Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all 1543 articles
Browse latest View live

GAALKACYO: Magaalada Gaalkacyo oo laga taageeray Dhismaha Jubbaland State ( Daawo- Video)

$
0
0

Gaalkacyo: (pp)-  Magaalada Gaalkacyo ee Xarrunta gobolka Mudug ayaa aad looga taageeray dhismaha maamulka Jubbaland State oo dastuurkeeda la ansaxiyey maalin kahor.

GaalkacyoXafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay dadkii ka soo jeeday deegaanka Jubbooyinka , kuwaas oo qaxooti ahaan ugu nool magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo maamulka Puntland ka codsaday inay  ku taageeraan sidii ay deegaanadoodii ugu noqon lahaayeen.

Daawo Taageerada Maamulka Jubbooyinka

Waxaa kaloo xafladaas ka hadlay Maamulka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegay in Jubbaland ay tahay mataantii Puntland ayna waajib tahay in shacabka Walaalahood ah ee samaysanaya maamulka iyo kala danbaynta in lagu taageero dhismaha maamulka Jubbland.

Waxaa kaloo magaalooyinka Puntland oo ay ka mid yihiin Garoowe, Boosaaso, Sanaag,  ka socda Xaflado iyo taageero loo muujinayo Dhismaha curashada deegaanka Jubbooyinka ee ka hana-qaaday deegaanka Jubbaland.

Puntlandpost, Gaalkacyo, Puntland

 


KISMAAYO: Calankii Jubbaland oo la taagay (Daawo- Video)

$
0
0

Waxaa Xarrunta Jaamacada magaalada Kismaayo oo ay ka socdaan shirarka dhamaystirka dhismaha Jubbaland State gelinkii danbe ee maanta laga taahay dhexbartamaha xarrunta Jaamacada Kismaayo University, taas oo ay micnaheedu tahay in maanta wixii ka danbeeya Jubbaland ay yeelatay Astaan u gaar ah oo ay kaga duwan tahay gobolada kale ee Soomaaliyeed.

Calanka Jubbaland State oo la taagay

Calanka Jubbaland State oo la taagay

Calanka Jubbaland oo la taagay

Xaflada Caleema-saarka Calanka Jubbaland State ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka Kismaayo, Wasiiro iyo masuuliyiin ka socda dowlad goboleedka Puntland iyo Xildhibaano ka socda dowlada federaalka ee Soomaaliya.

 

Guddaha magaalada Kismaayo ayaa aad looga hadal hayaan taagista Calanka Jubbaland State oo aad loo hadal hayo iyadoo dadka wejiyadooda ay ka muuqatay inay galeen waqti hor leh oo ay ku iloobayaan dhibaatooyinkii ay soo mareen 22-kii u danbeeyey.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

MUQDISHO: Waa Kuma Maxamed Xasan Xaad? oo sheegta Oday dhaqan oo la xaqiijiyey inuu bililiqaysatay Guryihii Muuse Boqor– (Xog Muhiim)

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Warar xaqiiqo ah oo Puntlandpost ay heshay ayaa sheegaya (Ex Timajare), Xasan Xaad oo sheegta inuu ka mid yahay Oday dhaqameedka Beelaha Hawiye inuu ka mid yahay shaqsiyaadkii la wareegay Guryo uu leeyahay Halyey Muuse Boqor oo ka mid ahaa madaxdii dalka Soo maray , isla markaana ka mid ahaan jiray halgamayaashii SYL , ahaana shaqsiyaadkii Soomaaliyeed oo aad looga ciseyn jiray Dalka Soomaaliya Waqtiyadii dalka ay ka jirtay nolosha Wanaagsan iyo kala danbaynta.

Maxamed Xasan Xaad

Waa Kuma Maxamed Xasan Xaad??

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Xaad bilo sii horaysay laga fur furi waayey qaar ka mid ah Guryihii Xaaji Muuse Boqor, isagoo markii lagala hadlay guryaha Xaaji Muuse Boqor ka meer meeray inuu isaga baxo , inkasta oo xogta nasoo gaaraysa ay sheegayso in markii ugu danbeysay uu sheegay inuu wareejinayo.

Xogta ay heshay Puntlandpost,  ayaa sheegaysa in Guryaha qaarkood uu kiro uu ka qaadan jiray , waxaana arrinkan ay cadaynaysaa in ninka sheegta Inuu Oday Beel yahay kuwa arxan laaweyaasha ah oo xalaalaystay   dad Soomaaliyeed guryahooda , weliba nin Soomaaliya aad looga yaqaanay guryihiisa,  oo Saldanad aad u facweyn ka soo jeeday.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Waxaa kaloo xusid mudan  in Axmed Diiriye oo sheegta Magaca Oyaasha Beesha Hawiye,  isagana Guri uu Sanado badan uu deganaan jiray inuu ku dilay ninkii lahaa , kaddib markii uu kusoo weeraray isaga iyo maleeshiyo uu wato.

Dad badan oo Soomaaliyeed ee yaqaan ragan ku qaraabta inay Odayaal beel yihiin ayaa aad ulla  yaaban waxa ay ku mutaysteen inay Beelo ay u yihiin Odayaashood , iyagoo leh hab dhaqankii ay ku si foobeen oo ah middi inuu Gurigiisii  ku dilay ninkii lahaa waa Axmed Diiriye’e , halka kan kale uu haysto Guryo ka mid ah guryihii Halyey allaha u naxariistee Muuse Boqor.

Shaqsiyada labadan nin , ayaa  lagu cadeeyey inay labadan nin ay yihiin Dhagar qabeyaal ka mid ahaa kuwii bililiqaystay guryihii iyo hantidii Soomaaliyeed, kuwaas oo illaa hadda doonaya inay Soomaaliya aysan ka dhalan dowlad , si aan loogala xisaabtamin hantida iyo danbiyadii ay ka galeen dadka Soomaaliyeed.

Labadaan nin oo dhibaatada intaas le’g qaba ayaa had iyo jeer sheegta kuna soo celceliya inay yihiin Oday dhaqameed , isla markaan adeegsada magaca umada Soomaaliyeed, waxaa kaloo iswiidayn leh niman iyagiiba bilililiqaystay dad Soomaaliyeed hantidoodii iyo guryahoodii iyo maalkoodii ma sheegan karaan magaca Soomaali?.

Sikastaba, Magaalada Muqdisho oo beri samaadkii ahaan jirtay magaalada dalalka Afrika ugu horrumarsan ayaa ragga noocaan kale ah ay hada sheegtaan in ay iyagu u yihiin Oday dhaqameed , magaaladaas ayaa maanta laga sugayaa in Soomaaliya ay u noqoto Caasimaad Soomaaliyeed oo wax laga weydiiyo ragan oo iyagu ku takri-falay isla markaasna haysta guro iyo hanti ay dad badan oo Soomaaliyeed leeyihiin.. Muqdishoy Xaal qaado.

 

Warbixino kale oo arrimahan ku saabsan iyo baaritaano la xiriira rag badan oo gacanta ku haya Hanti ay dad badan oo Soomaaliyeed leeyihiin ama ku dileen kala soco Warbaahiyaha Puntlandpost.com.

 

 

 

BOOSAASO: Ganacsatada Puntland oo taageero umuujiyay Madaxda Hay’adda wadooyinka Puntland ee NESHA (sawirro)

$
0
0

Boosaso: (PP)_ Agaasimaha hay,adda wadooyinka puntland maxamuud cabdinuur aadan ayaa manta waxa kullan kulaqaatay gudaha magaalada Boosaaso qaar kamid ah ganacsatada waawayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

Kulan kaani oo kadhacay xarunta rugta ganacsiga iyo warshadah Puntland ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta sar sare ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland iyo waliba qaar kamid ah ganacsatada waawayn ee  Gobolka Bari .

