Xaawo Cabdi

Drs.Xaawo Cabdi

Drs, Xaawo ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay in dadkii Soomaaliyeed ee isjeclaa ay bedeleen taariikhdooda, iyadoo xustay in ay indhaheeda ay ku aragtay Hooyo Soomaaliyeed oo dishay Gabar yar oo ay dhashay, iyadoo ay Drs-du  sheegtay in sababta ay hooyadaasi u dishay gabadheeda ay ahayd  ninka ka dhalay oo Qabiil kale oo Soomaali ah ka dhashay.

Dadkii Soomaaliyeed ee Xaflada buugaas lagu soo bandhigay ka qayb galay ayaa soo  dhaweeyey la Kulanka Drs-da iyo Buugeeda, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay wada cadeeyeen in fursad wanaagsan ay u ahayd la kulanka ay la kulmeen Hooyo Drs. Xaawo Cabdi.

Kala xiriir: Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost, Minnesota , USA

Goldogob : Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha hay’adda wadooyinka Puntland oo gaaray Degmada Galdogob (Sawiro)

$
0
0

Goldogob: (pp)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda wadooyinka Puntland ee (PHA) Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa gaaray Degmada Galdogob ee gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Waxaa Agaasimaha safarka ku weheliyay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur, Injineero iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda PHA iyo qeybaha warbaahinta gobolka Mudug.

Saraakiisha safreysa

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha wafdiga ayaa ka amba baxay magaalada Gaalkacyo, waxayna sii mareen deegaanada Beyra, Bursaalax, Xera-jaalle iyo deegaano kale oo ay kula hadleen dadka deegaanka, iyagoona ka xog wareystay dhibaatooyinka ka jira wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob.

Markii ay xubnaha wafdiga Agaasimuhu gaareen magaalada Galdogob ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyay Masuuliyiinta Maamulka degmada Galdogob oo uu horkacayay Gudoomiyaha degmada Galdogob Mudane Keytoon.

Agaasimaha iyo Maamulka Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

Kulan balaaran ayaa dhexmaray wafdiga Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland iyo masuuliyiinta maamulka degmada Galdogob, waxaana kulankaasi ka qeybgalay Taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugida Puntland, Xildhibaan C/risaaq Geesood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamed, Nabaddoonada degmada, Aqoonyahanka, Culimada diinta iyo Dhallinyarada.

Dadka Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa Maamulka degmada Galdogob iyo marti sharafta kulanka ka qeybgashay wuxuu uga warbixiyay ujeedka safarkooda oo uu ku sheegay in ay tahay in ay ogaadaan halka uu marayo qorshaha wadada loogu dhisayo degmada Galdogob, wadadaasi oo ah tan u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galdogob, wuxuuna sheegay in Hay’addu ay dadka Galdogob ka taageeri doonto dhinaca farsamada iyo aqoonta inta lagu guda jiro dhismaha wadadaasi.

Kulan ka dhacay halkaas

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha degmada Galdogob Mudane Keytoon, Xildhibaan Geesood iyo Nabaddoonada qaarkood ayaa Agaasimaha hay’adda PHA uga mahad celiyay booqashada uu Galdogob ku yimid, waxayna ka codsadeen Hay’addu in ay gacan muuqata ka geysato dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa dadweynaha Galdogob iyo maamulkooda uu ku booriyay in ay ka faa’ideystaan mashaariicda horumarineed.

Wuxuuna ku amaanay sida ay ugu istaageen in ay dhistaan wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob, wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in Agaasimaha Hay’adda PHA uu shacabka Galdogob ka taageeri doono dhinaca dhismaha wadada.

Xaflada

 

 

 

 

 

 

 

Injineer C/rashiid Bulxan oo ka mid ah khubarada ka hawlgala hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA ayaa wuxuu talo iyo tusaaleyn ka bixiyay habka loo dhisi karo wado nadiif ah, wuxuuna sheegay wixii dhinaca aqoonta iyo khibrada ku saaban in ay ka caawin doonaan dadka ku hawlan dhismaha wadada.

Kulankaa la mid ah ayuu Agaasime Maxamuud la qaatay Guddiga ku hawlan dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob, waxaana guddigaasi lagu magacaabaa HADAF, guddigaasi oo wax badan oo dadaal ah qabtay, kana shaqeynayay muddo in la dhaqaajiyo dhismaha wadada, waxayna warbixin dheer siiyeen Agaasimaha iyo wafdigiisa, waxaana halkaasi loogu balan qaaday guddiga in laga taageero doono dhinacyada farsamada, talada, aqoonta iyo wixii dhaqaale ah oo ay awoodo hay’adda PHA.

