Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all 1543 articles
Browse latest View live

Garowe: UDAD oo ka qeyb gali doonta doorashooyinka golaha deegaanka Puntland

$
0
0

Garowe: (pp)- Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah Ururada Puntland horayna u qaadacay ka qayb galka doorashda golaha degaanka ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka qayb galayaan doorashda golayaasha deegaanka ee la qaban doono 30,June,2013.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax Sanwayne ayaa Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa u sheegay inay aqbaleen ka qayb galka doorashooyinka soo socda,wuxuuna aqbalaada doorashada uu ku sababeeyey ka dib markii shalay la shaaciyey in la dhisayo Maxkamad Dastuuri ah.

Siciid Faraax waxa uu sheegay inay maanta la shireen guddiga doorashooyinka Puntland,isla markasna kala hadleen arrimaha la xariira ka qayb galka doorashooyinka dowladaha hoose,wuxuna sheegay maqnaanshaha Maxkamad Dasturiya inay ka mid ahayd arrimihi hore ay ugu qaadaceen doorashada.

Hore UDAD iyo Midnimo ayaa u qaadacay doorashada degaanka ee Puntland,lamana oga Ururka Midnimo inuu mawqifkiisa wax ka bedelay iyo inuu weli ku adkaysano inuusan ka qayb galin.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe,


Khilaafka Ergooyinkii Jubbooyinka oo soo dhamaaday iyo Doorasho Madaxweyne oo dhacaysa Dhowaan (Warbixin)

$
0
0

Warar sugan oo Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in la dhameeyey qilaaf ka jiray Beelaha , iyadoo maalmaha soo socda la filayo in la doorto madaxweynaha Jubbaland State of Soomaaliya.

Khilaafka ergooyinka oo djamaaday iyo Madaxweyana Jubbaland State oo la dooranayo maalmaha soo socda

Khilaafka ergooyinka oo djamaaday iyo Madaxweyana Jubbaland State oo la dooranayo maalmaha soo socda

Urur goboleedka IGAD  masuuliyiin ka socota oo yimi magaalada Kismaayo ayaa keenay Sanaadiiqdii Doorashada ,  iyagoo masuuliyiinta shirka daadihinaya uga mahadceliyey sidda wanaagsan ee ay usoo gaba-gabeeyeen qaabka Xulshada Ergooyinka oo khilaaf la’aan ku dhammaaday.

Maalmaha soo socda ayaa la sugayaa in la doorto madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa maamulka Jubbaland State of Somalia oo noqon doonaa maamulkii ugu horeeyey oo Federaal ah oo ka dhasha Koonfurta Soomaaliya.

Shacabka Jubbooyinbka ayaa ay ka muuqataa niyad wanaagsan iyo yidiilo mustaqbal , iyagoo sugaya oo kaliya maamulkii hogaamin lahaa Deegaanada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

Heshiiska iyo Guusha ay gaareen shacabka Jubbooyinka ayaa weji gabax waxay ku noqonaysaa DF ee Soomaaliya ee hogaanka u yaha Xasan Culusow, kaas oo Geed gaaban iyo dheer u koray inuusan hergelin maamulka Jubbaland State  ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo oo Xarrunta lagu kaamilay Qorshaha Jubbaland State ayaa aad looga hadal hayaa guusha laga gaaray iyo doorashada loo dhaqaaqi doono maalmaha soo socda.

Goobtii Doorashada iyo Sanaadiiqda doorashada Madaxweynaha ayaa qaban-qaabadeeda lagu guda jiraa, waxaana illaahay uga baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed ee dhul soomaaliyeed ku heshiisay illaahay u barakeeyo maamulkooda  iyo Ehlu amriga ay halkaas ay ku dooran doonaan illaahay uu ka dhigo mid ku dadaala cadaalada isuna keena ummadda deegaanadaas ku wada nool.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State

Faallo:Beesha Caalamka ha ka fiirsato taageerada halka dhinac ee Muqdisho.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Waxaa shaki ku jirin in Soomaaliya magac ahaan loo dhisay Maamul Dowladeed oo leh Dastuur Federaal ku saleysan, balse weli ma helin Dadka Soomaaliyeed Madax Qaran ooku fekeraya guud ahaan sidii la isugu heyn lahaa Dal Bur bur ka soo kabanaya oo dadkiisu is dilayey 22 sanno.