Kulanka Gancsatada iyo Agaasimaha Hay'ada waddooyinka

Kulanka Gancsatada iyo Agaasimaha Hay’ada waddooyinka

Ujeedka kulankaani manta ay yeeshaen ganacsatada gobolka Bari iyo agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland waxa sharaxaad kabixiyay gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland Maxamed Caydiid waxana uu sheegay in kulankaani uu yahay mid ay hay,adu kudoonayso in bulshadeeda ay u adeegto gacan saarna layeelato ganacsatada reer Puntland .

‘’In talo wadaag layahay oo aysan hay,addu noqon mid aan bulshadeeda iyo waliba ganacsatadeedaba aan kawar hayn dhibaha imaanaya iyo waliba horumarka imaanaya ay kawada tashadaan hanoqoto ganacsatada injineerada iyo cid kasta oo ay arimahaan khuseeyan’’Sidaasi waxa yiri  gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland Maxamed Caydiid.

Agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland Maxamed Cabdinuur Aadan oo isna kulankaasi kahadlay ayaa sheegay in hay,addan isbadal wayn lagu sameeyay waxana uu sheegay in loo sameeyay hogaan cusub, isagoona intaasi raaciyay in hogaanka cusub ee loo sameeyay hay,adda ay horyaalin qorshayaal farabadan qaybna ay katahay in ladhiso boorka hay,adaasi .

Guddomiyaha Hay'adda wadooyinka Puntland ee NESHA

Guddomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland ee NESHA

‘’Boorkaasi waxa ay ka imaanyaan ganacsatada,injineerada xirfadlayaasha dad noocas oo kale ah ayay ka imaanayaan,runtii intaan xafiiskaan aan imi qaylo dhaamada ugu badan waxa ay ka imaanayaan bur burka xooga leh ee kuyimi buundooyinka iyo laamiga bur burka lixaadka leh ee kamuuqda kuwa wax kaqban karana waa idinka oo ah ganacsatada ,,Sidaasi waxa yiri Agaasimaha hay,adda wadooyinka puntland maxamuud cabdinuur aadan.

Waxa  sidookale uu agaasimuhu sheegay in hay,adda wadooyinka puntland ay ubaahantahay kutaageerida dhismooyinka lagu wado wadooyinka bur buray sida wadada xiririsa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo uu sheegay inta jidka kusoo jireen in ay ku arkeen arin aad looga naxo oo ah in bur bur xoogleh uu kamuuqdo wadadaasi.

Qaar kamid ah ganacsatadii kulankaasi kasoo qayb galay ayaa iyaguna waxa ay madasha kasheegen in ay ka go,antahay lashaqaynta hay,adda wadooyinka puntland waxana ay umahadceliyeen agaasimaha cusub ee hay,adda wadooyinka waxana ay kula dar daarmeen in uu noqdo mid dantiisa kahormariyo danta shacabka uu u adeegayo .

Qaar kamid ah Ganacsatada kaqaybgalay shirka

Qaar kamid ah Ganacsatada kaqaybgalay shirka

Agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa maalmihii ugu dambaysay waxa uu kulamo gooni gooni ah laqaadanayay masuuliyiinta maamulka Boosaaso,Masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada waxana uu kala hadlayay sidii loo dar dar galin lahaa dayactirka wadooyinka isku xira magaalooyinka boosaaso iyo waliba Garoowe .

PuntlandPost_Boosaaso

EYL: Hay’adda Somali Family Service oo degmada Eyl ka wada Barnamij Bulshada deegaanka lagu barayo faa,iidada Booliska (Sawiro)

$
0
0

Eyl: (pp)-  Kulan lagu lagu falanqaynayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & wada shaqaynta bulshada deegaanka iyo Ciidamada amaanka Eyl, ayaa lagu qabtey xarunta maamulka degmadaasi.waxana kasoo qeyb galey Maamulka,Booliiska, Haweenka, Odayasha dhaqanka, Dhalinyarada, Macalimiinta, bahdaCaafimaadka & Ganacsatada.

Hoolka xarunta degmada Eyl

Hoolka xarunta degmada Eyl

Kulanka oo ahaa mid ay soo agaasintey Hay,adda Maxaliga ah ee Somali Family Services (SFS) oo kaashanaysa hay,adda ay wada shaqaynta leeyihiin ee DIAKONIA,ayaa lagu wadaa in uu sii socdo kulanku labo maalin.

Maamulka Degmada Eyl

Maamulka Degmada Eyl

Gudoomiyaha Degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal Muuse Cismaan Yuusf,oo furey kulanka ayaa wuxuu ka warbixiyey xaaladda guud ee degmada sida  Nabadgelyadda,Beeraha,Caafimaadka,Waxbarashada iyo la dagalanka Burcadbadeeda isagoona ku booriyey ka qeyb galayaasha shirkan in ay ka faaiidaystaan aqoon is weydaarsigan labada cisho u socon doona si ay uga dhaxlaan howlaha horumarineed ee deegaanka.

Faysal Mataan Hay,adda SFS

Faysal Mataan Hay,adda SFS

Faisal Maxamed Mataan oo ah Madaxa Mashrucaan ee SFS ayaa isna sheegay in barnaamijkan diirada lagu saaridoono sidii ay u wada shaqayn lahayeen bulshada iyo Police-ka  oo ujeedadu tahay in ay iska kaashadaan dhanka Nabadgelyadda degmadda Eyl,

Madaxa Mashariicda Hay,adda  DIAKONIA Maxamud Cali Siciid (Guunbe) ayaa isna faahfaahiyey muhiimadda uu bulshada u leeyahay aqoon kororsigaan waxaana uu sheegay in uu yahay mid lagu kobcinayo xiriirika wada shaqayneed ee bulshada iyo Booliiska.

“waxaa loo bahanyahay in lasoo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysay Booliiska iyo muwadiniinta ,iyadoo la abuurayo jawi nabad ah oo ogol in Muwadiniinta iyo Booliisku ay wada shaqeyaan khaladna aan laga fahmin shaqada bulshada boolisku u qabto goor walba” Guunbe.

Kasoo qeyb galayaasha shirka

Kasoo qeyb galayaasha shirka

Waxaana intaas ka dib la guda galay doodaha iyo isdhaafsiga figradaha iyadoo diiradda lagu saarey su,aalo ay ka midyihiin  Waa maxay  Booliisku?Maxaa kala socotaa howlaha uu bulshada u hayo? Sidee u wada shaqayn karaa booliiska iyo bulshada deegaanka Eyl?

BarnamijkaBarnaamijkan Hay,adda SFS ay ka bilowday deegaanka Eyl ayaa noqonaya mid faa,iido u xambaarsan bulshada ku nool degmooyinka ka leexsan dhulka laamigu maro, taasi oo lagu micneyn karo wuxuu ka caawin karaa in ay bulshada goobahaasi fahan dhow u yeelato khataraha boolisku ka difaaci karo.

Puntlandpost. Garoowe

GAROOWE: Madaxweynaha Puntland oo maalmahan xariga ka jari doona Madaxtooyada cusub iyo Xarunta Idaacada iyo TV-ga .

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ayaa maalmaha soo aadan xariga ka jari doona dhismaha labo xarumood oo ka mid noqonaya xarumaha cusub ee ay ku guuleystay hirgalintooda Xukuumada Puntland, kuwaas oo kala ah Madaxtooyada cusub ee Puntland iyo Xarunta TV-ga iyo Idaacadda oo hawada lasoo galinayo.

Idaacada iyo TV-ga Puntland oo dhawaan hawada soo gelaaya.

Idaacada iyo TV-ga Puntland oo dhawaan hawada soo gelaaya.

Ilo xogagaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyey Puntlandpost dhameystirida xarumahan cusub , kuwaas oo sida ay sheegeen ay u dhan yihiin dhamaan qalabkoodii xafiiseed iyo howlihii kale ee looga baahnaa.

Radio Puntland oo ah idaacadda short wave ah ayaa hawada lasoo galin doonaa, halka uu ka danbeyn doono TV-ga oo ka mid ah warbaahinta dowlada Puntland sheegtey in ay irdaha u furi doonto,waxaana intaas ku dareen ilahani in aysan xaqiijin karin xilliga TV-ga uu hawada laga daawan doono.