Dhismaha Wadada

 

 

 

 

 

 

Waftiga

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarunta Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Goldogob

 

BURUNDI: Ra’iisal Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha dalka Burundi (Sawiro)

$
0
0

Burundi: (pp)-  Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza waxayna labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha iskaashiga labada wadan, gaar ahaana amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

photo (40)Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalkii xoojinta xiriirra wadamada dariska ee ay ciidamada nabad illaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Burundi kaalinta weyn ee ay askartoodu ka qaateen howlgalka AMISOM iyo hiilka walaalnimo ee ay u galeen ummada Soomaaliyeed.

“Dawladda Burundi waxay noo muujisay soo dhoweyn diiran iyo walaaltinimo aadbaana uga mahadineynaa xiriirka wanaagsan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo warbixin ka siiyay madaxweyne Pierre horumarada ay dawladda Soomaaliyeed ka sameyneyso dhinacyada ammaanka, dawlad wanaaga iyo dib u dhiska.
“Waa laga adkaaday kooxihii argagixisada Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo tilmaamay in si deg deg ah looga sifeyn doono degaanada yaryar ee ay weli shacabka ku sii dhibaateeyaan.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro soo celinta amniga iyo xasilinta dalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay booqashadiisa dalalka ay ciidamada nabad illaalinta ka joogaan Soomaaliya.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Burundi waxay horseedeysaa nabad ku IMG_0041soo dabaalida Soomaaliya iyo Afrikaba” ayuu yiri madaxweynaha oo tilmaamay in uu sii wadi doono taageerada dhinac kastaba leh ee uu la garab taagan yahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax iyo xubno la taliyeyaal.

photo (41)photo (38)Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Burundi, wuxuuna indha indheeyey qeybaha safaaraddu ka kooban tahay. isaga oo warbixin ka dhegeystay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Xasan Abshir.

Isha Warkan: xafiiska Raiisal wasaaraha

KISMAAYO: IGAD oo ku baaqday in la dedejiyo dhismaha Jubbaland State (Warbixin)

$
0
0

Maalinkii shalay oo ay booqdeen magaalo xeebeedka magaalada Kismaayo Wafdi ka socday IGAD oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ayaa markii ay tageen madasha uu shirka ka socday  isla markaasna ay la kulmeen maamulka kumeel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxay wafdigu aad usoo dhaweeyeen sida wanaasgan ee uu shirka uga socda magaalo xeebeedka magaalada Kismaayo.

IGAD oo ku baaqday in shirka la dedejiyo

IGAD oo ku baaqday in shirka la dedejiyo

Wafdiga IGAD ayaa Xog dhegeysi kaddib sheegay uguna baaqay Ergada iyo masuuliyiinta shirka hogaaminaysa inay dedejiyaan dhamaystirka maamulka Jubbaland State,sida ugu dhaqsaha badana loo doorto dowladii hogaamin lahayd Jubbaland State.

Wafdiga ayaa dhanka kale ku baraarujiyey Ergada iyo masuuliyiinta shirka hagaya sida wanaagsan ee ay isugu tashadeen , iyagoo wadajira oo uusan u dhaxayn wax khilaaf ah.

Sikastaba, masuuliyiinta IGAD ka socotay ayaa booqashadoodu ku aadanayd Indho-indheynta sida uu u socda shirka ka socda magaalada Kismaayo , iyagoo wixii ay kala kulmeen magaalada Kismaayo u gudbin doona xarrunta dhexe ee urur goboleedka IGAD.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

Saddex Caruur Walaalo ah oo ku dhimatey Degmada Eyl Ee Gobolka Nugaal

$
0
0

Eyl: (pp)- Saddex caruur walaalo ah ayaa u geeriyootey xanuun aan la garaneyn Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo la sheegey in xanuunku uu hayey in ka yar 24 saacadood ,waxaana dhakhaatiirta Eyl ay sheegayaan in noociisa aan horey Degmada loogu arkin.

Khadiijo Cabdi Xuseen oo ah dhakhtarad ka tirsan bahda caafimaadka Eyl ayaa u sheegtey Shabakada Wararka ee Puntlandpost.com in gabdho ay yihiin dhamaantood 3 caruurta ee u dhimatey xanuunkan, islamarkaana weli baaris ku wadaan nooca cudurka.

“Hadii aan kaaga waramo Geeridan foosha xun ee lasoo daristey saddexda caruurta ee walaalaha , hadii aanu baarney xanuunkooda , ma uusan ahayn cudurka la yiraahdo Kaloore, Ma aysan ma tageyn,Sidoo kale waxaan moodey in ay sumoobeen , balse markii aanu ka baarney kama aanu helin “ayey tiri Drs Khadiijo.

