Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all 1543 articles
Browse latest View live

Baaq Nabadeed oo ku saabsan nabadgelyada iyo horumarka bulshaweynta reer Puntland.

$
0
0

Waxaa beryahan dambe soo ifbaxay dad tira yar oo leh dano gaar ah kuwaasoo mar walba danahooda gaarka ah ee gurracan ka hormariya danta guud ee shacabka nabadda jecel ee reer Puntland. Sidaanu wada ogsoonahay Puntland waa hooyadii dhashay dowladda federaalka ah ee uu garwadeenka ka yahay maanta madaxweyne Xasan Culusow Guurguurte , mana ahan mid la dafiri karo ama la qarin karo,Puntland State of Somalia, waayo waa meeshii harka iyo gabbaadka u nqotay maatadii guryahooda iyo hantidooda lagu soo dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee koonfureed, maatadaasoo ku nabadgalay kuna badbaaday naftooda iyo maalkii ay wateen markii ay soo gaareen degaanada Puntland iyagoo aan loo eegin gobolada ay ka yimaadeen ama beelaha ay ka soo jeedaan.

 

Col. C/qaadir Cusmaan

Col. C/qaadir Cusmaan

Muddadii ay jirtay dowlad goboleedka Puntland ma jirto maanta maalin ay ka sarreyso kana cadow badan tahay , ragga eedeynaya Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ”Faroole” kaasoo ay shaqo badan ku furan tahay waxaana laga doonayaa muwaaddin walba oo reer Puntland ah inuu ku garab galo madaxweynaha gudashada waajibaadkaas saaran. sida aan wada ogsoonahay cadow sokeeye iyo mid shisheeyaba maanta wuxuu u tafa xaytay sidii ay ku burburi lahayd Puntland ayagoo adeegsanaya canaasiir tira yar oo sugaya sandareerto yar oo uga timaada nidaamka maamulka Muqdisho.

Haddaba waxaa digniin adag naga ah cid walba oo isku dayda inay carqalad geliso maamulka madaxweyne Dr Faroole inaynaan maanta wixii ka dambeeya anagana aan indhaha ka qarsan doonin isla markaana aan ashqaastaas siyaasadahooda iyo fidnadadoodaba u soo bandigno shacabka isla markaana aan maxkamad la soo istaagi doono iyadoo lagu eedeynayo qiyaanada qaran ee ay ka galayaan bulshaweynta reer Puntland, marna oggolaan meyno ummaddeena iyo ubadkayaga inay ka barakacaan guryahooda iyo degaanadooda nabadda ah ee uu eebbe ku beeray, kuwaasoo ab ka ab degganaa dhulkaas.

Waxaan kaloo halkan fariin uga dirayaa Al Sayid Sulalatil Malakiyat Al Cusmaaniya General Cadde Muuse Xirsi, mudane marna boqorkii Daarood ISmaaciil baad tahay marna jeneralkayaga baad tahay marna waxaad ummadda reer Puntland u ahayd madaxweyne sharaf iyo ciso xaggooda ka mudan, waxaan si hagar laáan ah kuugu garab taaganahay wixii taageero iyo talo toosin ah oo aad u fidineysid madaxda maamul goboleedka Puntland State of Somalia , marna kaama sugeyno haddii uu eebbe raalli ka noqdo inaad la safato ragga loo adeegsanayo burburinta Puntland.

Cid walba oo maamulka hadda ka jira Puntland wax ka tirsanaysa waa inay soo fariistaan miiska wada hadalka isla markaana wixii qilaaf iyo kala sheegasho ahna lagu xaliyo wadahadal, lagana waantoobo in fidno laga kiciyo magaalooyinka iyo degmooyinka Puntland iyadoo lasoo qasbayo dadka masaakiinta ah ee barakacayaasha ah qasabna boorar loogu soo dhiibo.

Sida ka muuqatay dadkii boorarka sitay haddii dib loo eego sawiradii laga soo qaaday , dadku waxay u ekaayeen kuwo la soo qasbay oo maleeshiyaad tira yarna ay gadaal ulo iyo burar la daba taagnaayeen.

Walaalayaal culeys badan ayaa ina saaran reer Puntland haddii aanu nahay kaasoo ah maamul u samaynta gobolada jubbooyinka in aan taageerno,  isla markaana uu maamulka Muqdisho ka jira oo looga fadhiyey taageerada dowlad qaran oo Federaal ah ay  u xuubsiibatay qabiil, isla markaasna dadka Walaalaheen ee SSC iyo Sanaag Bari ay iyana naga sugayaan taageerada shacabka shacabka Puntland iyo dowladooda , maadaama Puntland sababa loo aasaasay ay ahayd in dhan walba ay ka shaqayso taageerada shacabkeeda.

Waxaan haddaba baaqayga ku soo gunaanadayaa inaan xusuusiyo shacabka reer Puntland oraahdii Soomaaliyeed ee ahayd Nabad baa Naas La nuuga leh iyo nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.

Qore: Odey, Col. C/qaadir Cusmaan

E.mail: Osmanmosses@gmail.com


Gaalkacyo: Wafti Baarlamanka Puntland oo Gaalkacyo kasoo degay,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wafti ka tirsan Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada, Saraakiil ka tirsan Puntland iyo Qeybo kala duwan oo Bulshada Gobolka.

2Xubnaha baarlamanka Puntland ee yimid Gaalkacyo ayaa kasoo socdaaley dalka Ugandha oo ay uga soo qeyb galeen shir halkaasi loogu qabtey, waxayna sheegeen in safarkoodu guul ugu soo dhamaadey.

3C/rashiid Maxamed Xirsi Afhayeenka Baarlamanka Puntland oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka Galkacyo ayaa sheegey inay la socdeen dhaq dhaqaaqa siyaasada gudaha ee wadanka ayna ku rajo weyn yihiin in aysan ku imaanayn wax is bedel ah oo wax u keeni karra.

5Waxa uu soo hadal qaadey gudoomiyuhu dhaqaalaha oo uu sheegey inay la qabto Puntland wadamada caalamka, islamarkaana ay rajeynayaan in laga gudbayo caqabadaha ka jirra oo ku tilmaamey inay yihiin kuwo aan sidaas u buurneyn.

Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyey eedeyn Dowlada Puntland uu usoo jeediyey Gen Cade Muuse oo Madaxweyne mar kasoo noqdey Puntland ayaa waxa uu si kooban uu yiri afhayeenka Barlamanku.

“Taasi waxay ka mid tahay dhaliilaha Dowlada mar walba uga yimaada  dadkeeda islamarkaana dowladu ay tixgalineyso dhaliisha shacabkeeda, wixii talo iyo fikrado ahna diyaar ula tahay inay
ka qaadato”

Isku soo wada duubo waftigan gudoomiyuhu hogaaminayey ayaa mudo labo week ku maqnaa wadanka Ugandha gaar ahaan magaalada Kampala oo ay uga qeyb galeen kulan.

4 6 1Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

Akhriso: Xaalada Ciidamada Puntland iyo Asluubta oo beenisey warar laga faafiyey,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Xafiiska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qeybteed oo sheegayey in ciidamo ka tirsan asluubta ay sameeyeen gadood .

Xafiiska Ciidanka Asluubta Garowe Puntland

Saraakiil ka tirsan Xafiiska ciidanka Asluubta Puntland oo xiriiro kala duwan Puntlandpost la sameysay ayaa sheegey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya ciidamo Asluubta oo gadooday.

Faysan Jaama oo ka tirsan saraakisha xabsiga bosaso ayaa yiri” Taliska Ciidanka Asluubtu war buuxa ayuu kasoo saari doonaa beenta laga faafiyey ciidanka , idinkana waxaan idin sheegaya waxba kama jiraan ciidan-ka la leeyahay wuu gadoodey”.

Dhismaha Xabsiga Boosaaso

Dhismaha Xabsiga Boosaaso

Dhanka kale warar madax banaan oo ay Puntlandpost ka helayso isla xabsiga bosaso ayaa sheegaya inay jirtey is fahan la,aan kooban oo dhex martey labo ciidan oo midkood uu xabsiga u wadey maxaabiis iyo ilaalada xabsiga oo ku xirey ciidanka maxaabiista waday inay la yimaadaan waraaq maxaabiista u ogolaaneysa xabsiga sida uu sharcigu qabo.