Dhanka kale xarunta Madaxtooyada cusub ee laga dhisey isla agagaarka Xarunta TV-ga iyo Idaacadda  ayaa lasoo gabo gabeyey, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne C/raxman uu xariga ka jarayo maalmaha soo aadan.

Dhismaha Madaxtooyada cusub ayaa socdey sanad iyo bar , waxaana uu ka balaaran yahay midkii horey u daganeyd madaxtooyada, iyadoona uu noqonayo mid ku fadhiya dhul baaxad weyn , kana kooban qeybo badan oo ay ka mid yihiin Xafiisyadii, Guryihii Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa, iyo Xerooyinka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Hay,addaha Dowlada Puntland ayaa dhismayaasha xarumo cusub oo loogu talo galey in ay usoo wareegaan xafiisyada iyo xarumaha Dowlada laga hirgaliyey duleedka waqooyi ee magaalada Garowe , iyadoona intooda badan la dhameystirey , laguna wado in dhawaan xariga laga jaro.

Waa Xukuumadii ugu horey ee Puntland oo ku guuleysata hir galinta dhismayaal u gaar ah kuna yaal hal goob oo u gaar ah hay,adaha Dowlada Puntland kuwaas oo laga fuliyey dhismayaal casriya oo bilicsan , waxaana sida dad badan hadal hayaan ka mid noqonayaan dhismayaashani  wax-qabadka xukuumada iyo guulaha ay ku talaabsatey.

FG: Hadii alle yiraahdo dhawaan Puntlandpost xafiiskeeda Garowe wuxuu idin soo gudbin doonaa sawirada iyo muuqaalka xarumaha cusub ee loo dhisey hay,adda Dowlada Puntland iyo kuwa xariga laga jarayo , goor dhow ka fillo Puntlandpost

Puntlandpost, Garowe.

OHIO: Markii Sadexaad OHIO Taageero Baaxad leh,– Jubbaland State (Sawiro)

$
0
0

Ohio: (pp)-  Waa markii Sadexaad oo shir noocaan oo kale ah ay Somalida kunool Gobolka Ohio ee waqooyiga Amerika si Baaxad-Muuqaal leh u taageeraan Maamul Gobolleedka Jubbaland, waxyar kadib markii dhidibadda loo aasay Maamulkan. Madaxdii shirkaan goob-jooga ka ahayd ayaa waxaa ka mid ahaa Embasadooradii ugu dambeeyay ee Dowladdii dhexe ku lahayd dowlada Sacuudiga iyo tan dalka Maraykanka, Embassador Adam Hersi Sandheere iyo Embassador Cabdikarim Cali cumar.

jubbalandEmbassadorCabdikarimEmbassador Cabdikarim Ali Omar ayaa soo dhaweeyey dhismaha maamulka Jubbooyinka, islamarkaana eed dusha kaga tuuray dowladda Federalka, kuna tilmaamay in ay waxqabadkii dowlad ahaan laga filayay ay aad uga gaabiyeen. Waxuu yiri Embassadorka, Dowladda waa inay Cadaaladda ka shaqeysaa, dadkan lasoo sheegayo ee guryaha laga heysto guryahoodii lala raadiyaa, hantida dowladda ee loo isticmaalo ganacsiga gaarka loo leeyahay waa in wax laga qabataa, dhalinyarada shaqooyin loo abuuraa, waxaa oo idil dowladda ayay utaalaa ayuu yiri Embassadorka.
jubbaland14Isla Goobta ayaa waxaa sidoo kale inoogu waramay, Madaxa hey’adda samafalka ee SADE International Mr. Xirsi Faarax sheegayna in dhismaha Jubbaland waqti dheer aad loo sugayay, hay’add ahaana ay dhaqaale ku taageeri doonaan maamulkan cusub, gaar ahaan ayuu yiri dhaqaale uruurin ku aadan Odayaal dhaqameedka iyo maamul hoosaadka G. Gobolka Gedo si ay uxoojiyaan mowqifkooda xaqa kusalaysan oo ah ka qeybgalka iyo dhisida Jubbaland.
Mr. Xirsi ayaa wax ka taataabtay sidii ay horaanta sanadkan ay hay’adda SADE International ay xiriir ula sameyeen urarada samafalka iyo kuwa dowliga ah ee maraykanka iyo dunidda kale si ayuu yiri loo caawimi lahaa Guud ahaan Somalia iyo shacabka dhamaan ku kunool sadexdaa Gobol isla markaana codsaday in la taageero Maamulka Jubbaland State.

jubbaland13
jubbaland12Mr. Xirsi ayaa Sidoo kale, cambaareyn dusha ka saaray Odayaal dhaqameedkii Xamar ku shiray ayagoo ayuu yiri ay Qabiil ahaan G. Gedo kasoo jeedaan balse intooda badani ayan wax deganaasho shaqsiyeed ah ku laheyn Gobolkaa. Waxuu yiri “Maadaama la idin doortay si kastaba, talada haboon maanta idin hortaala waa in aad daacada ka talisaan, aad raadisaan qeybta dhaqaale ama siyaasad ee Goboladiinu ku leeyihiin dowladda Federalka. Waxaa kaloo muhiimad gaar ah leh in aad Nabadsugidda iyo Hay’addaha Nebadgelyada ee Xamar ku dhiiri-gelisaan sidii loo soo qaban lahaa Gacan kudhiigle-yaasha hadda xorta ah ee sida kibirka leh utoogtay Xildhibkii caanka ahaa ee reer Gedo AUN Xildhibaan Aadan Buule iyo waliba shaqsiyaad kale oo si foolxun ayagana loo dilay kadib markii ay damceen inay guryahoodii dib uhelaan ayagoo isku halaynaya dowlada meesha ka jirta” Ogaada ayuu yiri kuwaa ayaad mateshaan oo aad meesha ufadhidaan si aad ugu fududeysaan dib-uhelid hantidooda ama guud ahaan misirka Goboladiina”
Isla goobtaa sidoo kale, waxaan kula hadalnay Mr. liibaan Buule, oo kamid raggii Xildhibaan Marxuum Aadan Buule ifka kaga tagay, ahna madaxa Hay’adda GEDO DIASPORA, ayaa inoo sheegay in ay Hay’addiisu ka shaqeyso sidii ay xiriir iyo shirar ula qaadan laheyd Hay’addaha Caalamiga ah ee dunidda, asagoo islamarkaa inoo xaqiijiyay in ay Hay’adahaa qaar ay isku afgarteen sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Jubbooyinka kunool iyo dhamaan shacabka Somaliyeed, iyo sidoo kalena taageeraan maamulkan cusub ee Jubbaland.
jubbaland1Duniya Yuusuf (Duniya Deggan) oo ah Chair-ka Jubba Center for Peace and Development ahna aqoonyahanad kasoo jeeda G. Gedo gaar ahaan deegaan ku ah degmooyinka ku teedsan Xuduuda sida BeledXawo, Khadija Xaaji, Doollow, Geedweyne, iyo Luuq oo goob-joog ka aheyd shirkan ayaa rajo weyn ka muujisay in shacabka Gedo ay si xoog leh u taageerayaan maamulkan cusub. Duniya Degan iyo Hey’adda Jubba Center for Peace ayaa marwalba qeyb libaax ka qaata dhiirigelinta Nabadda, la dagaalanka Abaaraha iyo Jahliga iyagoo marwalba isku daya inay ka hirgaliyaan, horayna uga hirgaliyay mashruucyo ka kooban raashin qeybin, waxbarasho iyo kuwo sportigga-qaabilsan.
jubbaland11Mr. Abdikhayr Sheikh Sofe oo ah madaxa sare ee Xafiiska Mayorka Magaalada Columbus, una qaabilsan xiriirka jaalliyadaha cusub ee Gobollka OHIO oo aan qadka Talefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay Jubbaland ka mid tahay maamul Gobolleedyada sharciyeysan ee ka jira dalka, loona baahan yahay ayuu yiri in Dowladdu aysan faro gelin ku sameyn, iskuna deyin inay bedasho ama qalqal geliso mowqifka shacabka reer Gedo oo ah inay ka mid noqdeen waliba si xor ah iyagu udoorteen ka qeybqaadashada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

jubbaland9Abdikheyr Sofe ayaa ah aqoonyahan looga-qaateen ah, kana mid ahaa aqoonyahanaddii wax ka aassaasay Jaamacada qaangaarka ah ee University of Gedo iyo College-ka hadda loo yaqaan Baardheere Polytechnic.
Sido kale waxaa soo dhaweeyay dhismaha Jubbaland, Madaxa Jaaliyadda Jubbaland DIASPORA ee North Amerika Mr. Guhaad Xaashi Pro asagoo ku baaqay in doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka la dardar geliyo, lana soo xulo dad tayo leh ayadoo aan ayuu yiri wax eed ah laga gelin cidwalba oo degaanka Jubbaland degan.