Madaxweynaha hadda Talada haya Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh wuxuu si cad u aaminsan yahay in awooda sharci gacantiisa ku jirto oo uu siduu doono ugu dhaqmo hanaanka dowladeedna waa uu ka balaaran yahay wax masuul dusha saarta, waxaa jira hay’addo awooda u qeybsan, waxana weeye Hay’adda sharci dejinta, Hay’adda Garsoorka iyo Golaha Xukuumada. Sadexdaas hay’adood oo ah kuwo iskaabaya ayuu Madaxweynuhu u yahay ilaaliye ama duq isku haya, balse waxaa hadda mooda in waxaas oo dhan inta ka talaabsaday uu ku mashquulsan yahay hanaan qabiil iyo sidii gobolada dalka qaar ka mid ah is hor taagi lahaa si aanay maamul u sameysan isagoo kaashanaya koox la qabiil ah oo Caasimadda Muqdisho degan.

Waxaa hadda soo baxaya diidmo badan oo ka imanaysa deegaanada Soomaaliyeed oo dhan dadka ku dhaqan ee deggan, kuwaas oo ka biyo diidsan Siyaasadda qaawan ee qabyaalada ku saleysan ee uu ku dhaqmayo Madaxweyne Xasan sheekh, taasoo ku saleysan Siyaasad hal dhinac ah oo weliba u daneynaysa Beeshiisa Muqdisho xooga ku haysata Caasimada Dalka Soomaaliya.

Deegaanada Jubbaland dadka ku dhaqan ayaa goor hore diiday sida uu uga soo horjeedo maamul u sameynta deegaanadaas kuwaas oo waqti , dhaqaale iyo dhiig badan u huray sidii ay uga xoreyn lahayeen xoogagii haystayKismaayo ee al-shabaab, howlahaas xoreynta jubbooyinkana waxay soo socotay muddo shan sanno ku dhowaad ah, maanta waxay joogtaan maamul sameynta deegaanadaas, taasoo madaxweyne Xasan sheekh isku dayeyo inuu hor istaago oo diido in laga sameeyo halkaas Maamul ku dhisan habka Federaalka ah ee uu dhigayo dastuurka Soomaaliya.

Deegaanada Puntland oo ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Dowladda Federaalka Soomaaliya booqasho uu ku yimi Madaxweyne Xasan sheekh si cad ayuu ugu gacan seyray in talo wadaag ka noqdaan arrimaha deeqaha Caalamka, shirarka aayaha Soomaaliya looga tashanayo iyo in ay mid ka noqdaan sidii loo caawin lahaa meelaha maamulada dhisanaya, taasoo dhamaan uu diiday Madaxweyne xasan sheekh, waxa ayna dhalisay in Puntland iyo Federaalka xiriirkii waanagsanaa ee ka dhexeeyey xumaado, tani waxa ay sii xoojinaysaa khilaafka gudaha Soomaaliya ka taagan.

Deegaanada Soomaaliland oo markii hore sheeganayey in ay yihiin Dowlad gooni u taagan ayaa la qorsheynayey in lawada hadalsiiyo Soomaaliya oo la isku soo dhaweeyo taasoo la orankaro si jilicsan oo debecsan ayuu u maareeyey madaxweyne Xasan sheekh kolkii hore markii la isugu tegay shirka Turkiga, taasina waxay abuurtay sii fogaanshaha Maamulka Somaliland, sababaha ugu waa weyna waa siyaasad xumadda Madaxweynaha Soomaaliya oo aan aheyn siyaasi u bisil u dhabar adeegida wada xaajoodka Soomaalida dhexdeeda ah.

Deegaanada Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose waxaa ka soo yeeraya guux iyo qeylo dhaan ka dhan ah Madaxda Federaalka habka iyo hanaanka ay ku qeybinayaan awood qeybsiga xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo dhawaan warbaahinta gudaha waraysiyo ay siiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas aan kor ku soo sheegnay matelaya ayaa sheegay iyagoo ka cabanaya Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud sida uu u magacaabay Agaasimaha Nabadsugida iyo Taliyayaasha Ciidamada oo aanu ku saleyn habkii awood qeybsiga Beelaha waa sida ay ku doodayaan Xildhibaanada Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose ka soo jeeda, waaxana weli ka jira deegaanadaas maamul xumo iyo nidaam aanay soo dooran shacabkooda waa gobolada bay, bakool iyo shabeeladda hoose.