Intaas ka dib is fahan la,aanta waxaa soo dhex galay sida ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen taliska asluubta oo ku guuleystey maxaabiistii in lagu wareejiyo xabsiga isla durbadiiba, mana jirto wax mushkilad ah oo dhex martey labada ciidan.

Maalmihii lasoo dhaafey Puntland ayaa dhacdooyin yar yar oo ka dhacay warbaahinta qeybteed ay u muujiyeen sawir ka bedelan sida uu xaalku yahay, iyadoona nabadgalyada iyo xaalada siyaasadeed ee dalka aan laga dareemayn wax isbedel siyaado ah.

Bixinta Mushaarka Ciidamada ee Puntland.

Lacag Shilin Somali ah

Lacag Shilin Somali ah

Bixinta Mushahaarka ciidanka ayaa Garowe laga bilaabey subaxnimadii sabtida ee aynu kasoo gudubney,waxaana ciidamada la siiyey mushahaar labo bilood ah oo qeyb ka ah saddex bilood oo ciidanka ka maqnaa.

Saraakisha ciidamada ee bilaabey bixinta Mushahaarka ayaa  xaqiijiyey in mushahaarkan uu qeyb ka yahay mushahaarooyin bixintooda laga bilaabey labadii maalmood ee ugu danbeeyey dhamaan xeryaha ciidamada Puntland oo ay ku jiraan ciidamada ku sugan furimaha jiida Galgala.

Dhinaca kale saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska taliska guud ee ciidanka Puntland oo telefonka aanu kula hadalney ayaa noo xaqiijiyey in uusan jirin xilligan is fahan waa ka dhex jira iyaga iyo ciidankii dhawaan gadoodey.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Taliyaha Ciidamada ayaa nala joogey maalmihii lasoo dhaafey, waxayna xal u heleen tabashadii ciidanka ay awal bosaso kusoo galeen, labo bilood oo mushahaar ahna waa la siinayaa ilaa maanta ciidanka ka dibna difaaceenii dib ugu laabanayna ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka furimaha ka yimid oo magaciisa naga codsadey in aanu qoraalka ku sheegin.

Madaxweyne ku xigenka iyo Taliyaha Ciidanka Puntland

Madaxweyne ku xigenka iyo Taliyaha Ciidanka Puntland

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada gadoodey ayaa arrintoodu ka danbeysay ka dib cabasho xaga mushahaarka ah, waxayna muujinaysaa bixinta mushahaarka ee cidamada ee laga bilaabey Puntland inay qeyb ka noqoneyso wax ka qabashada tabashadii ciidanku ku sameynayeen gadood.

Gadoodka Ciidanka iyo Goorta uu bilowday.

Sida dad badan ay la socdaan Puntland waxay jirtaa muddo ku siman 15 sano ,taasi oo marka dib loo fiiriyo taariikhdeeda sawiro kala duwan ay kaaga muuqanayaan marxaladihii iyo xilliyadii ciidamada  Puntland soo mareen iyo xaalada xilligan ay ku jiraan.

Xukuumada Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadihii ka horeeyey waxay si weyn ay ugu kala duwanaayeen daryeelka iyo mushahaarka ciidamada, waxaana sida ay dad badan la socdaan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ka qarsooneyn xogta ciidamada iyo heerarkii ay soo mareen, laga-se yaabee in waqtiyadu kala duwanaayeen.

11 Jan 2009 Xil wareejintii Cade iyo Farole

11 Jan 2009 Xil wareejintii Cade iyo Farole

Marka aynu dib u jaleecno xiligii uu talada wadanka Madaxweyne Faroole uu kala wareegey Madaxweynihii ka horeeyey Gen Cade Muuse ma uusan jirin ciidan Puntland oo leh  awood kan hadda jirra lala simi karo, waxaana jirey caqabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed buux dhaafiyey magaalooyinka Puntland, Kooxo dilal iyo qaraxyo ka bilaabey gudaha wadanka,Xuduudaha qeybtood oo laga qabsadey xukuumadii horre sida Laascaanood iyo marxalado kale oo culeys ku ahaa Xukuumada C/raxmaan Shiikh Maxamed.

Madaxda Puntland ee hadda

Madaxda Puntland ee hadda

Sanadkii 2009 markii Puntland loo doortey Madaxda maamulka xilligan jooga waxaa jirtey in Mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha aysan siinin xukumadii Gen Cade muddo lagu qiyaas ahaan gaareysay 2 sano iyo bar , taas oo ahayd abid xukuumadii dalka maamuleysay iyada oo aan shaqalaha iyo ciidanka mushaar siinin, waana mida keentey in Gen Cade uu kursiga kusoo laaban waayo ka dib doorashadii oo uu mar kale galay.

Taasi oo jirta ayaa haddana dhanka kale waxay dad badan ku sababeynayaan in meesha laga saaro xukuumadaasi inay ku timid isbedel si weyn Puntland shacabkeedu ugu xiiso qabey oo la xiriirey duruufo saameyn nolosha bulshada ku timid sida sicir bararkii laga dhaxley makiinadihii lacagta faalsada ku daabici jirey gudaha Puntland oo qiimaha sarifka iyo maciishada gaarsiiyey abid meeshii ugu sareysay.

Bilic ceynkee ah ka muuqata askarta hadda

Taariikhda iyo xilliga ay kasoo gudubtey Xukuumada xilligan waxa lagu tilmaamaa in aysan ahayn mid la dhayalsan karo , sida dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ku bixisey mushahaaraad si joogto ah muddo ka badan 3 sano iyo bar loo bixinayey,Siyaasadaha dibada,Dagaalo soo wajahay Puntland sida midkii Galgala, Dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda,dejintii dollarka iyo maciishada, iyo howlo badan oo dhakhli ku baxay oo aan qoraal lagu soo koobi karin, in aynu qeyb yar warbixinta ku xusno mooyee.

Ciidamada Hadda ee Puntland ka howl gala qeyb ka mid ah

Ciidamada Hadda ee Puntland ka howl gala qeyb ka mid ah

Marka aad la sheekeysato saraakiishii muddo dheer ka tirsanaan jirrey ciidanka Puntland waxay ku saleynayaan taariikhdii horre ee ciidanka iyo midda hadda inay ahayd mid la micno ah Labada kalmadood ee soo socda oo ah kuwo inta badan Somalidu adeegsato dhawaaq ahaana noqonaya sida ay u qormaan sidatan “kaaf iyo kala dheeri”.

Qeyb ka mid ah Ciidamada Xukuumadu dhistey

Qeyb ka mid ah Ciidamada Xukuumadu dhistey

Saraakiishan oo qaarkood dad da,ah oo aan xilligan shaqeyn ayaa sheegey inay wali mushaari ka yihiin ciimada oo aysan dayacin xukuumada faroole hadii xataa ay howl gab noqdeen.

Waxayna amaan iyo bogaadin u jeediyeen saraakiishani in xukuumadu ciidamada ay u fidisey adeegyo Puntland aan horey looga aqoon jirin, ayna ka mid yihiin,daryeelo isugu jirra caafimaad sida askar ay u dirtey caafimaad dibada .

Iyagoona tusaale usoo qaatey ciidamadii ku dhaawacmey Galgala iyo howl galo kale,mushahaar kordhin ay ugu dartey qiimihii mushahaarkii hore islamarkaana  si joogto ah ay u heli jireen ciidanku saddex sano iyo bar ka badan, tababaro iyo bixinta dhibaad kharash oo askarigii qoys ka dhinta caruurtiisa noloshooda lagu kabo.

Marka la bar bar dhigo xilligan iyo midkii kasii horeeyey waxa uu ahaa mid aad u kala fog fog tusaale ahaan Saraakiisha ayaa waxay qirayaan xilliyadii horre ee ay shaqeynaysey xukuumadii tan ka horeysey in ciidamadu marar badan ay sameyn jireen gadood aan xisaab lahayn, ilaa uu markii danbe gaarsiiyo in ay kala dareeraan,hubkoodii ay haysteena u beec geeyeen suuqyada ka dib markii ay waayeen cid uga diir naxda gaajadii lasoo deristey.