jubbaland8Si kastaba ha ahaatee, Dowlad Gobolleedkan ayaa kalsooni buuxda ka heshay shacabka Gobolladaas kasoo jeeda iyo guud ahaan hay’addaha caanka ah sida AMISOM, IGAD, USIAD, iyo tan ugu muhiimadsan, Xildhibaano Federal oo Boqollaal kor udhaafaya. Taa ayaa keeni karta Hubaal-xasilooni ah in loo helo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo mudo dheer dhib-dagaal uu kusoo jiray.

jubbaland7 jubbaland6 jubbaland5 jubbaland4 jubbaland2 jubbaland

Puntlandpost, Ohio, USA

 

 

Mamulka Jaamacada Boosaaso oo sheegay in horumar la taaban karo ay jaamacadu samaysay mudii koobanayd ee ay Garowe ka shaqaynaysay (Sawiro)

$
0
0

Jaamacada Boosaaso (University of Bosaso) waxay ka mid tahay jaamacada ka hawlgala gudaha wadanka Soomaaliya ee sanad walba soo saara boqolaal arday oo baratay kulayadaha kala duwan ee ay Jaamacadu bixiso.
DSC00700Jaamacad Bosaso (University Of Bosaso) waxay ka asaasantay Machadkii la oran jiray Boosaaso Collage oo aad ugu caan ahaa Waxbarasho tayasan iyo horumarinta bulshada, waxaana jaamacadu ay mudo yar oo ay jiray ku talaabsatay horumar muuqda oo arday iyo bulshaba la wada qiray.

Bilowgii sanadkan waxay jaamacadu xarun cusub ka furay magaalada Garowe ee caasimada Punland kadib markii ay daraaseeyeen baahida waxbarasho ee magaaladan ka jirta iyo dalabaadka ardaydu ay u soo dirayaan maamulka Jaamacada.

Sawiro badan Daawo

DSC00685 DSC00690 DSC00695 DSC00703 DSC00686 DSC00691 DSC00705 DSC00687 DSC00692 DSC00698 DSC00707 DSC00688 DSC00694 DSC00708

Xarunta jaamacada Bosaso ee Garowe oo shaqaynaysa mudo aan ka badnayn 3 bilood ayaa Maamulka Jaamacada Boosaaso ee Garowe Campus wuxuu sheegay in Jaamacadu ay samaysay horumar la taaban karo mudadaasi kooban ee ay magaaladan Garowe ka jirtay.

C/naasir Xirsi Jaamac oo ah Maamulaha Jaamacada (*University of Bosaso – Garowe Campos*) oo arrintan faahfaahin ka siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay jaamacada iska diiwaan galiyeen arday cusub oo farabadan mudadii koobnayd ee ay magaaladan Garowe ka shaqaynaysay, wuxuuna carabaabay in sare ay u qaadeen tayada barayaasha iyo manhajka jaamacada si ardaydu ay u hesho aqoon ku filan oo mustaqbalka ay naftooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban karaan.

Maamulaha Jaamacada C/naasir Xirsi Jaamac mar uu kula hadlayay ardayda Jaamacada kulan dhawrkii biloodba ay mar jaamacadu u qabato ayaa sheegay in jaamacadu ay dadaalo dheeraad ah ku bixinayso si ardayda uga haqab tirto baahida waxbarasho islamarkaana ay mustaqbal wanaagsan uga gaaraan waxbarashada ay wadaan, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay u heelaan aqoon ku filan oo ay noloshooda iyo shaqooyinkooda mustaqbalka ku maareeyaan.

C/risaaq Axmed faarax oo ah maamule ku xigeenka Jaamacada Bosaso (University of Bosaso) farceeda magaalada Garowe ayaa isna faahfaahin ka bixiyay kulyadaha ay jaamacadu bixiso, wuxuuna sheegay in jaamacadu ay
bixiso kulyado farabadan oo ahmiyad gaar ah leh, kuwo kaloo badana ay qorshaynayso in muqstaqbalka dhaw ay jaamacada ku soo kordhiyaan.

Maamulka ku xigeenka jaamacadu wuxuu sheegay in jaamacadu ay bixiso kulyadaha kala ah :-

1. Social Science Takhasuska Community Development;

2. Commerce and Modern Management Takhasuska Accounting and Finance;

3. Health Science Takhasuska Nutrition;

4. Sharea and law Takhasuska “Diraasaad islaamiya”.

Jaamacada Boosaaso University faraceeda Garowe waxay kaloo bixisaa bixisaa Luuqadaha sida English-ka iyo Carabiga.

Jaamacada Bosaso waxay kaloo dadka waxbarashada jecel u fududaysay Certificate-yada iyo Diplomooyinka maadooyinkan iyo kuwo kaloo farabadan oo dhamaantood ahmiyad weyn u leh bulshada iyo dadka baranayaba.

C/naasir Xirsi Jaamac oo ah Maamulaha Jaamacada (*University of Bosaso – Garowe Campos*) wuxuu warbaahinta u sheegay Jaamacaddu in ay xiriirro dhawr oo wadashaqyaneed la leedahay Jaamacado farabadan oo ka mid ah kuwa Wadamada Islaamka iyo Caalamka kale oo ay jaamacadu u fududayso ardayda doonaysa iyo qaab online ah wax uga bartaan Bachelors degree iyo Master kaba.

Jaamacada Boosaaso waxay aqoonsiyo ka haystaa wadashaqayn dhawna la leedahay Wasaarada Waxbarashada ee Puntland, Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo daladaha waxbarasho ee dalka ka jira, waxaana shahaadadeeda aqoonsan sida uu maamulka Jaamacadu noo sheegay wadamo farabadan oo Africa iyo Carabtaba ka mid ah.

Puntlandpost.com


Talo ku Socota Madaxweynaha Puntland, kuna aadan Shirka 7-May

$
0
0

Ma dooneyn inaan Taladan ku soo gudbiyo Barta Internet ka balse nasiib Iyo aqoon uma lihi Xafiiska Madaxweyne Faroole waana isku dayay inaan la xiriiro balse iima suurta galin.

Talo kusocota madaxweynaha Puntland , ee shirka ku aadan 7 may

Talo kusocota madaxweynaha Puntland , ee shirka ku aadan 7 may

Mudane Madaxweyne waxaan la soconaa inuu soo socdo Shirweyne looga hadlaayo dib u dhiska Soomaaliya, Isla markaana lagu marti qaadey Soomaalida oo dhan. Mudane Madaxweyne Shirkan waxa uu lee yahay ahmiyad Iyo xiisa gaar ah, Dadka la socoda Shirkan waxa ey qirayaan inuu jiro dib u dhac ka dhan ah Puntland Iyo Dowlada Puntland Xukuumad Iyo shacabka sida eysan uuga war heyn Shirkan.

Mudane Madaxweyne Shirkan waxaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska dalka oo lagu bixin doono dhaqaale Iyo Taageerooyin kala duwan, Mudane Madaxweyne Sanadkii hore waxaan kamid ahaa Qurbajoogtii lagu casumey shirkii April 2012 kaasoo looga hadlayay Hayada Deeqaha baxsha sida ey u shaqeeyaan Iyo sidii loo caawin lahaa, Mudane Madaxweyne shirkaas majirin Hayad Khyeri ah oo Puntland ka timid, taas waxaa ka sii darneyd majirin Ururo Bulsho oo Puntland ka yimid, halka Ururada Mogadishu Iyo Hargeysa ka yimid ey kor u dhaafeen 20-Urur.