Dhamaan arrimaha aan ku soo xusay kor waxa ay ku tusayaan in weli uu jiro kala fogaansho gudaha Soomaaliya dhexdooda ah oo sabab ay u yihiin Madaxda sare ee Federaalka Soomaaliya oo aan aheyn kuwo u qalma in ay isku wadaan iskuna hayaan dhamaan deegaanada gudaha dalka Sooamaliya, waxayna u muuqdaan kuwo hal dhinac Siyaasadooda ku foorarto muqdisho iyo nawaaxigeda oo kaliya.

Hadadaba, waxaa kula talin lahaa Beesha Caalamka, wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Hay’adaha deeqda bixiya ee taageera Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah ee Bariga Africa in ay ka fiirsadaan taageero loo fidiyo hal dhinac oo xukunkiisa iyo Maamulkii Dowladnimo ee loo doortay ku soo ururiyey Magaalada Muqdisho oo kaliya, kana horyimadeen dhamaan deegaanada kale ee Soomaaliya, taasoo sii xumeynaysa Rajada Dowladeed ee Soomaaliya habka iyo hanaanka Siyaasadeed ee uu ku dhaqmayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kala qeybin iyo colaad qabiil ka dhex abuuraya deegaanad Dalka iyo Qabiilooyinka Soomaaliya.

Beesha Caalamka waa in ay fahamtaa xaalada dhabta ah ee uu maanta ku sugan yahay Gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana ugu baaqi lahaa shirka london ka furmay in daak soo qeybgalayaa aanay fududeysan Siyaasadda Gudaha Dalka Soomaaliya ka jirta oo aanay taageero siin dhinac kaliya,waana in ay tixgeliyaan oo la socdaan rabitaanka inta badan shacabka Soomaaliyeed.

FG: Qoraalkan waxaa na soo gaarsiiyey qoraaga magaciisu hoos ku qoran yahay,Puntlandpost-na masuuliyad kama saarna fikrada qoraaga.

Bille Maxamuud Qabowsade

Bosaaso, Puntland, Somalia

 

Hogaamiye ka tirsan Alshabab oo sheegey in la diley Abuu Mansuur Al Amriki .

$
0
0

Buulo Burde: (pp)- Mid ka mid ah saraakiisha horjoogayaasha Kooxda Alshabab ayaa caawa khudbad uu ka jeediyey masjid ku yaal Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayuu ku sheegey in kooxo taageersan hogaamiyaha Alshabab Axmed Cabdi Godane ay dileen Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Fu,aad Shongole oo ka mid ah Madaxda Alshabab ayaa waxa uu sheegey inuu ku dhintey Al Amriki iska hor,imaad dhex marey kooxo kala taageersan Godane iyo Al Amriiki sidoo kalena ay jiraan kooxo maleyshiyo oo ku dhintey dhacdaasi..

Fu,aad Shongole waxa uu intaas ku darey in uu Al Amriki dhawaan ka badbaadey weerar ay soo abaabuleen kooxo ka tirsan Ururka Alshabab oo ka amar qaadanayey Axmed Godane, Isagoona si weyn Shongole uga soo horjeestey fikrada Godane oo ku tilmaamey inuu soo abaabuley kooxo Murtadiin ah oo diley Abuu mansuur Al Amriiki.

Dhawaan ayay ahayd markii Al Amriiki bogga Twiter-ka ee Internetka ku faafiyey sawiro muujinayey inay dhaawacyo kasoo gaareen isku day lagu doonayey in lagu dilo, kaas oo uu ku eedeyey inuu soo abaabuley hogaamiyaha Kooxda Alshabab Godane.

Sidoo kale Waraaq dhawaan ay u direen hogaamiyaha Al-qaacida Ayman Al dawaahiri saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Alshabab, kana mid yahay Ibraahim Afqaan ayaa lagu sheegey in ururka Alshabab ka dhex jirto kala danbeyn la,aan ba,an.