Tayada Ciidamada iyo Helitaanka xuquuqo hor leh.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xerada 54-Aad

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xerada 54-Aad Garowe

Ciidamada Puntland hadda leedahay waxay  isugu jiraan qeybo kala duwan oo intooda badan dhisitaankooda lagu guuleystey mudadii ay shaqeynaysay xukuumada Faroole, taasi oo sida taariikhda lagu hayo juhdi badan lagu bixiyey dhismahooduna uu yahay mid  faa,iido weyn u leh difaaca iyo sugitaanka amaanka shacabka reer Puntland.

Ciidanka Badda iyo Mid ka mid ah Diyaradahooda ku howlgalan

Ciidanka Badda iyo Mid ka mida Diyaradaha ay leyihin

Dhinaca qalabka iyo tayada ciidamada Puntland ayaa laga dareemayey sanadihii u danbeeyey Puntland, kuwaas oo sawirkooda laga tusaale qaadan karo kolka lagu arko fagaarayaasha sida maalinta sanadguurada Puntland oo intii xukuumadan ay jirtey aysan ka baaqaneyn ka qeyb galkooda ku aadan ciidanku, walow xukuumadihii horre ee Gen Maxamud Muuse Xirsi aysan jirin hal xus oo ay ciidamada Puntland uga qeyb galeen sanad guuradii la aas aasey Puntland.

Tababarka Xeryaha Ciidanka PL

Tababarka Xeryaha Ciidanka PL

Dhanka tabo barada ciidanka ayay saraakiisha iyo askarta qeybo badan oo ka mid ah xaqiijiyeen inay yihiin kuwo si joogto ah uga soconaya xeryaha ciidamada, sidoo kalena ay sii dheer tahay tababaro ciidamadu kusoo qaataan qeybtood wadamo dibada ah sida Ugandha, Ethiopia, halka ay jireen saraakiil xukuumadu Dr c/raxmaan ku guuleysatey inay u dirto dibadaha fog fog oo Talyanigu ka mid yahay kuwas oo loo soo tabo barey booliska.

Tabarada Ciidanka PL ku sameyan xeryahoda

Tabarada Ciidanka PL ku sameyan xeryahoda

Dhakhliga ku baxa ciidamada Puntland ayaa laga qiyaasi karaa tirada ay le,eg yihiin, mid ku saddex jibaarma tiradii ciimada ee u diiwaan gashanaa xukuumadihii ka horeeyey midan mushahaarka ay siin jireen, halka adeegyada iyo kharashaadka kale yihiin kuwo ka sareeya kharashaadyadii horre madaama  si joogto ah ciidamada ay ugu baxaan adeegyo ay ka mid yihiin caafimadka,raashinta oo xeryaha loogu bisleeyo iyo wixii kale ee la halmaala nolosha bini,aadamka oo ciidamada xeryahooda dowladu ku siiso.

Isbedelka Ciidamada Puntland.

Xilliyo horre oo askartu sidan bulshada hubka ula dhex joogi jireen

Xilliyo hore oo askartu bulshada hubka la dhex jogi jiren

Ka hor afartii sano ee lasoo dhaafey ciidanka Puntland waxa lagu aqoon jirey in ay magaalooyinka gudahooda la dhex imaan jireen gadiidkooda dagaalka , kuwaas oo si anshax xumo ah dadka ugu dhex qaadan jirey hubkooda, balse mudooyinkii u danbeeyey sharciyo adag oo xukuumadu kasoo saartey lagu guuleystey in la suuliyo dhaqamadaas ciidanka lagu aqoon jirrey .

Marar qaar waa ay dhacdaa in lagu dhex arko gudaha magaalooyinka ama wadooyinka ciidamo hubeysan, balse taasi wey ka bedelan tahay qaabkii horre, waxayna timaadaa marka ciidamadu sameynayaan howl-galo .

Bulshada oo askari iyo ciidan ka dhex muuqan xilligan.

Bulshada oo askari iyo ciidan ka dhex muuqan xilligan.

 

 

 

 

Sida ka muuqata goobo badan oo ka tirsan faras magaalayaasha Puntland waa ay ku yar tahay in ishaadu qabato askar bulshada dhexdheexa hub la dhex joogta ama gadiid dagaal oo gudaha magaalooyinka dhex wareegaya si aan sharcigu u ogolaaneyn, waxaana taasi marka aad arki weyso ku xasuusineysaa taariikh laga soo gudbey oo ay ka mid ahayd in lagu arki jirrey ciidamada marfish-yada lagu qayilo ee gudaha magaalooyinka oo ku baakimi jireen gadiidkooda dagaalka ee qoryuhu  ay ku rakiban yihiin.

Saameynta Warbaahinta ee Horumar Dalka.

Inta badan warbaahinta waxay wararka ka heshaa ilo kala duwan oo soo gaarsiiya xogta rasmiga ah, balse waxaa muhiim ah in uu jiro sida uu qabo sharciga saxaafadu dabo gal iyo hubin helitaanka xogta ka dib oo ay sameyso hay,add walba oo warbaahin, islamarkaana ku shaqeysa sharci dhex dhexaadnimo ama tabinta warar xaqiiqo ah.

warbaahintaDadka in badan oo ka mid ah ayaa xilligan waxay ku fasiraan warar kala duwan oo laga baahiyo gudaha wadanka Somalia inay yihiin kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin koox koox kale aragti ay saaxiib kula tahay kasoo minguurisa, waxayna taasi la micno noqoneysaa in uusan jirin ku dhaqanka sharciga saxaafada.

Inta badan suxufiyiinta Somalida iyo warbaahinta oo gudaha wadanka kala kulma marxalado adag oo lasoo darsa ayaa haddana sida muuqata waxaa saameyn ku leh waxyeelada soo gaarta baahinta warar dad badan ku tilmaameen been abuur laga sameystey oo sida suxufiyiinta qaar ka tirsan sheegeen ay kasoo gaarto hay,add warbaahin oo ay ka tirsan yihin ka dib marka ay faafiso dhacdo aysan kala tashan ama aysan waxba ka weydiin jiritaankeeda xogtaasi wakiil u jooga goob ay warkaasi ka faafineyso.

FG: Warbixintan ma ahan mid aanu cid si gaar ah ugu difaaceyno ama wax ugu dhimayno ee waxay ka hadleysaa sooyaalka taariikheed  ee ka muuqata gudaha wadanka iyo midkii ka horeyey oo ku saabsan ciidanka iyo qodobo kale oo si yar yar aanu u dulmarney.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Boosaso.

HAYLAND: Madaxweynaha Puntland oo Reer Hayland Xaflad Kala Qayb-Galay (Sawiro)

$
0
0

Hayland: (pp)- Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa Maalmahan ku Sugnaa Gobolka Hayland,waxana ay Shir lagu Taageerayo Xisbiga Horseed ay ku qabteen Degmada Dhahar.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Xasan Shire

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Saciid Shire

Furitaankii Kulankaasi waxa ka hadal ka jeediyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire oo Sheegay in Ujeedkoodu ahaa inay Reer Hayland u soo Bandhigaan Qorshaha ah in loo Diyaar Garoobo Doorashada Golayaasha Deegaanka oo dhawaan qabsoomaysa.

DSC01932 (1)Dr Siciid Xasan Shire ayaa Ka Dhawaajiyay in Gobolka Hayland Shacabkiisa looga Fadhiyo inay la shaqeeyaan Xisbiga Talada dalka Haya ee Horseed si ay Hormuud ugu Noqdaan oo Gobolada kale ugu Daydaan.

DSC01945Shirkaasi waxa ka dhex Muuqday Cuqaasha Gobolka, iyo Wafti Xildhibaano ah oo Meteliyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Hayland, sidoo kale waxa hadalo Dhiiri galin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed
Faarax Ciise Jeentaro, iyo Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka Amaanka Axmed Xuseen Doonyaale oo dhamaantood Sheegay in Xisbiga Horseed uu Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo wax kasta oo Dani ugu Jirto Deegaanka.