Mudane Madaxweyne sanadkan shirka waxa barbar socoda mid looga hadli doono Ganacsiga Soomaaliya Iyo sidii Dowlada Ingriiska u maalgashan laheyd Soomaaliya taasoo lagu casumey ganacsato badan, ma aqaan in Puntland ey ka warheyso.
Maxaa Talo ah.
Mudane Madaxweyne waa inaad soo kaxeysataa Wasiiro xul ah Iyo dad Active ah kuna fiican lobbing ka Iyo Abaabulka. Mudane Madaxweyne waxaa jirta habacsanaan ka aloosan Jaaliyada Uk, sidaa darteed waa inaad Wafdi soo dirtaa shirka ka hor si ey kuugu abaabulaan, adoo isticmaalaya Dadka loosoo istaagayo maadama ey Soomaalida koonfur Iyo Waqooyi isticmaalaan habka Abaabulka aan xusey. Mudane Madaxweyne fadlan taladan wax ka qabo.

Istaahil Mahamoud Isse
P.hd, Candidate East London University
Istaahil100@hotmail.co.uk

Puntlandpost.com

GAROOWE: Gobal & Degmooyin cusub oo maalmahan si rasmi ah ugu soo biiraaya Gobalada & Degmooyinka Puntland.

$
0
0

Garoowe(pp)- Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedo lagu kalsoonaan karo oo ka agdhaw aqalka Madaxtooyada Puntland waxaa Gobalada Puntland kusoo kordhay Gobal cusub oo la baxay Gardafuul, waxayna xaruntiisa Gobal noqon doontaa Degmada caluula oo Horay uga tirsanayd Gobalka Bari.

Puntland oo soo kordhisay Gobal cusub iyp Degmooyin cusub

Puntland oo soo kordhisay Gobal cusub iyo Degmooyin cusub

Golaha Wasiirada Puntland oo gobalkan lasoo hor dhigay ayey wararku sheegayaan in si rasmi ah ay u meel mariyeen golaha wasiiradu waxaana lagu wadaa in la horgeeyo golaha wakiilada Puntland si ay ugu ansixiyaan Gobal cusub oo gobalada Puntland ka dhigaaya 9-gobal maadama ay horay u ahaayeen 8-Gobal .

Dadka ku dhaqan degaankan loo magacaabay gobalka cusub ayaa si weyn usoo dhaweeyey in degaanadan loo aqoonsado Gobal kamid ah gobalada Puntland.

Dhanka kale Waxaa degmooyinka Puntland lagu daray degmooyin cusub oo kamid noqonaaya Gobalada Mudug iyo Haylaan, Gobalka Mudug ayaa waxaa Degmo cusub loo Magacaabay Degmada Towfiiq, sidoo kale Gobalka Haylaan ayaa waxaa Degmooyin cusub loo Magacaabay Buraan iyo Celaanyo, Waxayna degmooyinka Puntland noqonayaan illaa 40-Degmo maadama ay horay u ahaayeen 37-degmo.

Warkan maahan mid weli si rasmi ah ay Dawladu ugu faafisay warbaahinta hase ahaate warbaahinta Puntlandpost ayaa ka heshay ilo lagu kal soonaan karo waxaana la rajaynayaa in dhawaan si rasmi ah loo baahiyo.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandpost.com

puntlandpost.com

KISMAAYO: Roobab mahiigaan oo ka curtay gobolka J/hoose (Video)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Gobolka J/hoose ayaa waxaa ka da’ay roobab muhiigaan ah , roobabkaas oo biyo dhigay daafaha iyo dibada magaalada Kismaayo.

J/hoose oo Roobab Raxmad ahi ay ka da'een.

J/hoose oo Roobab Raxmad ahi ay ka da’een.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyey allena uga mahadceliyey raxmada illaahay ugu yaboohay. Roobabka ayaa aad u saameeyey deegaanada gobolka J/hoose oo ay ka mid yihiin Deegaanka Jooraha, Afmadow iyo deegaano kale oo ku xeeran.

Daawo Video-ga

Raxmadan ayaa ah mid ay dadka muslimiinta ah ee deegaanadaan kunool ay aad ugu farxeen , iyadoo weli uu cirku aad rooban yahay.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

OSLO: Wasiirkii hore ee D/hoose puntland oo Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay dalka Norway (Sawiro)

$
0
0

Oslo: (pp)- Wasiirkii hore ee dowladaha hoose puntland oo shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyey Norge Waxaa maalintii jimcihii 05.04.13 magaalada Oslo ee caasumadda dalka Norge ka dhacay kulan casho Sharaf oo lagu soo dhawaynaayey mudane Cali Cabdi Awaare oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland iyo Somalia.

Awaare oo Shahaado la guddoonsiiyey

Awaare oo Shahaado la guddoonsiiyey

Munaasabadan casho sharafta ah ayaa waxaa ay ahayd mid si Heer Sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay kasoo qaybgaleen inta Badan aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Puntland ee ku nool wadanka Norway.

xafladi aware 1Kulan ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyadda Puntland ee Norge PCC. kulanka ayaa waxaa furay gudoomiyaha jaaliyadda Puntland .Deeq Cali Hayaan waxaana uu goobta uga mahadceliyey dhamaan marti sharafti kasoo qaybgashay kulankan waxaana sidoo kale goobta kahadlay odayaasha iyo aqoonyahanada reer Puntland ee Degan
magaalada Oslo.

xafladi awaare 3Dadkii goobta kahadlay oo ay kamid ahaayeen Abwaan Cabdicasiis Yuusuf Maax, Ugaas Cabdirisaaq, Suldaan Cabdirashiid Dheere, Dr. Ducaale wiish iyo nabadoonka guud ee jaaliyadda reer Puntland Maxamed Daahir Qaldheere ayaa dhamaan isla qiray in Cali Cabdi Awaare uu yahay shaqsi lagu bartay hufnaan, dhexdhexaadnimo, aragti tåke, kashaqaynta nabadda iyo midaynta dadweynaha reer Puntland dal iyo dibadba.

Sidoo kale kasoo qaybgalayaasha kulanka ayaa uga mahadceliyey mudane Awaare kaalintii dhanka nabadda uu ka qaatay 08.01.2013. taariikhdaan oo ahayd xiligi dadweynaha reer Puntland ay ku muransanaayeey XIL kororsigii xukuumadda iyo diidmadii mucaraadka.

sidaa daraadeedna waxaa ay dhamaan xubnaha kala duwan ee jaaliyadda isla garteen in mudane Awaare uu kamid Ahaa dadka ku dadaalay in khilaafka siyaasadeed ee Puntland lagu xaliyo wadahadal iyo isfaham Lagana fogaado wax Kasta oo amaanka khalkhal Gelin kara.