Marka laga tago warka uu caawa sheegey Fu,aad Shongole oo ka mid ah Madaxda Alshabab ma jiraan ilo kale oo madax banaan oo xaqiijinaya dilka Abuu Mansuur Al Amriiki, iyadoona dhowr mar oo horre ay beenowday warar lagu sheegey in la diley Al Amriiki.

Al amrikii waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Alshabab ee Dowlada Maraykanku dul dhigtey inay ku bixineyso lacag dhan 5 milyan oo dollar oo la siinayo cidii soo sheegta.

Puntlandpost.com
buulo burde.

LONDON: Ururka Sahal oo cambaareeyey eexda tabinta wararka idaacada VAO Somali

$
0
0

London: (pp)-  Ururka Sahal waxuu si adag cambaarayn dusha uga tuurayaa hab dhaqanka iyo eexda tabinta wararka ay ku dhaqanto idaacada VAO Somali. Waxaa nasiib darro in idaacadani ay ummadda Soomaaliyeed ka gashay godob iyo fadeexad ka dib markii ay qariyeen mudaharaadkii 7-5-2013 gilgalay kasoo horjeedka guriga Lancaster House oo lagu qabanaayey shirkii Soomaalida London.

Ururka Sahal oo Canbaareeyey Idaacda VOA

Ururka Sahal oo Canbaareeyey Idaacda VOA

Idaaca VAO Somali waxay waqti badan ku bixisay inay buun-buuniso bannaanbixii lagu dhigay magaalada Muqdisho waxayna diiday inay sii dayso wararkii ku saabsanaa mudaharaadkii maanta sida wayn u gilgalay magaalada London kaasoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal ka mid ah qaybaha kala duwan ee jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool iyo Yurub.

Sidaasi darteed ururka Sahal waxuu ummadda Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo midnimada in idaacada VAO Somali ay noqotay idaacad u adeegta danaha xulafada iyo danaha Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaan dawlada Maraykanka u gubdin doonaa qoraal la xiriira sababaha maamulka gacanta ku haya idaacada VAO Somali uusan dhexdhaxaad uga noqon karin arimaha Soomaaliya isla markaasna laga dhigtay idaacada VAO Somali mid u adeegto dano shakhsiyaad gooni.

Ugu danbayntii waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inay si feejigan ula socdaan eexda ka socota laanta VAO Somali ee uu hogaamiyo Abdiraxmaan Yabaroow.

Waxaa qoraalkan soo saaray
Ururka Sahal Organisation, London

LONDON: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo London kula kulmay ganacsato iyo maalgaliyaal Soomaali iyo Ajaanib (Sawiro)

$
0
0

London: (pp)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud oo khudbad ka jeediyey shirka Ganacsatada iyo Maalgeliyeyaasha oo maanta ka dhacay London ayaa yiri “Soomaaliya waxaan rabnaa in aan ka dhigno dal ku dhisan technologiyadda cusub oo Wadooyinka, dekedaha, airportka, iyo guryaha waa in ay ahaadaan kuwa aan ku dhisneyn cilmigii hore balse ay qasab tahay in ay ku dhisnadaan caqliga qarniga 21aad iyo casriga cusub.

CA5P1987Dowladda Soomaaliya waxeey juhdi badan ku bixisay amniga. Waxaan ognahay Soomaaliya hidii ay tahay meel nabad ah waxaa laga herglin karaa ganacsi” ayuu sheegay Madaxweynahu.

CA5P1959Soomaaliya waxey ku taalaa meel istaraateji u ah caalamka iyo ganacsiga adduunka oo waxey leedahay xeebta ugu dheer Africa, labo webi, dhul beeraad, ka gancsiga xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah oo dhammaantood u baahan in shacabka looga faaiideeyo”.

CA5P1978Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirigelineyso ganacsiga iyo maalgashiga,dowladdana ay dhowaan hor keeneyso baarlamaanka sharciyadii maalgeshiga iyo ganacsiga madaxa bannaan. Maalgashiga dalka waxey faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka.

CA5P2007Sidoo kale waxaa muhiim ah in shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u kobciyaan ganacsiga iyo horumarka dalka ayuu Madaxweynaha ku soo gaba gabeeyay.