Gaba Gabadii ayaa khadka Telefoonka waxa soo Galay Madaxwaynaha PL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Mahad balaadhan u Jeediyay Xubnihii Kulankaasi ka soo qayb Galay.

DSC01947Madaxwaynaha ayaa Shacabka Hayland u balan qaaday in Xukuumadiisu ay il Gaar ah ku eegayso cid kasta oo kala shaqaysa sidii loogu Gudbi lahaa Hanaanka Dimuqraadiyada isla markaana taageero u Muujiysa xisbiga Hogaanka haya ee Horseed.

Sawiro kale

DSC01920 - Copy DSC01921 (1) DSC01922 DSC01923 DSC01924 DSC01925 DSC01928 DSC01929 DSC01933 DSC01934 DSC01935 DSC01936 DSC01939 DSC01941 (1) DSC01954 DSC01956 DSC01957 DSC01958 DSC01971 DSC01975 DSC01983 DSC01998

Isha Warkan: Xafiiska Wasaarada Xananada Xoolaha PuntlandGaroowe, Somalia

KISMAAYO: Ergooyinka Dooranaya Madaxweynaha Jubbaland oo Saaka la isugu geynayo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Iyadoo la soo dhammeeyey Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Jubbaland State of Soomaalia iyo Kuxigeenadiisa,  ayaa saaka waxaa ka socda guddaha magaalada Kismaayo Daabulaada Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa , kuwaas oo la doonayo inay Casharo Siminaaro ah  oo khuseysa habka doorashada u dhacayso ay ku qaataan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo loo badinayo inay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashadu.

Ergooyinka oo Siminaar Doorashada ku aadan uga farnayo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ergooyinka oo Siminaar Doorashada ku aadan uga farnayo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa haray maalin ama Labo oo la doonayo inay doorashada la qabto, waxaana illaa hadda liiska u tartamaya Madaxweyninimada Jubbaland soo gudbiyey illaa Lix musharax , kuwaas oo dhiibay lacagihii ay doorashada ku gelilahaayeen oo dhan illaa (3.000$).

Magaalaad Kismaayo ee xarrunta J/hoose ayaa aad looga hadalyaa Doorashada , iyadoo dadka ku nool magaalada ay aaminsan yihiin 90%  kursigan uu kusoo baxayo Sheekh Axmed Islaam (Madoobe) oo hadda loo maleeyo inuu ugu cad cad yahay ragga u tartamaya Jagadan.

Musharax Axmed Islaam (Madoobe)

Musharax Axmed Islaam (Madoobe)

Abaabulka Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa si fiican looga dareemaya magaalada Kismaayo , iyadoo Nabadgelyadiisa ay aad u dhowrayaan Ciidamo Soomaali ah oo tababaran iyo kuwa AMISOM ee dhanka nabadgelyada magaalada Ka shaqeeya.

Axmed Madoobe ayaa ah waqtigan siyaasi caadi ah oo wax Xil ah ka hayn Jubbaland, isagoo wareejiyey xilkii guddoomiyaninada labo maalin kahor, maadaama uu u tartamayo xilka Madaxweyninimada Jubbaland State.

Shacabka badankiis ayaa qaba in Axmed Madoobe uu haysto taageero shacab iyo Caalami , maadaama uu si xoogan uga soo qayb qaatay halgankii deegaanadan looga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab, waxaana Axmed Madoobe uu sumcad wanaagsa ka helay , siddii uu maareeyey isaga iyo ragii maamulka kala shaqaynayey Jalaafooyin badan oo kaga imaanayey dhanka DF ee Soomaaliya oo iyadu aan raali ka ahayn maamul iyo kala danbayn ka dhalata deegaanada Jubbooyinka.

Sikastaba, kala soco wararka Jubbaland State Marwalba Puntlandpost.com

 

 

Garoowe: Bandhig Carwadeed Hidaha iyo Dhaqanka oo Maanta Garowe lagu qabtey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xaflad ka dhacdey xarunta guriga Gobolka Nugaal magaalada Garoowe ayaa lagu soo bandhigey wax soo saarka xirfadlayaasha gacanta Puntland .

12Bandhig carwadeed lagu sharaxayey carwo ku saabsan dadka bartay xirfadda gacanta waxay ay soo saareen ayaa maanta lagu soo bandhigey xaflada, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha,Warfaafinta,Saraakiil ka socotay CARE International iyo waliba qaar ka mid ah bulshada.

5Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha Dowlada Puntland Siciid Daahir Qodax oo ka hadlay bandhiga ayaa ku dheeraaday ahmiyada umadda Soomaaliyeed u leedahay alaaabaha lagu farsameeyo gudaha dalka, sida loogu baahan yahay in loo iib geeyo suuqyada.

Isagoona ku booriyey wasiirku dadka xirfada gacanta inay sii labo laabaan dadaalkooda ku aadan wax soo saarkooda,isalamarkaana waxa uu sheegey Mudane Qodax in bandhigan uu yahay sanadkii labaad ee la qabto oo ay iska kaashadeen Wasaarada iyo Hay,addaha Care iyo USAID..

6

 

 

 

 

 

 

Barni Ciise oo ah Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqalaha ee wasaarada ayaa sheegtay bandhig carweedkan maanta Garowe lagu qabtay inay qayb ka tahay sidii loo dhiiri galin lahaa dadka bartay xirfada farsamadda gacanta,waxayna sheegtay Barni inay sii wadi doonaan barnaamijyadda noocaan oo kale ah .

waxaa jira dad badan oo bartey farsamada gacanta gaar ahaan sameynta alaabaha hidaha iyo dhaqanka, kuwas oo inta badan sameeya sheeyo aad u qurux badan oo ku saabsan hidaha iyo dhaqanka Somali leedahay.

Daawo Sawiro kale.

11 10 9 2 15 8 13 142Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe.

Bosaso: Dowlada Puntland oo badmaaxiin u dhoofineysa Wadanka Kenya,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp) - Dowlada Puntland ayaa go,aamisey in dib wadankooda loogu celiyo 6 qof oo badmaaxiin ah oo u dhashey dalka Kenya,ka dib markii uu dekeda Bosaso kula xumaadey Markab ay ka shaqaynayeen.

6Lixda qof ee la celinayo ayaa bosaso ku sugnaa muddo gaareysa lix bilood, kuwaas oo ay gacanta ku haysay mudadaasi Wasaarada Dekedaha Puntland, Hay,adda IOM iyo Maamulka Markabka ay ka shaqeynayeen.

1Kulan lagu sagootinayay ayaa Dekeda loogu qabtey badmaaxiinta, Waxaana goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’áda Qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka adduunka IOM,masuuliyiin ka tirsan wasaarada Dekedaha Puntland ,saraakiisha amaanka iyo Badmaaxiinta la celinayey.

5Wajiyada Badmaaxiinta ayaa laga dheehan karay dareen farxadeed,waxaana la filayaa in Badmaaxiintaasi ay ka safraan Bossaso iyagoo ku sii jeeda wadankooda.

2 3 4Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Boosaaso.

Garoowe: Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey xeerka Maxkamada Dastuuriga ee Puntland,

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan maanta ay yeesheen Golaha Xukuumada Puntland ayaa lagu ansaxiyey xeerka Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland , iyadoona uu shir gudoominayey kulanka wasiirada Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed.

Nuqul ka mid ah xeerkaan oo saxaafadu heshay ayaa waxaa ku qornaa in Maxkamada Dastuurku yeelan doonto afar Garsoore kuwaas oo ku biiri doona 5ta Garsoore ee Maxkamada sarre ee Puntland.

Garsoorayaashan ayaa la sheegey inay ka imaan doonaan Bulshada rayidka ah , waxaana ka mid ah shuruudaha laga doonayo inay wataan shahaado sharci oo heer jaamacadeed ama shahaado u dhiganta xaga aqoonta iyo qawaaniinta shareecadda ah.