Khadiijo waxay intaas ku dartey in aysan hubin nooca xanuunku uu yahay , balse ay u maleynayso in uu ahaa xanuunka la yiraahdo Rift Valley fever (RVF) oo badanaa xoolaha ku dhaca.

Dhanka kale wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland walli wax war ah kama aysan soo saarin xanuunka laga soo sheegayo Degmada Eyl, waxaana sida wararka aanu ku helayno jirra dadaalo ay wadaan dhakhaatiirta iyo wasaaradu ay ku ogaanayaan nooca xanuunkan.

Nagala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe Office


Heshiis Horudhac ah oo laga gaarey kulan u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

$
0
0

Ankara: (pp)- Waxaa soo gabo gaboobey kulan u dhexeeyey Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland kuna qabsoomey Magaalada Ankara Wadanka Turkiga, iyadoona kulankan ay hormuud u ahaayeen Labada Madaxweyne ee Xasan Shiikh Maxamud iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo)

Kulankan waxaa marti galisey Dowlada Turkey oo dhinacyadan ku casuntey in ay wada yeeshaan shir lagu dhex dhexaadinayo , islamarkaana lagu sii ambaqaadayo wada hadalo horey ugu dhexeeyey .

Haddaba Akhriso qodobada lagu heshiiyey kulankii Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland

1-Labada dhinac Dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland inay sii wadaan wadahadalada u socda hada.

2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray dawladii kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.

6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.

Nagala soo xiriir, Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Ankara Turkey

 

Garoowe: Daawo Sawirada Xarunta Warbaahinta Dowlada Puntland iyo Xarumo Cusub oo Garowe laga hirgaliyey.

$
0
0

Garowe: (pp)- Dowaladda Puntland ayaa ku guulaysatay 10,April,2013 tijaabadii ugu horaysay oo ay ku samayso Idaacadd cusub oo Dowlada afkeeda ku hadleysa, Waxaana booqdey xarunta idaacadda todobaadkii lasoo dhaafey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed iyo Xubno ka tirsan Xukuumada , kuwaas oo ka qeyb galey munaasabad kooban oo tijaabada idaacadda loo sameynayey.

Dhismaha Idaacadda oo isugu jira Radio iyo Televion ayaa waxaa uu ka kooban yahay in ka badan 10 qol , iyadoo sida uu u sheegey Puntlandpost Afhayeen Puntland Axmed Cumar (liibaax Joore) ay jirri doonaan dhismayaal kale oo lagu kordhinayo xarunta oo ah mid haysata dhul aad u balaaran.

Xafiiska horre ee idaacada

 

 

 

 

 

 

Qeybaha Idaacadda

 

 

 

 

 

 

 

 

Qeybaha kale ee idaacada

 

 

 

 

 

 

 

Tijaabadii Idaacadda waxaa gacan ka geystey khabiiro ajaaniib ah iyo kuwo dalka u dhashey kuwaas oo ah dadka mashruucan hirgalintiisa gacanta ku haya, waxaana sida uu afhayeenku noo sheegey dhici doonta munaasabad balaaran oo loo sameynayo xarig ka jarista warbaahinta Dowlada marka howsheeda la dhameystiro isla bishan aynu ku guddo jirno.

Idaacadda Puntland ayaa ah hadda mid weli si tijaabo ah hawada ugu jirta, waxayna ka soo gashaa hirarka gagaaban ee Shor-Waves-ka ama SW1 , iyadoona durba laga maqlay deegaano badan oo ka mid ah dhulka Somalidu dego iyo dibada dalka sida uu Puntlandpost u sheegey Libaax Joore.

Anteenada 2

 

 

 

 

 

 

Transmiters

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandpost oo maanta booqatey Xarunta Idaacadda waxaana noo suurto gashey in aanu Akristayaasha uga soo gudbino Sawiro Idaacadda iyo Xarunta TV-ga .

Idaacadda iyo TV-ga ma ahan wali kuwo howshoodu dhameystiran tahay , iyadoo goobta aan wali lagu rakibin qalabkii loogu talo galey , islamarkaana sida uu noo xaqiijiyey afhayeen libaax joore dhawaan la qalabeyn doono , balse hadda waxa idaacadda oo kaliya ku jirtaa tijaabo.

Ilo ku dhow dhow isla xarunta Madaxtooyada Puntland oo ay soo xiganeyso Puntlandpost ayaa u sheegey in 20 April 2013 lagu wado in ay dhacdo xaflada weyn ee xarig ka jarista Warbaahinta cusub ee Dowlada Puntland hirgalisey.