Sidaas daraadeed jaaliyadda waxay goobta ku guudoonsiiyey mudane Awaare shahaado sharaftii uu kumutaystay kaalintii uu ka qaatay nabadda 01.08.2013. Ugu damayntii kulanka ayaa waxaa sidoo kale kahadlay mudane Awaare oo warbixin kooban kabixiyey wadankii hooyo isla markaasna jaaliyadda PCC ku amaanay kaalinta ay kaciyaareen kashaqaynta nabadda.

xafladi awaare 16Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey shahaado sharafta la  gudoonsiiyey. Waxaana Xaflada/ kulankan uu ku soo gabagaboobay si wanaagsan .

xafladi awaare 17xafladi awaare 8

Dadkii kasoo qaybgalay ayaa waxaa ka mid Ahaa:

1. boqor maxamed ali qood2. Nabadoon Maxamed Daahir Qaldheere
3. Suldaan Cabdirashiid
4. Dr Ducaale Wiish
5. Dr shiine Cadceed
6. Mursal Maxamed ADAN
7. Cabdulaahi Ciise WAGAD
8. Abdulkadir Axmed FARASADEX
9. Ugaas Cabdirisaaq
10. Axmed XAASHI
11. Baajuun Nadiif Xagaa
12. Abwaan CABDICASIIS yuusuf MAAX
13. deeq Cali hayaan
14. Yaasiin Cali Cumar
15. Maxamed Cabdi CAAD
16. Maxamed Cabdi YAASIIN BAARSHEED
17. ENG. Cumar maxamuud ismaaciil faahiye
18. Muxsin MAXAMED
19. Maxamed faarax DHUUBANE
20. Yoonis Cali yuusuf
AFHAYEENKA JAALIYADA PCC Jamaal F. BAADI

Puntlandpost, Oslo, Norweyn

Dr. Jamaal Barrow : “ Dowladda Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa Xukuumadda Liibiya inay xabsiyadeeda ka siideyso muwaadiniinta Soomaaliyeed”(Sawiro)

$
0
0

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Jamal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya Danjire Daahir Saciid Cabdijaliil Dacluub oo ay ka wada –hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadankaasi .

DSC00148Danjire Daahir Dacluub ayaa uga xog-waramay Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr.Jamaal Barrow xaaladaha nololeed ee maxabiista Soomaalida oo uu ku sheegay kuwa isugu jira eedeysanayaal loo heysto fal dambiyeedyo , kuwa u xiran arrimo siyaasadeed iyo kuwa kale oo si sharci darro ah oo dhuumaaleysi ah ku galay wadankaasi.

DSC00143 DSC00146 DSC00148Siihayaha Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya , waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay ku casuumi doonto dalkeeda wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u kormeeraan xabsiyadda dadkaasi Soomaalida ah ay ku xiran yihiin .

DSC00146Dr. Jamaal Barrow, ayaa muujiyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay raadinta xaqqa iyo ilaalinta sumcadda muwaadinka Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday dowladda Liibiya inay siideyso Soomaalida ku xiran xabsiyadeeda.

DSC00143Tallaabadan ay qaadeyso Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DF ee Soomaaliya ayaa waxa uu ambaqaadayaa codsigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Prof. Hassan Sheikh Mohamud uu u jeediyay 26-kii bishii hore ee March Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Libya Mr. Ali Zeidan oo ay ku kulmeen Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar intii uu socday shir madaxeedka carbeed , waxaana Madaxweyne Xasan uu ka codsadaydowladda Libya inay dhowrto xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda iyo in xabsiyadda ay ka siideyso maxaabiista Soomaalida ah , dibna ugu soo celiso wadankooda.

Section of Press And Public Relations (PPR)
info@mofa.gov.so

Dadweynaha reer Murcanyo oo si kal & Laab ah usoo dhaweeyey Magacaabista Gobalka Gardafuul & Degmada Murcanyo.

$
0
0

Dadka kasoo jeeda Degmada Murcanyo waxay si kal iyo laab ah usoo dhawaynayaan Magacaabista Gobalka Cusub ee Gardafuul iyo weliba Degmada Murcanyo oo ay si rasmi ah u meel mariyeen Golaha wasiirada Puntland dhawaana la horgaynaayo Golaha Baarlamaanka.

garfuul

Waxayna arintan Mahadnaq iyo Amaan ugu jeedinayaan Madaxweynaha umadda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo weliba golihiisa wasiirada, Waxaa kaloo taageero xoog leh u muujinaaya, Mid kamid ah asaasayaashii iyo Hogmiyayaashii Maamulkii loo bixiyey Casayrland oo mar lagaga dhawaaqay degaanadan C/risaaq Jaamac Dhiis, Wuxuuna balan qaaday inuu la shaqayn doono Dawlada Puntland, wuxuuna sheegay inuu markii hore doonaayey in degaankan loo helo Gobal, Murcanyana ay degmo hesho, Waana uga mahadnaqaynaa Golyaasha Dawlada anagoo isku duuban waxaanuna balan qaadaynaa inaanu taageero isla garab taagi doono Urur Siyaasadeedka Horseed ee talada Dalka haya, Sida ay horayba dadka kasoo jeeda Murcanyo taageero aan gabasho lahayn ugu muujiyeen ururka Horseed Shirkii ka dhacay Hotel Amal Palaza ee Magaalada Boosaaso.

Waa tee Degmada cusub ee Murcanyo?? 

Degmada Murcanyo waxay ahayd Degmo suge 1960 oo ahaa xiliyadii Isticmaarka laga xoroobay, Intaas waxaa degmo loogu aqoonsan waayey cadaalad daro Dalka ka jirtay.

Nasiib wanaag Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo ah aabihii cadaalada Soomaaliya gaar’ahaan Puntland ayaa u garaabay tabashadii odayaasha degmada murcanyo, markuu hubiyey waxa dhabta ah ee meesha ka jira, oo ah in ay tahay degmo hodan ah oo isku filan degmooyinka kale ee Dalkana kabi karta, ayey garteen Madaxweynaha iyo Golayaashiisa kalaba in degmada Murcanyo ay kusoo biirto degmooyinka Puntland iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya, Waxaana arintan dhawaan Ansixiyey golaha wasiirada , Iyadoo dhawaan la horgeyn doono Wakiilada Puntland.

Murcanyo waa Magaalo soo jireen ah waxayna ku taalaa Badda Cas (Golf of Aden) , Waxayna ka kooban tahay labaatan iyo Dhawr tuulo, Wax soo saarkeedu wax uu ku tiirsan yahay:-

A-   Kalluumaysiga & Khayraadka Badda

B-Faleenka (Maydi,Beeyo iyo Geed-Mirood

C-Timirta iyo Beeraha yar-yar

D-Xoolaha Nool

E-Dhuxul dhagax,Macdan iyo Ceelal shidaal oo calaamadsan oo daboolan.

F- Ganacsiga Xorta ah.

Allaa Mahadleh.

Waxaa diyaariyey wax garadka reer Murcanyo.

Faafinta: Puntlandpost.com

Garoowe:Madaxweynaha Dowlada Puntland oo maanta kulan la yeeshey Wafti ka socda UNOPS

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 09 April,2013 ku qaabiley xafiiskiisa Garowe wafdi ka socday ”United Nation Office of Project services” UNOPS ayna hogaamineysay Madaxa Somalia Geeta Verma.

Madaxweynaha iyo Xubinta Waftiga hogaamineysa

Waxa wehelinayey Verma engineero iyo hawlwadeeno ka tirsan UNOPS oo qaabilsan dhismaha warbaahinta Puntland iyo garoomada diyaaradaha Bossaso iyo Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo wasiiro kale ayaa dhankooda kulankan ka qaybgalay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in si rasmi ah xariga looga jaro Idaacada Puntland ayna hawada u gasho.

Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Dowlada Puntland.

 

Puntlandpost_Garowe


Kampala: “Waxaan u nimid Uganda qorshayaal cusub “Ra,iisal wasaaraha Somalia Saacid (Sawiro)

$
0
0

Kampala: (PP) - Wafti uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaarey wadanka Uganda , waxaana kulan ay la yeesheen Madaxda wadankaasi gaar ahaan xubno uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Yugandha Amama Mbabazi.

Ray,isal wasaaraha Somalia Mudane Saacid ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey kulanka furitaankiisii Uganda sida ay uga qeyb qaadaneyso xasilooni kusoo dabaalida Somalia, Iyadoona labada dhinac ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin ,arrimaha iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Ra,iisal wasaraha iyo Xubin ka tirsan xukumadiisa

 

 

 

 

 

 

 

 

“Dawladda Yugandha waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horeysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Shirdoon.

Ray,isal wasaraha iyo xubno ka mid ah waftigiisa

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisal Wasaaraha Somalia wuxuu faah-faahin ka bixiyay ujeedada uu u yimid Ugandha , isagoona ku sababeeyey in ay la xiriirto dar der galinta howlaha sugida amaanka iyo xisillinta dalka , wuxuuna sheegey Mudane Saacid in ay wadaan qorshayaal cusub oo ay waftiga DF doonayaan in ay si buuxda ula kaashadaan AMISOM.