Shuruucda ayaa sidoo kale dhigaya in Garsooraha uusan isku qaban karin xilka Maxkamada Dastuuriga ah,shaqo xeer dejin,maamul dowladeed iyo mihnad qareenimo.

Afarta xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa labo kamid dooranaya Golaha Wakiilada, labada kalana waxaa soo xulaya Golaha xukuumadda, waxaana ansixinaya Golaha wakiilada ayaa lagu yiri nuqulka warbaahinta soo gaarey.

Nuqulku waxa uu tilmaam ka bixinayaa mudada lagu soo xulaya xubnaha afartaa, iyadoona lagu sheegey in Muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabi doono afarta xubnood ka dib marka ay ansixiyaan golaha wakiiladu xeerka la xiriira dhismaha Maxkamada Dastuuriga.

Waa midii ugu horeysay Maxkamada Dastuuriga oo laga dhiso Puntland iyo Somalia sida la filayana waxay u howl gali doontaa inta ka horeysa doorashada goloyaasha deegaanka oo loo qorsheyey inay dhacaan horaanta bisha July 2013.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Maamulka KMG ee Kismaayo oo ka hadley xilliga doorashada Madaxweynaha Jubaland.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Maamulka KMG ee Kismaayo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegey in doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ay qaban doonaan labada maalin ee soo socota.

Afhayeenka maamulka KMG Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in la qaban doono labada maalin ee soo socota , isagoona sheegey in maamulka KMG ee Kismaayo uu diyaariyey goobtii doorashada lagu qaban lahaa iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyey.

‘’ Waa Alle mahadiis waxaa iminka gabagabo noo ah hawlihii Doorashooyinka,Waxaan maanta sameyn doonaa ID-Card ergada oo aan horey u haysan’’ ayuu yiri afhayeenku oo intaa ku daray in Doorashooyinka ay u dhici doonaan sidii loogu tala galay.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in lagu guuleystey xalinta beelaha qeybtood ee wax tabanayey,islamarkaana kismaayo shacabkeeda iyo reer jubaland si weyn isugu diyaarinayaan sugitaanka maamulkooda cusub ee maalmaha soo socda u dhalan doona.

Kala soco wararka kismaayo Puntlandpost.com

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Kismaayo.

GAROOWE: Kulan Wadatashi ah oo Looga Hadlay Sharciga Saxaafadda Puntland oo Garowe lagu Soo Gabagabeeyay (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan wadatashi ah oo Labo maalmood uga soconayay magaalada Garowe suxufiyiinta, Ururada bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Puntland loogana dooday sharciga saxaafadda Puntland, kaasoo looga gol lahaa in suxufiyiinta iyo warbaahinta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe.

Puntland Media 4Kulankan oo ay ka Qaybgaleen 40 Saxafi, waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaaradda warfaafinta Puntland, Xubno ka socday Barlamaanka Puntland, Dallada Ururada Aan Dowliga ahayn ee
PUNSAA, Masuuliyiinta Ururka Saxaafada Puntland ee MAP, Suxufiyiin ka kala Yimid Magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Qardho, Baran iyo Galkacayo.

DSC00175Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Waxaanaa uu sheegay in Wasaaradu ay Samaynta Sharciga Saxaafadda Puntland ay Muddo badan soo waday, Haddan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howlgala Puntland la horkeenay si fikradooda iyo Aaraadooda ugu daraan

Burhaan Daahir“ Muhiimadu waxa weeye Xeer baynu maanta u fadhinaa, waxaa loo baahan yahay in maskaxdeena shiilno inagoo muwaadiniin ah, oo isku mid ah, Annagu haddanu nahay Wasaarada ilaayo dhamaadkii sanadkii hore Qabyo qoraalkan xeerka warbaahinta waanu soo wadnay, Xeer ka horeeyay oo aan tixraacnay oo aan waxbadan ku kordhinay oo in dhammaanteed si inoo fiican” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta

Puntland Media 2C/fitaax Sugule oo Guddoomiye K/xigeenka Dallada Ururada aan Dowliga ahayn ee PUNSAA, oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in PUNSAA ay ku faraxsan tahay inay Kulankan ay Fududayso, Waxaan uu yiri isagoo ka hadlay Ujeedada laga leeyahay kulanka “ Sharciga Warbaabihinta waa muhiim, Haddii ayan warbaahintu sharci iyo wax kala haga lahayn, ayada iyo dadka ka shaqeeya iyo Dowladda waxaa dhacaysa isku dhac badan iyo isku jahwareer” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland, Islamarkaana ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ mudane Burhaan Axmed Daahir oo isna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in Warbaahinta Puntland ay haystaan Fursad qaali ah oo Fikradahooda iyo Aragtiyahooda ay kaga dhiibtaan Kulankan “ Maanta dood ayaa socoto, sidaa daaraadeed, Qorayaashii xeerkan innaga weeye, Ma aha in cid kale ay qorayso, Maxkamadi ma qorayso, Dowladi ma qorayso, Inagaa qoraynaa waxaa loo baahan yahay in Xeerka ugu fiican Adduunka inayno samayno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri, Wuxuuna sii raaciyay “ Waxaa ka soo baxay ee Xeerkan saxaafadda uu sii socda wadahadalkiisu, loona xilsaaro khabiir dhinaca Saxaafadda oo la yiraahdo Siciid Faarax Maxamuud , kana qaybgalaan dhammaan daneeyaasha, uuna noqda Xeer waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka iyo Saxaafadda. Dabadeedna Nuqulka u dambeeya ay wada saxiixaan Ururka Suxufiyiinta Puntland iyo Wasaarada Warfaafinta, ka dibna loo gudbiyo Gollaha xukuumada iyo Barlamaanka” ayuu yiri Burhaan Sidoo kale, gebagebadii kulanka, suxufiyiintii ka qaybgalay Kulanka waxa ay cambaareeyeen shakhsiyaad doonaya in magaca suxufiyiinta Puntland kharibaan, isla markaana u ekeysiiyaan saxafiyiinta Puntland iyo Warbaahintooda dad fowdo, iyadoo dhowaan qoraal lagu cambaareynayo dowladda Ingiriiska lagu soo daabacay bogag ay leeyihiin bahda saxaafadda Puntland, arrintaas oo suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland ee kulanka fadhiday ee banaanka iska mariyeen, isla markaana ay cadeeyeen in aanu wax shaqo ah ku lahayn, isla markaana qoraalkaa aanu metelin masiirka suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland. “ Waxaan ka Raaligalinaynaa Dowladda Ingiriiska iyo Shirkada Albany Qoraalkaa Cambaaraynta ah, Waxaanuna Cadaynaynaa in aanay haba yaraatee Qoraaladaa Meel ka dhaca aanu matelin Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Puntland” Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland, ahna guddoomiyaha ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Puntland Media Low Consaltaion MeetingPuntland Media 3

Puntlandpost.com

Garoowe: Haweenka Puntland oo isu diyaarinaya ka qeyb galka doorashooyinka soo socda,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xarunta hayada PDRC ee magaalada Garowe ayaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo haweenka Puntland uga doodeen doorkooda ku aadan ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

9Kulanka oo ahaa mid ay soo qaban qaabisey Wasaarada haweeenka Puntland oo kaashaneysa Hay,ada UNDP ,ayaa waxaa kasoo qayb-galay haween ka kala socdey deegaanada Puntland ,Ururada Haweenka ,haweenka dhalinyaradooda iyagoona isla falanqeeyey qaabka ugu haboon ee kaalintooda ku muujin karaan doorashooyinka soo socda.

1Wasiirada haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo bilowgii ka hadashay ayaa ku dhiirigelisey haweenka inay muujiyaan dadaal dheeraad ah iyo ka qayb qaadasho nidaamka xisbiyada ee Puntland ku talaabsatay.

Marwo Xaliimo ayaa ka dhawaajisey in sanadkan halku dheg ka dhigteen ”Samankii iskaashiga haweenka Puntland iyo saaxibadooda daneeyaa” ,iyadoona dhanka kale xustey in haweenku tiir dhexaad u yihiin bulsho kasta oo meel degan.