Waxaana kasoo qeyb gali doonaa munaasabadaasi sida ilihu xaqiijiyeen Madax ka socoto beesha caalamka iyo Madaxda Dowlada Puntland, halka lagu casumi doono marti sharaf kala duwan.

Afhayeenka Madaxtooyada

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale waxaa Qeybtan ka daawan kartaa dhismayaasha cusub ee loo hirgaliyey qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlada Puntland, iyadoona ay xusid mudan tahay inay jiraan dhismayaal kale oo wasaarado kale diyaarinayaan in ay dhistaan, kuwaas oo durba ay dhagax dhigteen , waxaana sida ka muuqaneysa goobtan noqoneysaa magaalo cusub oo kusoo biirtey Garowe kuna yaalaan xarumaha Dowlada badidood .

Daawasho wacan dhismayaasha wasaaradaha qeybtood.

Xarunta wasarada Cafimadka

 

 

 

 

 

 

Xarumaha Cusub 2

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarumaha Cusub

 

 

 

 

 

 

 

Xarumahan oo sawiradooda aad daawateen waxa ay ka kooban yihiin ilaa afar xarumood oo wasaaraduhu ka dhisteen agagaarka xarunta Idaacadda iyo Tv-ga Puntland, iyadoona sidoo kale wax yar ay u jirto Xarunta Madaxtooyada Cusub oo dhawan lagu wado in xariga laga jarro

FG: Sidoo kale Puntlandpost waxay idin soo gudbin doontaa hadii allaah yiraahdo sawirada xarumo kale oo cusub sida Xabsiga weyn ee laga dhisey agagaarka xarumaha hadda aragteen iyo Madaxtooyada cusub, sidoo kale Studio- cusub oo cayaaraha loogu talo galey lagana hirgaliyey Agagaarka goobtan iyo xarumo kale oo dhismayaashoodu socdaan.

Kala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost_Garowe Office.

 

 

 

 

Sanaag :Labo caruur ah oo sun ugu geeriyootey Gobolka Sanaag Kuwo kalena la ildaran yihiin Sumoowgaasi.

$
0
0

Bali busle :( pp)-Laba caruur ah ayaa ku dhintey labo kale way la ildaran yihiin Sun xoolaad ay ku cabeen deegaanka Bali Busle oo ka tirsan gobolka Sanaag sida uu warbaahinta u sheegey maamulka Gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa sheegay in caruurta xanuunsanaya ay hadda Koomo ku jirto laguna hayo goob caafimaad oo degaanka ku taal halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Shilkan oo ka dhacay meel baadiye ah ayaa la sheegay inaan loo helin markii hore wax gargaar deg dega iyadoo ilaa iyo haatana aanay jirin cid gacan caafimaad oo buuxda ay ka helaan dadkaasi.

Gudoomiyaha waxa uu intaaas ku daray in soo noqnoqoshada arimahan la xiriirto wacyi gelin la’aan xagga bulshada ah,oo looga baahan yahay in ay fuliso wasaarada Caafimaadka Puntland, oo dadka deegaanku ku dhaliileen in ay ka gaabisey howlo badan oo looga baahnaa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dad ku sumoobaan Gobolka Sanaag iyadoo bilo ka hor ay jirtey in sidan oo kale ardey wax ka barata iskuul ku yaal Gobolkaasi ay ku sumoobeen daawooyin kiimiko ah oo ay isku dardarayeen.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Bali Busle Sanaag.

Muqdisho:Wararkii ugu danbeyeey ee Weerarkii Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Ciidamo DF oo dib u qabsadey goobtaasi.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Sida ay soo sheegayaan wariyaal iyo goob joogayaal ku sugan nawaaxiga maxkamada Gobalka Banaadir labo qarax oo waaweyn iyo dagaal ayaa ka dhacay xarunta Maxkamada Gobalka Banaadir, waxaana dib ciidanku ula wareegeen Maxkamada oo saaco kooban ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan alshabab .

Wararkii ugu danbeeyey ee halkaasi ka heleyno waxay sheegayaan in ku dhawaad 16 qofood oo dhimasho ah iyo 22 dhaawac ah khasaaruhu uu gaarayo inkastoo aysan jirin warar sugan oo cadeynaya heerka khasaaraha, Sidoo kale warku wuxuu intaas ku darayaa in gudaha loogu galey raga ka tirsan alshabab ee maxkamada la wareegey laguna laayey qeybtood badan gudaha maxkamada , ka dib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamo ka tirsan Dowlada oo isku gadaamey Maxkamada Gobolka banaadir.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa laga amni xumo Degmada Xamarweyne ee Gobolka banaadir , waxana dadka deegaanku wel wel ka qabeen in ay dib u soo rogaal celisey awoodii alshabab ku laheyd Muqdisho , oo sida la sheegayo ka danbeysay ka dib markii meesha ay kasii baxayeen ciidamo ma tirsan DF sababo dhaqaale aawadeed.