CA5P2012-1

Isha Warkan: Xafiiska Madaxweynaha DF

Ujeedadii banaanbixii London,Sidoo kale daawo sawirada bananbaxayasha

$
0
0

Dibadbax aad u balaaran oo ay kasoo qaybgaleen dad ka badan 750 qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee jaaliyadaha UK iyo dad kale oo ka kala yimid Wadamada Qaaradda Yurub ayaa 7-5-2013 ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.

Daawo Sawiro banaanbaxa- Youtube

Abaabulka iyo isku xirka dibadbaxa waxaa lahaa ururka Sahal, waxaase mudaharaadka iyana qayb libaax leh ka qaatay jaaliyadaha Khaatumo, Maakhir, Awdal iyo mucaaradka xukuumada madaxwayne Ismail Omar Gele.

8Ujeedada mudaharaadku ayaa lagu sheegey inay la xiriirtey muujinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, cambaaraynta shirkii Ankara ee qiyaanada qaran Soomaaliya looga galay, eexda iyo kala qaybinta ay wado dawlada Turkigu, ku dhaqan la’aanta dastuurka Fadaraaliga ah, cambaaraynta farogalinta uu Madaxwayne Xasan Shiikh ku hayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, hantida 22 sano xaqdarada iyo xaaraanta loogu haystay magaalada Xamar, iyo xadgudubka, caburinta lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho.

Mudadii mudaharaadku socday waxuu ururka Sahal halkaas kusoo bandhigay sababaha keenay in lagu mudaharaado madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Qodobo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran ayay ku eedeeyeen banaanbaxayaashu Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Xukuumadiisa.

1.Awoodii wadanka oo wada-gashay madaxwaaynaha iyo xisbigiisa Damul-jadiid

2.Waxaa magaaada Muqdisho laga diyaariyey ciidan hal beel ah kusoo lagu sheegay ciidan qaran;

3.Madaxwaynuhu waxuu dhowaan u sheegay International Crisis Group inuu soo celinaayo arintii sanadkii hore muranka badan dhalisay oo ahayd xadaynta badda Soomaaliya. Si hadaba uu dawlada Kenya u qanciyo in la burburiyo shirka Kismaayo ka socda waxuu madaxwaynaha iyo xulufadiisu ay rabaan in xuduudka badda Soomaaliya lagu soo koobay 12 Mayl

4.Madaxwayuhu waxuu kaligiis iska saxiixay heshiisyo lagu guranaayo khayraadka Soomaaliya mana jirto wax heshiis ah oo la soo mariyey golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Fadaraaliga ah

5.Dhaqamada iyo hadalada madaxwaynaha waa kuwo hurinaayo colaad dagaal sokeeye

6. Haweenka la kufsanayo ee barakacayaasha waa mid adduunka uu ka qeyliyay, laakiin
dawlada ciidankeedu waa ragga wax dilaya, oo waxna kufsanaaya;

7.Dawladii waxay noqotay mid ay af-hayeeno ka noqdeen Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye;

8.Heshiiskii Ankara ee Xasan Shiikh iyo Silaanyo waxuu ahaa mid hanaan khaldan loo maray, tixgelina aan laga siin dadkii ay sida dhabta ah u khusaysay arimaha gobolada waqooyiga Soomaaliya;

8.Dhaqaalihii caalamka laga soo qaaday waxa ay gashay hal magaalo (magaalada Muqdishu) oo haba-gashee wax natiijo ah kama imaan lagamana sugayo, meeshii dalka intiisii kalana la iska ilaawey.

Hoos ka daawo Sawirada Banaanbaxayaasha.

7 6 8 5 4 3 1 2 9Daabacaada Puntlandpost.com.

 

Maqaal: Taariikhda Nidaamka Federaalka iyo Somalidii horre dib u akhriso.

$
0
0

Soomaalidu waa umad taariikh dheer leh bay ahayd, balse musiibooyinka umada Soomaaliyeed ku dhacay ayaa waxaa ka mid ahayd, iyadoo Gumaystihii intuu dalkoodu yimid islamarkaasna gumaystay, ayuu ka aasay wax allaale waxii ay taariikh hore ay umadaas ay lahayd, Islamarkaasna u muujiyay in ay ahaayeen dad cawaan ahaa ee gayigaaas isaga noolaa , horumar iyo nolol uu isagu ula yimid.