5Shirkan oo ahaa mid wadashi ah ayaa dhamaadkiisi waxay haweenkuu soo saareen qodobo ay ku muujinayaan kaalintooda ku aadan ka qaybgalka loolanka siyaasadeed ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

2Guddiga doorashooyinka ayay ugu baaqeen inuu hubiyo isku dheelitirnaanta jinsiga musharaxiinta loo soo gudbinayo halka ay ururada ugu yeereen inay haweenka fursad u siiyaan ka qaybgalka doorashooyinkan.

Culimada ,saxaafada iyo bulshada Puntland ayay ka codsadeen haweenku inay taageeran sidii ay dhankooda uga soo geli lahaayeen ka qaybgalka siyaasada iyagoo sidoo kale ku baaqey wacyigelinyo ku aadan in haweenka doorkooda la siiyo.

8 7 6 4 3Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe

Faallo: Yagleelka Dowlada Jubaland iyo Bisaylka Dowlada Puntland.

$
0
0

Dib usoo noolaynta dawladii burburtay horaantii 1991-dii ayaa moodaa inay qaadatay mudo dheer.

Waxaana umadii Soomaaliyeed ay ka hareen asaagood ama Caalamka, marka la eego xag Dhaqaale,Siyaasadeed, Dhaqan, Caafimaad,iyo Sharafka qofka Soomaaliyeed ee xag wax barasho,xag amaan iyo kala danbayn intaba.

Waxaa muran galay yaa soomaali ah marka laga hadlayo xaga Aqoonsiga Soomaalinimo,madama ay luntay astaantii saxiixa dawlad Soomaaliyeed oo la aqoon sanyahay oo ka gadmi karta ummada Somaliyed iyo Dowladaha Adduunka.

Karti xumada Somalida oo is xalin wayday soona afjari wayday dagaaladii sokeeye iyo nidaam la,aanta ay cadaysteen waxaad moodaa in lagu kala duwanyahay oo hada toos loo kala baxay lana la isla ogaaday. ceebtuna waxay timid markii la yiri cid walbaa ha soo dhisato Deegaankeedii haday daacad ka tahay in laysku keeno Umadii Soomaaliyeed, taasoo ku saleysan Nidaamka FEDERAALKA oo noqday xalka kaliya ee Soomaaliya ku dagi karto ,dadkuna ku kala amaan helayo dulmiga iyo shidadana soo afmeeraya.

Hadaba waxaan Caalamka iyo Wadamada dariskaba u cadaynaynaa dhamaantood in sicad loo fahmo beelaha ama deegaanada soo taagan ee diidan inay samaystaan maamul ay wax kula wadaagaan walaalahooda Soomaaliyeed ee Federaalka ah.

Sifo marka aanu u sameyno cadeymaha aan soo bandhigi karro waxaa ka mid ah kuwa u taagan inay goor walba lasoo taagan yihiin Qas iyo Amni xumo waxaan oran karnaa waa deegaano diidan nidaam iyo dowladnimo, waaa kuwo la shaqeysta mar walba caana ku noqdey inay hoosta gashadaan Dowlad fadhiid ah oo ay kula shaqeystaan Maafiyada Caalamiga ah ee Adduunka oo dhami ka qeyliyey.

Sida dad badan la socdaan waxaa muuqata in uu ka mid yahay kooxda kasoo horjeeda hirgalinta hanaanka Federalism Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana taasi sii dheer in deegaanada iyo beesha uu kasoo jeedo arrintaasi ku garab joogaan , iyadoo xataa uusan jirin xishood ay dhexdooda isaga qaban karaan wixii khalad ah ee ku keeni karra sumcad xumo , islamarkaana ragaadinaya isu keenitaanka Somali oo idil.

Arrinka oo sidaas u muuqda ayaan haddana waxaa bogaadin iyo hambalyo mudan dawlada iyo shacabka Puntland Mudo gaareysa 15 sano ku soo dhaqmayey shuruuc iyo nidaam dowladnimo oo somalida kale wax ka baran kareyso.

Sawirka hadda muuqda waxaa lagu fasiri karaa Puntland dhinac deegaankeeda ayay dhisaneysaa dhinac-na mustaqbalka Somali weyn ayay diyaarineysaa, taasna waxay la macno tahay in ay Puntland mudan tahay in loogu yeero Khabiirka u bisil Dowladnimada.

Lama filan karro in khasaare iyo dib u laabasho ku keeni karaan dagaalada siyaasadeed ee Puntland dalka iyo dibada uga socda, waayo reer Puntland waxay fahmeen in hadii aanan nabad jirin, aysan jiri doonin nolosha iyo wanaaga sida bilicdaa uga muuqda deegaankooda.

Mid kale marka dhinac aan ka eego laga yaabee inay jireen maalmihii lasoo dhaafey mucaarad Puntland , balse waxaa hubaal in Puntland marxalad kasta oo lasoo derista aysan waxba yeeli karin , waayo Dowlad sanado badan soo jirtey ayaa saldhigyo xoogan ku leh, Bulsho bisil oo la socda dhaqdhaqaaqa cadowga ku nool.

Faalada Waxan kusoo koobin Puntland waxay indhaha u shidatey in ay u hiiliso Somalida kale ee dayacu haysto , waxay muujisey kartideeda , waxay u diyaar garowday horumarkeeda , hana u maleyn sahalo in uu ku yimid dhismaha Maamulka Puntland, Horaana Soomali ugu maahmaahdey Dadaalaa wuu gaaraa oo aan ula jeedo guushu waa mid taala halka nabadu beegsatey ee hoyga u noqotey , taasna isweydiin meysaan oo waa dhulka UDUGA ee Puntland.

FG: Puntlandpost masuul kama aha aragtida qoraaga hoos magaciisu ku xusan yahay.

Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com

KISMAAYO: Jubbaland State oo ku gudda-jirta Doorasho Madaxweyne iyo Kuxigeenada (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Magaalada  Kismaayo ayaa waxaa gabo-gabo kudhow doorashada hogaamiyeyaasha cusub ee Jubbaland State ay yeelan doonto Sanaha soo socda, waxaana hadda si habsami u socda doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa.

 

Jubbalans State oo dooranayso Xogaan

Jubbalans State oo dooranayso Xogaan

Sidda Wararku nagu soo gaarayaan illaa 6 Musharax ayaa is sharaxay , waxaana loo badinayaa inuu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State Sh. Axmed Madoobe oo ayaamahan loolankiisa siyaasadeed ka waday Guddaha magaalada Kismaayo.

Ammaanka guud ee magaalada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goob walba ay taagan yihiin ciimo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

Puntlandpost.com, kala soco doorashada iyo sidda ay usoo gaba-gabowdo Inshaa’alah.

KISMAAYO: Jubbaland State oo Madaxweyne Sharciga Federaalka ku dhisan yeelatay (Warbixin+Dhegeyso)

$
0
0

Kismayo: (pp)- Waxaa Cod aqlabiyad maanta lagu doortay Madaxweyne Sh. Axmed Islaan (Madoobe) oo sidda aan marar badan aan soo ku tabinay loo badinayey inuu noqonayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul goboleedka Jubbaland State.

 

dhegayso heestii KismaayoMadaxweynaha Jubbaland State

Axmed Madoobeoo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland State.

Axmed Madoobeoo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland State.

Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku xeeran  ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland Stae  iyo AMISOM ayaa aad looga dabaaldegay Doorashada Sh. Axmed Madoobe oo aad maanta ay wejigiisa ka muuqatay isaga iyo shacabka taageersan farxad aan la soo koobi karin.

Doorashada Axmed Madoobe iyo Maamulka Cusub ayaa la saadaalinayaa inay arin aysan ku farsix ku noqoto Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo ragga la siyaasada ah , iyaga oo geed dheer iyo gaaban u koray inay fashiliyaan dhismaha Jubbaland State oo si taariikhiya maanta loogu doortay Sh. Axmed Islaam (Madoobe).

Sikastaba, Warar kale oo quseeya Doorashada kala soco Puntlandpost, Kismaayo, saacadaha soo socda.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State

Daawo Sawiro Doorashadii Kismayo & Soo dhaweyntii Dowlada Puntland.