Madaxda Ugandha ee qaabiley Waftiga Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale Ra,iisal wasaaraha Yugandha Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegey in uu u mahad celinayo booqashada waftiga Ra,iisal wasaaraha Somalia ku yimaadeen Uganda ,iyadoona uu intaas ku darey in dowlada Ugandha si buuxda usoo dhaweynayso qorshaha cusub ee waftiga Somaliya wadaan.

Waxaana lagu wadaa in ay sii socdaan wada hadalada labada dhinac u dhexeeya , iyadoona gabo gabada safarka waftiga DF ee Ra,iisal wasaaruhu hogaaminayo ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Yugandha Yuweri Mesevini oo ay ka wada hadli doonan iskaashiga DF iyo Dowlada Uganda.

Puntlandpost_Kampala.

“Annagu ka Baarlaman ahaan cidna si gooniya uguma daneyno,Cidna si gaar ah uma xumeyno”Burhaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland

$
0
0

Garoowe : (pp)- Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey eedeymo dhawaan u jeediyeen qaar ka mid ah ururada siyaasada ee Puntland ka jirra, ka dib markii baarlamanku uu dhawaan ansixiyey xeerka goloyaasha deegaanka oo qaar ka mid ah ururadu ka biyo diideen , kuna dhaliileen xubnaha baarlamanka Puntland in aysan dhex dhexaad ka ahayn wacyiga jirra.

Xillibaan Burhaan Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka ee beeniyey eedeyntaasi ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta gudaha waxa uu sheegey in baarlamanku horey u ansixiyey hay,adda la yiraahdo guddiga doorashada Puntland,lana hirgaliyey ka hor intii aan ururada siyaasada la furin, ayna xaq u leedahay in ay golaha wakiilada usoo gudbiso wixii caqabad ku ah.

Xillibaan Burhaan wuxuu intaas ku darey in codka golaha wakiilada ajanda walba oo ku horyaala aysan jirin cid loogu daneynayo iyo cid lagu xumeynayo midna, wuxuuna ku sifeeyey qodobadii xeerka goloyaasha deegaanka in ay ku yimaadeen ka dib markii baarlamanka usoo gudbisey go,aan ka gaaristooda Guddiga Doorashooyinka.

“Wixii cabasho ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo qodobadaas, Ururkii ka dacwoonaya Guddiga Doorashadu xaq u leeyahay in ay u tagaan oo ay ka qanciyaan tabashadooda, xiriirka ka dhexeeya Guddiga iyo Ururadaas koley iyaga ayaa og, balse ka baarlaman ahaan annagu wixii doorasho ku saabsan guddiga doorashada ayaan kala xiriirnaa, madaama ay yihiin hay,adda Puntland u qaabilsan doorashooyinka oo loo dhaariyey ” ayuu yiri xillibaanku.

Xillibaan Burhaan Aadan waxa uu sheegey in uu fariin u dirayo shacabka Puntland,kana codsanayo in ay aqbalaan nidaamka asxaabta iyo doorashooyinka xorta, iyadoo uu dabo dhigey hadalkiisa in aysan u daneyn shacabku xisbi gaar ah iyo mid gooni loo wato ,isagoo taas bedelkeeda ku sheegey in ay tahay masuuliyad saaran shacabka Puntland ka gudbitaanka hababkii horre wax loo soo dooran jirrey.

Burhaan Aadan wuxuu sidoo kale ku nuux nuuxsadey in ay joojiyaan Ururada siyaasada hadalada kasoo baxayey maalmihii lasoo dhaafey oo ku sheegey kuwo aan munaasab ahayn oo gaf loogu geysanayo hanaanka bilowdey.

wuxuu ku dhaliiley ururada in ay og yihiin marxalada wadanka wixii caqabad ku ah ee laga gudbayo balse aysan ka dhigin qodobada la bedelayo sidii Aayad qur,aan ah oo aan meelna loo dhaafi karin , isagoona sidoo kale xillibaanku Guddiga doorashada ku booriyey in ay dhex dhexaad ka ahaayaan mar walba hanaankan.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga doorashada Puntland fadhigii baarlamanka ugu soo gudbiyeen ka saarista qodobo ku jirra xeerka doorashada goloyaasha deegaanka oo ay ku tilmaameen kuwo hortaagan doorashada bisha 5 aad ee socota, waxaana dood iyo falanqeyn maalmo qaadatey Mudanayaashu u codeeyeen 3 April 2013  in qodobadaas laga maarmo.

puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe

Gaalkacyo: Injineero iyo Madaxda hay,adda wadooyinka Puntland oo qiimeyn ku sameynaya dayactirka wadada u dhaxeysa Gaalkacyo & Garowe (Sawiro).

$
0
0

 

Gaalkacyo : (pp)- Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland ee (Puntland High-way Authority) Mudane Maxamuud C/nuur Aadan iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta qiimeyn ku soo sameeyay wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

Wadada la kormeerayo

 

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay Injineero iyo khubaro ka tirsan Hay’adda PHA, waxayna xubnaha wafdiga Agaasimuhu ka soo amba baxeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Saraakiisha Kormeereysa Wadada

 

 

 

 

 

 

 

Safarkan oo ah kii ugu horeeyay ee uu Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland uu kusoo maro wadada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Garowe ayaa wuxuu kormeer kusoo kala bixiyay meelaha laamigu ka burbursan yahay, meelaha u baahan in la dayactiro iyo meelo ka mid ah laamiga oo ay horey u dayactirtay hay’adda PHA.

Agaasimaha iyo Mid ka mid Injineerada

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland ayaa wuxuu warbixino uu ka dhageystay Injineer C/rashiid Bulxan oo ka tirsan Hay’adda, kaasi oo horey ula socday meelaha wadada laga hagaajiyay iyo meelaha u baahan in wax laga qabto hadda.

Kormeerka wadada

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha wafdiga Agaasimaha markii ay soo gaareen magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa si wanaagsan magaalada loogu soo dhoweeyay, waxaana soo dhoweyntaasi ka qeybgalay Gudoomiyaha degmada Burtinle Mudane Liibaan Khaliif, waxayna wafdiga Agaasimuhu booqdeen qeyb ka mid ah wadada laamiga ah ee dhexmarta Burtinle oo uu dayactir ka socday.

wado ku yaal Buurtinle oo la dhisayo

 

 

 

 

 

 

 

Intaa kaddib ayaa Agaasimaha iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada iyo masuuliyiinta maamulka degmada Burtinle, waxayna uga warameen ujeedka safarkooda.

Agaasimaha Hay’adda PHA Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta ay u sameeyeen masuuliyiinta degmada Burtinle, wuxuuna Agaasimuhu ka mahad celiyay dayactirka wadada laamiga ah ee Burtinle, isagoona maamulka degmada Burtinle u balan qaaday in ay ka saacidi doonaan dhinaca farsamada isla markaana degmada ay u soo diri doonaan khubaro talo ka siisa dayactirka wadada laamiga ah ee Burtinle.

Buurtinle

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Degmada Burtinle Mudane Liibaan Khaliif ayaa ka mahad celiyay imaatinka wafdiga Agaasimaha Hay’adda PHA, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay tahay markii u horeysay ee masuul ka socda Hay’adda PHA uu yimaado Burtinle isla markaana uu maamulka iyo dadweynaha la kulmo, wuxuuna codsaday in hay’adda PHA ay taageerto maamulka degmada Burtinle.

wadada meelaha ka burbursan tahay

 

 

 

 

 

 

 

Agaasime Maxamuud C/nuur iyo Injineerada Hay’adda wadooyinka Puntland ayaa waxay soo mareen wadada aadka u burbursan ee u dhaxeysa degmooyinka Xarfo iyo Burtinle, wuxuuna Agaasimuhu wareystay qaar ka mid ah dadka rakaabka ahaa ee wadada ku safrayay iyo qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka wadadaasi isticmaalayay.