Dhacdooyinka ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan warbixin ka soo baxdey Dowlada Ingiriiska Muwaadiniinteeda ay ugu digtey in aanan u safri karin magaalada Muqdisho , ka dib walaac Ingiriisku ka muujiyey dhinaca amaanka oo cabsi looga qabo in uu faraha ka baxo.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Xamarweyne Muqdisho.

War Deg Deg ah : Muwaadiniin u dhashey Turkey oo qarax Ismiidaamin ah lagula beegsadey Gudaha Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho : (pp)- War goor dhow naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu isku qarxiyey gaari kale oo ay wateen Turkish Mareysy agagaarka Hotelka la yiraahdo Peace oo ku yaal inta u dhaxaysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowlada DF ayaa isla durbadiiba xirey goobta shilku uu ka dhacay waxaana wariyaal goobtaasi ka agdhawaa oo Puntlandpost la hadley ay xaqiijinayaan in loo maleynayo in ay ku dhinteen qaraxani gaariga lala eegtey labo muwaadin oo u dhashey turkey iyo qof kale oo rayid ah oo goobta ka ag dhawaa.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo khadka telefonka ugu waramey Puntlandpost ayaa u xaqiijiyey in xaaladu ay u muuqato mid allow sahal ah, islamarkaana markii xoogaa la joogo maanta Muqdisho laga maqlayo qaraxyo is xig xiga iyo dhawaaqa rasaasta.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Safaaradda Dalka Turka ee Soomaaliya Xarunteeda ku taal magaalada Muqdisho oo laga hadlayo qaraxa lala eegtey Muwaadiniinteeda.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Muqdisho

Bosaso: Suuq cusub oo laga hirgaliyey xaafada Kulmiye magaalada Bosaso,(Sawiro).

$
0
0

Bosaso:(pp)- Dowlada hoose magaalada Bosaso ayaa dhameystirtey dhismaha suuq cusub oo laga furayo magaalada Bosaso , iyadoona maanta loo sameyey munaasabad furitaan ah suuqaasi , waxaana kasoo qeyb galey xubno ka tirsan xukuumada Puntland, Ganacsato, Ururada Haweenka iyo Maamulka Dowlada hoose Bosaso.

Suuqa gudihiisa

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose Puntland Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa xariga ka jaray Suuqan cusub ee laga dhisay xaafada Kulmiye magaalada Bossaso Xarunta Gobolka Bari.

Cabdulahi Axmed Jamac Ilkajiir oo ka ka hadley furitaankii suuqa ayaa sheegey in mashruucan uu qeyb ka noqonayo mashaariicda horumarineed ee dowladaha hoose Puntland ugu talo galeeen in looga faa,iideeyo bulshada ku nool magaalooyinka.ilka jiir

 

 

 

 

 

 

”Dowlada hoose ee degmada Bossaso waxaan ka codsanayaa in ay u cadaalad sameeyaan Ganacsatada suuqan degaysa,ganacsatada waxaan leeyahay waa in aad dhowrtaan oo aad illaalisaan Suuqa’’Ayuu yiri wasiirku.kasoo qeyb galayaasha

 

 

 

 

 

 

Duqa degmada Bossaso ayaa isna sheegay in suuqan cusub loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan dadweynaha ku nool xaafada Kulmiye, kuwaas oo laga doonayo in ay ka sameystaan ganacsi xaafada horumarkeeda kor loogu qaadayo.Duqa Bosaso

 

 

 

 

 

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo suuq laga hirgaliyo magaalada Bosaso , iyadoo horey ay u jirtey furitaanka suuqyo maaulka dowlada hoose ka fuliyey Bosaso , kuwaas oo qeyb ka noqonaya horumarka ganacsi ee bosaso ku talaabsatey.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Bosaso.