$
0
0

Doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee Kismaayo loogu doortey Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa waxaa kasoo qeyb galey marti sharaf kala duwan oo ka socdey Odoyaasha, Ururada bulshada, Wakiilo ka socdey Wadamada Urur goboleedka IGAD,saraakiil ka socotey beesha caalamka, iyo Dadweyne aad u faro badan oo dhinacyo badan leh oo ka socdey deegaanada Jubaland.

Hadaba Puntlandpost oo warbixino kasoo diyaarin doonta sida ay doorashadu u dhacdey ayaanu jecelnahay in aanu idin soo gudbino qeybo ka mid ah Sawiradii Madashii Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe lagu doortey.

Halkan ka daawo Sawirada Doorashadii Kismayo

juuba3 9 jubba1 jubba2 jubba4 jubba5 jubba6 jubba7 jubba8 Jubba9 Jubba10 jubba11Dhanka kale Dowlada Puntland ayaa soo dhaweysay doorashada sida xalaashaa ee ay u dhacdey, iyadoona Xukuumada Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed ay hambalyo ku aadan Curashada Dowlada Jubaland u direy dadweynaha goboladaasi iyo dhamaan ummada Somaliyed meel walba oo ay joogaan.

Puntland waxay ku talisay in Jubaland ay noqoto mid horseed u ah dhismaha maamulada kale ee dalka ka hirgali doona Mustaqbalka dhow ee soo socda .

Halkan ka daawo Sawirada soo dhaweyntii Puntland.

4 1 2 3FG: Puntlandpost saacadaha soo socda waxay idin balan qaadeysaa in aanu idin soo gudbin doono warar iyo warbixino aanu kaga hadleyno Kismaayo iyo sidii ay doorashadu u dhacdey,  sidoo kale waxa jirta faalo aanu ugu magacdarney Dhagoolow Maqal, Indhoolow Arag oo aanu kaga hadli doono Barre Hiiraale warar uu idaacada ka sheegey.

Editorial Puntlandpost.com

 


Faallo: Dhagoolow Maqal, Indhoolow Arag.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Yaab iyo Amakaag ayay ku noqotey qeybo badan oo Somalida ka mid ah markii ay warbaahinta ka maqleen Bare Aadan Shire (Hiiraale) oo leh waxaa la ii doortey Madaxweynaha maamulka Jubaland,ka dib markii maanta lasoo gabo gabeeyey shir weynihii Dastuuriga ahaa ee Kismaayo ka soconayey mudo dheer laguna soo doortey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Gen Ismacaa,iil Fartaag.

Badidood dadkii dhageysanayey hadalka Bare hiiraale waxaa isu qaban weyday sheegashada hogaanka maamulka Jubaland ee Bare Hiiraale iyo Mowqifkiisii horey uu uga taagnaa inay maamul sameystaan dadweynaha ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo uu sida la ogaa kasoo horjeeday.

Waa Kuma Bare Hiiraale.

Bare Aadan Shire (Hiiraale) waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Somalia, gaar ahaana kuwii Jubooyinka ku dagaalami jirey isagoona mudo toban sano ku dhow si xoog ah ku haystey Magaalada Kismaayo oo ay kooxda Alshabab dabayaaqadii 2008-dii dagaal uga qabsadeen Kismaayo.

Bare Hiiraale intii ka danbeysay markii Kismaayo laga saarey wuxuu bilaabey jamhadeyn mudo kooban uu waday, taasi oo ay u suurto gali waysay Kismaayo oo gacanta Bare Hiiraale kusoo laabata islamarkaana lagu tilmaamey sababihii u suurto galin waysay Bare Hiiraale inay ka mid ahaayeen Dhowr qodob oo ay ka mid yihiin .

1. Isbedel ku yimid Hogaamiye kooxeed-yadii Koonfurta Somalia oo ay diciiftey awoodihii ay lahaayeen sida mid taageero, dhaqaale iyo siyaasadeed-ba.
2. Dadka Deegaanada Gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo aanan u dhameyn dhaq dhaqaaqii danbe ee Bare hiiraale ku jamhadeynayey.

Ka dib markii uu bilowday dhaq dhaqaaqii xoreynta Gobolada Alshabab haysteen ayuu Bare Hiiraale isku dayey inuu afduub ku sameeyo awooda alshabab lagu burburinayey oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Amisom iyo kuwa Ethiopia, waxaana la sheegey in Bare isku dhufsadey xisaab ah sidii uu ugu rati kacsan lahaa dhaq dhaqaaqaasi , isagoo hami ama rajo ka qabey in uu si khayaano ah mar kale Kismaayo ugu soo gacansho, balse Dowlada Ethiopia oo aragti ku saleysan damaca siyaasadeed ee bare fahan ka qaadatey ayaa xabsi ku dhawaad hal sano ah ku riday.

Taariikhda iyo Waayaha Mugdigaa ee Bare Aadan Shire ma ahan mid qoraal iyo akhris lagu soo koobi karo , waxaase dadka Soomaaliyeed ee dhacdooyinka la soconayey ay ka dharagsan yihiin damaciisa siyaasadeed casharada laga soo bartey .

Xaglo geel wax Gunti la galiyo ka weyn.

Sheegada Bare Aadan Shire Hiiraale ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland maxay u noqon waysay mid horey loogu warhayo oo ay ugu soo koobnaatey in afkiisa oo qudha laga maqlo ka dib markii wareysi uu siiyey idaacadaha afka Somaliga ku hadla qeybtood.

Suurto galnimada in Bare Hiiraale loo aqoonsado Madaxweyne waxaa ay imaan kartaa marka la helo Documentiyo cadeynaya doorashadiisa kuwaas oo sida lala socdo uusan jirin habayaraatee hal xabo oo sawir ama muuqaal muujinaya dadkii doortey, hadiiba ay jirto in bare hogaan loo doortey.

Sheekada uu ku doodayo Col Bare Hiiraale dad badan waxay ku micneeyeen ruwaayad uu dhawaaq dheer ku oranayo Dhagoolow maqal , Indhoolow Arag , oo fasir ahaan ay u muujiyeen dadka falanqeeyey hadalka barre hiiraale mid dadku ay leeyihiin indho ay wax ku arkaan iyo dhago ay wax ku maqlaan islamarkaana doorashii Kismaayo ka dhacdey ay ahayd mid dhamaan umadaha dunida oo dhami indhahoodu arkayeen, waana mid ka bedelan sheekada oraneysa “Indhoolow Arag”.

Laakiin arrinka ka bedelan uu yahay wax dareen oo xasaasiyad oo hadalka Col Bare kusoo kordhinayo deegaanada Jubaland lama filan karo , midaas oo loo aaneynayo siyaasadiisa oo dadku ku tilmaamayaan mid si cad uga timid Muqdisho oo habeen badh laga soo saarey laash uu ku tagey Kismayo.

Lama Qarin karo Lamana Dabooli karo Natiijadii kasoo baxdey shirweynihii Dastuuriga ahaa ee muddo ka soconayey Kismaayo ayey dadku badidood aragtidooda ku saleynayaan.

Barre Hiiraale intii uu soconayey shirkii Kismayo maanta kusoo xirmey, ma uusan soo dhaafin sida ilo xogogaal ah Puntlandpost u xaqiijiyeen albaabada gurigiisa kismaayo ka degan yahay, isaga oo aysan jirin la tashi ama shirar uu kismaayo ku qabtey sida loo warhayo, balse ma kula tahay midaas in uu sameyn karey , sow horey uma aadan maqlin ka dib shirar ay yeesheen Bare iyo Ciidamada Amisom, Saraakiil ka tirsan Maamulka KMG-ka oo isku dhinac ah in uu barre u sheegey markii la weydiiyey sababihii kismaayo u yimid uu ku sheegey in ay la xiriirtey booqashada xaas iyo qoys kismayo ka jooga islamarkaana aysan jirin arrimo siyaasadeed oo uu u yimid.