Gelinkii dambe ee maanta ayuu Agaasimuhu soo gaaray Gaalkacyo, waxaana la filayaa maalmaha uu joogo in uu kulan la qaato Ganacsatada, Masuuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha bulshada gobolka Mudug oo uu kala hadli doono arimaha dayactirka wadada laamiga ah iyo dhismaha wadada wadaagsin.

 

puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Gaalkacyo

 

Garoowe: Tartan Kubadda cagta oo Jimcaha u furmi doona ,Galmudug,Ehlu sunna ,Xibin iyo Xeeb iyo Puntland.

$
0
0

Garoowe : (pp)- Wasaarada Sports-ka Puntland ayaa sheegtey in maalinta Jimcaha ee soo socota magaalada Gaalkacyo uu ka furmi doono tartan kubada cagtaa oo u dhexeeya afar naadi oo kala matali doona, Puntland, Galmudug, Xibin iyo Xeeb iyo Ehlu sunna, kaasi oo ay marti galineyso Dowlada Puntland,loogana gol leeyahay sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradu is dhexgalka bulshada Gobolka ku nool.

Agaasimaha guud ee wasaarada Sportiga Puntland Axmed Xasan Bille ayaa sheegey in wasaaradu Gaalkacyo ka qaban doonto koob ku saabsan is dhexgalka iyo is nabadeynta ummada Soomaaliyeed , noqon doona sida agaasimuhu sheegey mid u dhexeeya Xulal kala matali doona Puntland, Galmudug, Ehlusuna iyo Xibin iyo Xeeb.

Agaasimaha ayaa sheegey in tartankan uu noqonayo markii ugu horeysay oo deegaano ka socda gobolada dhexe ee Somalia ku marti galiso Dowlada Puntland ciyaar kubada cagta, ayaa ku yimid ka dib shirar iyo tashiyo ay wasaarada Sportiga Puntland sameysay.

Axmed Xasan waxa uu sheegey in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qalabkii loogu talo galey kooxaha ciyaarta ku tartamaya, sida dharkii ciyaartooydu xiran lahaayeen , kabihii iyo agabyo kale ,wuxuuna intaas ku darey Mr Axmed in koox walba war galiyeen .

Agaasimuhu waxa uu carabka ku dhuftey in qorshayaasha sanadka ee Wasaarada Sportigu dhalinyarada ugu talo gashey ay ka mid yihiin marka ay soo dhamaato ciyaartan Galkacyo, qabashada tartanka Cayaaraha Gobolada Puntland oo uu sheegey in ay kasoo qeyb gali doonaan dhamaan Cayaartoyda mataleysa magaca Gobolada Puntland.

Horey Puntland waxay u marti galisey cayaarihii Gobolada Somalia, oo lagu qabtey magaalada Garowe, iyadoona sidoo kale wasaaradu qabaneysay sanad walba tartanka cayaaraha kubada cagta ee Gobolada Puntland.

 

puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Garoowe : Maxaa kasoo baxay Kormeerkii Gobolka Nugaal ee Madaxda Wasaarada Waxbarashada Puntland ? .

$
0
0

Shir jaraa,iid oo ay saaka qabteen Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Abdi Faarax (Juxaa) iyo Wasiir ku xigeenka Abdulahi Maxamed Bootaan ayay kaga warbixiyeen kormeer ay ku sameynayeen masuuliyiintani Gobolka Nugaal,waxayna sheegeen in guul uu ugu soo dhamaadey safarkoodii, iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee Madaxda wasaaradu kormeer ku tagto tuulooyin ku yaal dhulka hawdkaa ee Nugaal.

Masuuliyiinta Wasaarada

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Juxaa oo ka warbixinayey safarkoodii ayaa sheegey in ay kormeerka ay ka bilaabeen tuulada Birta dheer, Reemanti, Meyla, Laqlaajis, Xasbahale, Godob jiraan, Dhaganle, Eyl, Qarxis iyo tuulada Soona jiif, uuna qaatey muddo 3 cisho, wuxuuna sheegey deegaanadii ay mareen in ay ahaayeen kuwo barwaaqo ka jirto oo roobsadey.

Wasiirka oo ka warbixinayey dhanka waxbarashada goobaha ay booqdeen ayaa sheegey in iskuulada ku yaal ay ahaayeen kuwo dhamaantood shaqeynaya ,balse ay jireen kuwo dhaliilo leh, wuxuuna intaas ku darey in si wanaagsan goob walba looga soo dhaweeyey , ayna ugu tageen waxay ka filayeen iyo wax aysan ka fileyn.

“Waxaa lagu jirraa sanadka dabo-yaaqadiisii Imitixaanaadka, waxaanu dhiiri galineynay Ardeyda si ay isugu diyaariyaan , gaar ahaan kuwo dhigta dugsiga sarre iyo kuwa ka gudbaya dugsiga dhexe ee dhigta fasalada sideedaadka, marka qiimeyn noocaas ah ayaa qeyb ka ahayd howsha guud waxbarashada aanu wadney, annaga oo lasoo kulaney maamulka ka jirra meelaha aanu tagney ” ayuu yiri wasiir Juxaa.

Labada wasiir

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirku waxa uu sheegey in ay u badnaayeen baahiyaha dadku u sheegayeen baahi guud oo caam ah, iyadoona uu taas bedelkeeda ka codsadey wasiirku dadka ku nool tuulooyinka in ay qeyb ka qaataan horumarinta waxbarashada deegaankooda si looga gudbo caqabadaha ah macalinka mushaarka ha loo kordhiyo iyo kobcinta waxbarashada.

“Meelo dayac gaar ah uu ka jirro waa jiraan oo u baahan gacansiin sida arrinta macalimiinta oo kale waa arrin dhibteedu aad u taagan tahay marka loo eego tirada macalimiinta dowladu kabto waa tiro yar tahay marka loo fiiriyo macalimiinta wadanka wax ka dhiga, laakiin waxaa jirta meelaha qaar laga dhisey iskuulo oo dadka ku nool sidii ay ahayd aysan uga faa,iideysan sida tuulada Meyla oo sanadkii 2000 iskuul laga hirgaliyey haddana aysan jirin qof ka aada ” ayuu yiri wasiirku

Juxaa waxa uu ku canaantey bulshada ku nool degmooyinka ama tuulooyinka qeybtood in aysan u hagar bixin wax barista ubadkooda, kuwaas oo iskuuladii laga dhisey qalabkii iyo agabkii loogu talo galey loo dhameystirey haddana aanan jirin ilmo wax ku barta, taasi oo ku tilmaamey arrin wasaaradu aysan ku farxeyn .

Wasiirka iyo Xubnaha wasarada

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliil usoo jeediyey Degmada Godob jiraan oo uu sheegey in Dugsi sarre laga hirgaliyey ,balse aysan cidna ka faa,iideysan , iyadoona midaas bedelkeeda tusaale usoo qaatey in ay jiraan meelo iskuuladu u baahan yihiin balaarin iyo dayactir sida tuulada xasbahale oo kale , waxaana uu intaas raacshey in jiraan meelo waxa laga dhisey ay ku filan yihin xilligan.

Mudane Abdi Farax waxa uu hadalkiisa kusoo xirey in baahida jirta xilligaan aysan ahayn mid waxbarashada iyo iskuuladu u istaagayaan, ayna tahay baahi guud oo ay iskuuladaas iyo bulshada ku nool dhulkaasi la qabaan dadka kale ee reer Puntland , islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono .Goobta shirka ku qabteen

 

 

 

 

 

 

 

Gabo gabadii Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cabdulahi Maxamed Bootaan oo isna dhankiisa shir saxaafadeedka ka hadley ayaa sheegey in uu amaan iyo bogaadin u jeedinayo bulshada ku nool Degmada Eyl oo uu ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwo u heelan waxbarashada , islamarkaana iskuulada ka jirra ay yihiin 16 iskuul oo isugu jirra Hoose/Dhexe/ iyo Sarre.

puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe

Viewing all 1543 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>