Garoowe: Shir lagu mamnuucayo xirmooyinka dooxooyinka oo lagu qabtey Xarunta maamulka Gobolka Nugaal Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan maanta lagu qabtey Guriga Gobolka Nugaal ee magaalada Garowe ayaa looga arrinsadey xal u helida xirmooyin maalmihii lasoo dhaafey laga sameeyey dooxooyinka Gobolka Nugaal, kuwaas oo saameyn ku yeeshey dooxooyinka xooluhu daaqayeen.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Labada wasiir ku xigeen ee Wasaarada Beeraha Puntland, Saraakiil ka socota Maamulka Dowlada Hoose Garowe, Iyo Nabadoono ka tirsan odoyaasha dhaqanka Gobolka , Iyadoona kulanka ka dib go,aamo dhinacyadii kasoo qeyb galey ay kasoo saareen.Dhinacyada kulanka joogey

 

 

 

 

 

 

Xoghayaha Dowlada hoose Garowe Qaasim Maxamed Cabdi oo Puntlandpost u waramey ayaa sheegey in shirka ay kasoo baxeen Go,aamo ku saabsan ilaalinta deegaanka, kuwaas oo lagu mamnuucay in aan dhirta la jari karin , in aan deegaanka laga hir galin karin beero aan ahayn kuwo dalag-yadu kasoo go,aan ee miraha leh.

Qaasim waxa uu intaas ku darey in la isla gartey dowlada iyo qeybaha bulshada oo odoyaashu hormuud u yihiin in ay ka qeyb qaataan fulinta go,aamada shirka maanta kasoo baxay, xilli maalmihii lasoo dhaafey sida aanu wararka ku helayno ay jireen dhul xirmeedyo aad u tiro badan oo laga sameynayey dhulka dooxooyinka ee ku xeeran magalada Garowe.Masuuliyiinta kulanka joogey

 

 

 

 

 

Xoghaye qaasim waxa uu carabka ku dhuftey inay jiraan dad si khaldan deegaanka wax uga sameynaya, kuwaas oo leh dano iyo ujeedooyin aan wax soo saar lahayn , isagoona intaas raaciyey inay ka danbeysay xirmooyinkan cusub, ka dib markii dhawaan hay,addaha qeybtood shaaciyeen in ay fulin doonaan mashaariic beeraha lagu horumarinayo , kuwaas oo ay damac xumo ku abuurtey shaqsiyaad aan deegaanka u daneynayn ayuu yiri Mr Qaasim.Odoyasha kulanka joogey

 

 

 

 

 

Qaar ka mid ah Nabadoonada Gobolka ee joogey shirka ayaa cambaareeyey xirmooyinka cusub oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo caqabad ku ah dhulka xooluhu ay daaqi jireen, waxayna ka dalbadeen maamulka Gobolka in uu fuliyo talaabo wax lagaga qabanayo , iyagoona balan qaadey in ay ku garabsiin doonaan.Nabadoon Abshir Ceydiid

 

 

 

 

Dowlada Puntland ayaa horey ugu guuleysatey baneynta dhul xirmeed aad u balaarnaa oo ka dhisnaan jirey dooxooyinka, kuwaas oo loo baneeyey in ay daaqaan xoolaha, waxaana inta badan xirmooyinkan la hirgaliyaa marka roobabku ka da,aan dhulka, kuwaas oo loo sababeyn karo waxay la xiriirta arrimo ganacsi oo shaqsiyaadka xirmooyinka sameysta ay ku faa,iidaan.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe


BOOSAASO:Nabadoonnada Gobolka Bari oo Loo Qabtay Aqoon Isweydaari Ku Aadan Xallinta Khilaafaadka [SAWIRRO]

$
0
0

Aqoon isweydaarsi ku aadan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka  ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland ee Boosaaso, aqoon isweydaarsigan oo qayb ka ah olole wacyi gelin ah oo ay waddo muassasada Al-Minhaaj ayaa waxaa ka qayb gelaya 40 kamid ah nabadoonada gobolka Bari.

_MG_9182Qodobada aqoon isweydaarsigan -oo hal maalin ahaa- lagu gorfeeyey waxaa kamid ah: fadliga iyo muhiimadda ay leedahay dhex-dhexaadintu, kaalinta nabadoonnada iyo shuruudaha laga rabo qofka howshaas isu-xilqaamaya.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Caydiid, wuxuuna sheegay in rugta ganacsigu ay kaalin weyn ka qaadatay xallinta shaqaaqooyin horay puntland uga dhacay, mar walbana ay diyaar u tahay in ay nabadda gacan siiso maadaama nabad la’aan ganacsigu uusan jiri karin.

_MG_9163Sheekh C/shaafic Axmed Cali ayaa itaas kadib jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “” Islaamka iyo Qabyaaladda”.”, wuxuuna tilmaamay in Islaamku uu si aad ugu booriyey dadka mus’limiinta ah in ay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ka dhasha.

_MG_9184Wuxuuna intaas raaciyey in khilaafku uu yahay wax dabiici ah oo inta badan bini’aadmiga ka dhex dhaca, islamarkaana uu xilliyada qaar wax u dhimo midnimada iyo walaatinimada.