La iskuma hayo Kismaayo Maanta inay ka dhacdey Doorasho Xalaal ah ku saabsan Madaxweynaha Jubaland iyo Ku xigeenkiisa, Balse isweydiiyoo yaa loo doortey hogaanka Jubaland Maxaase Cadeyn ah oo loo hayaa doorashadooda.

Daawo Sawirada madasha lagu doortey Axmed Madoobey iyo Gen Fartaag.

jubba11 jubba2 jubba7 jubba6 jubba1 9 juuba3 jubba4 jubba5 Jubba9 jubba8Mustaqbalka Jubaland.

Gobolada ku bahoobey curinta maamulka Jubaland waxaa ku duugan kheyraad dabiiciya oo alle ku manaystey dhulkooda, waxaana uu faa,iido mustaqbal u hogaaminayaa Maamulka ay sameysteen , kaasi oo sida dad badan saadaalinayaan u horseedaya Isku uruursanaantooda, hirgalinta nidaam sharci iyo kala danbeyn .

Jubaland doorashada hogaankeeda waxaa si weyn looga taageerey goobo badan oo ka mid ah Dowladaha caalamka iyo Somalia, kuwaas oo sheegey inay ku faraxsan yihiin sida guusha ee uu kusoo dhamaadey shirkii Dastuuriga ahaa ee reer Jubaland.

Puntlandpost.com
Kismaayo.

HAMBALYO: Jaalliyadda Washington DC iyo Nawaaxigeeda oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Jubbaland State

$
0
0

Mudane Madaxweyne Islaam, 

Marka hore waxaan kugu salaamaynaa salaanta Islaamka: Salaamu calaykum wa raxmatullahi wa barakaatu. Marka kale, waxaan kuu soo gudbinaynaa hambalyo iyo bogaadin doorashada laguu doortay Madaxweynimada Dawladda Jubaland State. Ilaahay (SWT) ha kula garab qabto hawsha aad dusha u ridatay. Sii Akhri

washington

Puntlandpost.com

JIGJIGA: Madaxweyne Cabdi Cumar oo u hanbalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland State

$
0
0

Jiggjiga: (pp)- Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Hambalyo bogaadin ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland State Mudane Sheekh Axmed Islaam (Madoobe).

Madaxweyne Cabdi Cumar oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland State

Madaxweyne Cabdi Cumar oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland State

Shacabka Ka soo jeeda Deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ayuu uga bogaadiyey sidda wanaagsan ee ay u muujiyeen rabitaankooda , wuxuuna ugu baaqay in Madaxweynaha Cusub uu ku dadaalo in shacabka deegaanadaasi uu ku hagso cadaalad iyo midnimo keeni karta horrumar la isku halayn karo.

Madaxweyne Cabdi Cumar ayaa kula taliyey Madaxweyaha Cusub iyo shacabka Jubbooyinka inay muujiyaan isku duubni , isagoo madaxweynaha cusub ee Jubbaland iyo Gedo  kula taliyey inuu si deg deg ah ugu dadaalo dhamaystirka howlaha horyaala ee dhanka maamulka Jubbaland State.

Dhanka Kale , maalinkii markii  la doortay Madaxweynaha Jubbaland State , waxaa hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan faroole iyo Gollahiisa  Wasiirada Puntland , iyagoo uga hambalyeeyey guusha ay gaareen shacabka Jubbooyinka iyo Gedo ee ku aadan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State oo Ergooyinkoodu Cod aqlabiyad ah ay ku doorteen Madaxweynaha Jubbaland State Mudane Sheekh Axmed Islaam (Madoobe).

Sikastaba, waxaa sii kordhaya Hambalyada iyo Taageerada ay Jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ee Guddaha iyo Qurbaha ay jeedinayaan Maamulka Cusub ee Jubbaland State ee ka hana-qaaday deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, kaas oo dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan in dhismaha Jubbaland State uu soo dedejinaayo xoogeysahada Maamul goboleedyada dalka laga doonayo in laga hirgeliyo.

Puntlandpost, Jigjiga, Ethiopia

Qurba-joogta Puntland ee Australia oo soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Jubbaland.

$
0
0

Qarbajoogta Puntland ee waddanka Australia ayaa aad u soo dhaweeyey doorashadii shalay ka dhacday Jubbaland ee lagu doortay madaxweynaha Jubbaland kuxigeenkiisa.

Qurbajoogta Puntland ee Austaralia oo hambalyeysay Madaxweynaha Jubbaland State.

Qurbajoogta Puntland ee Austaralia oo hambalyeysay Madaxweynaha Jubbaland State.

Afhayeenka qurbajoogta Puntand Siciid C/raxmaan Shiinle oo ku hadlayay magaca qurba-joogta ayaa tilmaamay in ay tahay arrin lagu farxo iyo guul u soo hoyatay soomaalida, in maamul cusub oo lagu magacaabo Jubbaland uu ku soo biiro nidaamka federallaka ee ay Soomaaliya hadda qaadatay.

Md Siciid Shiinle wuxuu rajo weyn ka muujiyay in dowladaha kale ee faderaalkaka mid-noqonaya ay iyaguna ku daydaaan walaalahood Jubbaland iyo Puntland oo kasii horreysay si loo dhameystiro hanaanka federaalka ee dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay.

Siciid Shiinle wuxuu u mahad-celiyay dhammaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaatay hirgelinta & dhismaha maamul-goboleedka Jubbaland, gaar ahaan dowladaha Afrikaanka ee gacanta siiya dowladda federaalka ee Soomaaliya qeybaheeda kala duwan. Ugu dambeyn wuxuu Siciid Shiinle ku booriyay Soomaalidu meel walba oo ay joogaan iyo sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sh Max’ud in gacan weyn ka geystaan sidii ay taageero buuxda ugu muujin lahaayeen dowladda Jubbaland ee hadda curatay ee uu madaxda ka yahay

walaalkeen Axmed Islam sidii ay howlaha ka dhiman ee dhismaha maamulka u dhameystiran laheyd.

Guul ayuu u rajeeyay shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaan gaar ahaan maamulka Jubbaland ee Soomaaliyeed.

Puntlandpost, Australia

May 19-keeda oo magaalada London lagu qabanayo Shir looga hadlayo Fursadaha Ka jira deegaanada Qaniga ah ee Puntland.

$
0
0

Waxaa lagu qabanayaa Magaalada London Kulan Muhiim oo laga hadlaayo looguna soo bandhigaayo maalgeleyaasha Caalamka siddii ay loogu sheegi lahaa Fursadaha ka jira Puntland oo ku aadan dhanka maalgashiga Kaluumaysiga , Xoolaha Nool iyo habka looga faa’iidi karo Kaluunka, Fikradaha dhanka ganacsiga Puntland ee ka dhaxayn kara Ganactadada iyo maalgeliyeyaasha iyo arrimo kale oo badan.

—>>Read English Version, PDF File

logoeconomic forum
Waxaa kulankaas ka qayb qaadanaya oo ka hadlaya:

1. Saciid Huseen Ciid Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshada oo ka hadlaya Fursadaha ka jira Puntland

2. Hasan Muuse Dude, Somali Economic Forum – Somali Fishing Industry

3. Nuur Axmed Nuur Ganacsade , horayna uga mid ahaan jiray masuuliyiinta PUNSA

4. Faarax Cali Jaamac , Wasiirka Maaliyada Puntland

5. C/rashiid Yaasiin , oo ka socda Amal Express oo ka hadli doona sidda ay muhiimka u tahay helitaanka  Ganacsato Guddaha (Local Partner).

Arrimaha looga hadlayo fursadaha Ganacsi ee ka jira Puntland ayaa dhacaysa 19 May

Waqtiga: 14.00 -18.00

Goobta: Resource For London, 356 Holloway Road, London, N& 6PA

Isdiiwaan-geli adoo la xiriiraya : 07932674590

ama Email u dir: kadafi066@hotmail.co.uk

 

Xasuuso: Si aysan kuugu dhicin niyad jab ku aadan inay kuraasto kaa buuxsanto, please deg deg isu diiwaan-geli,  addoo la xiriiraya cinwaanada kor ku xusan.

Puntlandpost.com

 

 

Viewing all 1543 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>