“Beenta oo aan ognahay in ay xaaraan tahay, waxay diintu banneysey hadii dad is haya lagu kala badbaadina o, taasna waxan ka fami karnaa qiimaha ay dhex-dhexaadintu leedahay”* Sheekh C/shaafic ayaa yiri.

_MG_9167Sheekh C/laahi Cabdi (Shabeel) oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isaguna si kooban u sharraxay shuruudaha dhex-dhexaadinta iyo waxa laga rabo cidda ay tahay in ay xalliso arimaha muranku ka taagan yahay ama uu khilaafku ka jiro.

Sheekhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in nabadoonnada laga rabo in ay cadaalad sameeyaan, islamarkaana ay aad uga fiirsadaan kiisaska ay gartooda gelayaan, muhiimna ay tahay in nabadoonku uu leeyahay aqoon dhanka sharciga ah.

_MG_9169Ugu danbeyntii waxaa hadlay qaar kamid ah nabadoonadii aqoon isweydaarsiga loo qabtay, waxayna mahad u celiyeen culimada iyagoo tilmaamaty in ay lagama maarmaan tahay in barnaamijyada noocan oo kale ah lasii dardar geliyo.

_MG_9182_MG_9176_MG_9171_MG_9169Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa qayb ka ah olole ballaaran oo wacyi gelin ah oo ay soo qaban qaabisay muassasada Al-Minhaaj, oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.

Isha Warkan : Culimada Puntland

MUQDISHO: 165 Mudane oo ka tirsan Xillibaanada DF Somalia oo soo xaadirey fadhi baarlamanku maanta yeeshey

$
0
0

Muqdisho: (pp)-Fadhi maanta ay yeesheen Baarlamanka DF Somalia ayaa waxaa kasoo qeyb galey 165 mudanayaal oo ka tirsan baarlamanka Somalia , kuwaas oo kaga hadley shirkooda waxyaabihii u qabsoomey saddex guddi oo kala ah Guddiga Dhaqaalaha Ganacsiga Warshadaha, Guddiga Gaadiidka wadooyinka iyo Guddiga warfaafinta dhaqanka iyo Boostada.

Fadhiga maanta ayaa warbixin waxaa looga dhageystey howlihii u qabsoomey saddexdaasi guddi, waxayna kusoo bandhigeen goobta mudanayaashu fadhiyeen in ay warbixino ka hadlaya daba galo ay ku sameeyeen guddiyadaasi wasaaradihii ay wada shaqeynta kala dhaxeysay.

Guddiyada warbixinta soo gudbiyey ayaa sheegey in ay jiraan wasaarado waxyaabo badan u qabsoomey , halka ay tilmaameen in ay dhiman yihiin qeybo kale oo ka hadli doona warbixinadooda , islamarkaana dhawaan ay soo gudbin doonaan.Mid ka mid ah Gudiyada Barlamanka

 

 

 

 

 

 

Mudanayaasha Kulanka Joogey

 

 

 

Kulanka baarlamanka ee maanta waxaa shir gudoominayey oo goob joog u ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan (Jawaari) waxaana uu soo xirey gabo gabadii kulanka , iyadoo lagu balamey maalinta beri ah in la dhameystiri doono dhageysiga warbixinada guddiyada harsan.

Kulamadii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay warbixinno uga dhageysanayeen gudiyada Baarlamaanka Soomaaliya taas oo qeyb ka noqotay ajandayaasha joogtada ah ee kulumada Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Muqdisho Somalia

Bosaso : Xaflad loo sameeyey Ardey ka qalin Jabisey Jaamacadda Bosaso University (Sawiro)

$
0
0

Bosaso: (pp)-Jaamacada University Bosaaso ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ay ku qalan jabinaayeen arday dhameysatey kulliyado kala duwan oo ay ka baranayeen jaamacadaasi,waxaana kasoo qeyb galey xaflada qalin jabinta Maamulka Jamacada, Duqa Bosaso, Aqoonyahano, iyo Ardeyda dhameysatey.

Ardeyda

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeyn Xaflada waxaa furey Professor Yaasiin Beeldaaje Cabdulaahi oo hambalayo u direy ardeyda Jaamacada isagoo yiri” Waa maalin taariikhi ah waana talaabo horey loo qaadey,ardeyda iyo maamulka Jamacadda Bosaso amaan ayaan si gaar ah ugu soo jeedin ”

Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso University oo isna ka hadley xaflada ayaa ka sheekeeyey marxaladihii iyo heerarkii kala duwanaa ee bosaso University soo martey , isagoona kula dardaarmey ardeyda inay ummadooda ugu shaqeeyaan cilmiga ay barteen.

Sakariye Isticmaar oo ka mid ah aqoonyahanada Puntland islamarkaana ka mid ahaa marti sharaftii lagu casumey xaflada ayaa hadal goobtaasi kasoo jeediyey , wuxuuna sheegey in maanta Puntland laga hello waxbarasho ilaa PHD ah.

Wuxuuna tilmaamey Mr Zakariye in uu soo dhamaadey rafaadkii horey ay u qabeen dadka reer Puntland ee ku aadanaa tayo la,aanta waxbarashada, isagoo taas bedelkeeda carabaabey in ay xilligan dadku yihiin kuwo heli kara fursado dahabi ah oo waxbarasho , iyaga oo ku nool gudaha wadankooda. Zakariye isticmaar

 

 

 

 

 

 

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sarre ah loo soo agaasimey ayaa ardayda ka qalin jabisey Bosaso University ay ahaayeen kuwo isugu jirra dhalinyaro iyo dad waaweyn oo dib uga faa,iideystey waqtigooda waxbarasho,midaas oo tusaale u ah in cilmigu uusan lahayn yaraan iyo weynaan midna.

Gabo gabadii xaflada ayaa ardeyda lagu gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo Abaalmarino loogu talo galay , wuxuuna maamulka jaamacadu balan qaadey in sanadka danbe hadii alle yiraahdo jaamacaddo soo bandhigi doonto xaflada midii shalay ka balaaran iyo abaalmarino qiimo badan leh.

Kasoo qeyb galayaashii

 

 

 

 

 

 

 

Ardayda dhameysatey

 

 

 

 

 

 

 

Mid ka mid ah ardeyda qalin jabisey

 

 

 

 

 

 

 

Ardeyda dhameysatey Koorsada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Bosaaso Office

 

MUQDISHO: Ra’iisal Wasaare Saacid oo qaabilay wafdi sare oo ka socday midowga Yurub (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday midowga Yurub kaasoo ay hogaamineysay agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

Saacid Francesca Mosca

Saacid Francesca Mosca

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo xubno ka socday dawladda Biljigamka. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Saacid iyo agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha dib-u dhiska iyo tayeyntooda ciidamada Soomaaliyeed, xasilinta gobolada iyo horumarintooda dalka iyo waliba dib- u dhiska hay’addaha maamulka maaliyadda,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dawladdu ay dhaqangelisay sidii nidaam hufan oo maaliyadeed loo sameyn lahaa, ayna ka codsadeen midowga Yurub inuu gacan ka geysto sidii looga gun gaari lahaa.

 

IMG_6605Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhowaan ay la siixan doonaan midowga Yurub heshiis iskaashi iyo horumarineed kaasoo loo yaqaano – Cotonou agreement, wuxuuna xusay in heshiiskani uu faa’iido u leeyahay
dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Waxaa uu intaas ku daray in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarinta dhismaha hay’addaha dawladda iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay xasuuqii argagixisada ee 14-kii bishan ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir kaasoo ay kooxaha Al-Shabaab u geysteen dadka rayidka ah.

IMG_6618“Wadahadaladeenu waxay ahaayeen kuwo miro dhal ah, waxaana halkan ka cadeynayaa in Midowga Yurub uu taageero buuxda la garab taagan yahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri agaasimaha waxayna dhanka kale xustay in ay sidoo kale taageero buuxda u hayaan howl-galka nabad illaalinta AMISOM kuna taageerayaan dhaqaale.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Muqdisho Somalia

Laascaano: Korontadii magaalada Laas-caano oo xalay laga damiyey magaaladaas sababo amaan dartood.

$
0
0

Laascaano : (pp)- Magaaladda Laascaanood ayaa gabi ahaanba laga bakhtiiyay xalay laydhkii ama ifkii korontadu siin jirtey magaaladaasi Kadib markii kooxo aan la aqoonsani Shirkadda LESCO ee magaaladda Laydhka u shida loogu Hanjabay haddii ay bakhtiin waayaan in Mishiinada laga qarxin doono.

Sida uu Puntlandpost u xaqiijiyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, waxa uu sheegey gabi ahaanba magaalada laga damiyey korontadii iyo laydhadhkii waaweynaa ee ku xirnaa hareeraha wadooyinka, kuwaas oo magaalada iftiimin jirrey.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa magaaladu ahayd mid madow islamarkaana dadweynaha soo food saartey cabsi xoogan ka dib markii ay maqleen sababaha korontada magaalada looga damiyey.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmiya oo ay kasoo saareen nalkii magaalada oo dansan maamulka laas-caanood iyo kan shirkadaasi LESCO kuna aadan sababta ka danbeysa in laga baqtiiyo magaalada dabkii korontada.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Laascaanood.

Viewing all 1543 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>