Intaanan dulucdeyda maqaalkaygaan gelin, ayaan waxaan idin cabiri rabaa wax yaabaha igu kalifay inaan xiligaan ka hadlo nidaamka Federalka oo ah nidam ay qaateen umada Soomaaliyeed , habeen dhawayd waxaan dawaaday Barnaamij uu baahinayey mid ka mid ah TV- yada Somalida  oo loogu magac dartay Soomaalidu Federal ma u danbaa?

Dad weynihii halkaasi aragtidooda ka dhiibanayay ayaa ahaaa kuwa ku kala aragti duwanaa fikirka Federalisimka ah , Qolo waa ay tageertay , Qolo waa ay diiday , Qolo waxay ku tilmaantay inaysan Diintu aysan qabin balse uu yahay Fikir laga soo minguurshay dhul gaalo ah.

Waxaan jeclaystay intaanan sii guda gelin qolyaha isku maandhaafsan aragtida ah Federal dalka Soomaaliya xiligaan waa uu ku haboon yahay iyo kuma haboona, waxaan jeclaystay inaan ku hormaro Qolyaha yiri diintu ma ogolo waa Fikir dhul gaalo laga soo minguurshay.

Anigu waxaan qabaa Eray ahaan bay Soomaalidu ka didsantahay ee diiniyan waa la ogol yahay Islaamkuu waxuu soo maray maamulo la dhaho إمارة hoostagayo saldano weyn Afka qalaadna lagu dhaho Empire , Eregyga Impire maxaa lagu micneeya luqada Englishka (a number of countries ruled by one person or government) Tusaale ahaan (the Ottoman Empire) Boqortooyadii Cismaaniya ee Turkiga ka talin jirtay .

Boqortooyadana waxay sii xukunta Emirate , Emirate waa maxay (a country ruled by an emir) Dal u madax u yahay Emiir, Amiirku waxuu noqon State President oo ay dadkiisa soo doortaan Empirena waxuu haatan u dhigmaa The president of United States , oo ah madaxweynaha dowladaha midoobay

Hadaba anagu Soomaali ahaan halkee ka soo galnaa Empire iyo Amiir, Dadka Soomaalidu muda 700 sano laga jooga Soomaalidu waxay ahayd 7 Emirate oo hoos tagaysa Boqortooyada Awdal .

Dawaaro Emirate

Sharkha Emirate

Ifaat Emirate

Daara Emirate

Baali Emirate

Hadaya Emirate

Araabinii Emirate oo harar ahayd

Xiligaas oo aan oran karo Soomaalidu awood jirtay oo caalmka laga aqoonsan yahay bay ahayd waxayna burburisay dowladii xabashi oo ay ka soo reebtay laba gobal Abbyssinia iyo Eriteria .

Qarnigii 13naad iyo Qarnigii 14naad halka xadaarada iyo horumarka Soomaalidu joogtay iyo sida ay dunida ugu talin jireen siiba geeska Afrika iyo Ethiopia ,markaan akhriyo taariikha ku saabsan Adal Impire, iyo buugga Unraveling Somalia, qortay Professor Chatherine Besteman iyo socdaaladii uu Soomaliya ku yimid Ibnu Batutta Zenhe(Chinese), Al-Idiris 1230 iyo manta Soomaalidu sida aanay tariikhdooda wax fiican aysan uga aqoonin, waxaa igasho qiiro , oo waxaan dareema inaynu ahayn dad soo talin jiray oo xadaarad lahaa laakin cadow u gacan galay .

Dowladaha dariska waxay inala jecel yihiin inaynu Federal qaadano , Laakin anigu ahaan waxaanba u arka ku haggis dhanka eebe inooga timid oo inoo dan ah , maadama umada Soomaaliyeed maamulkii 53 sano ka hor, umada Soomaaliyeed ee qaadatay oo ahaa Dowlad dhexe, taaso awoodo dalka hal meel laga hago aynu qaadi weynay, hadaynu Soomaali nahay , isla-markaasna ay dhashay inaynu ka dhaxelno burbur iyo dagaal sokeeyo oo ina sii kala fogeeyay.

Diiniyan’’ horumar ahaan iyo midnimo ahaan waa ay u fiicantahay umada Soomaaliyeed, waxaana laga nabad galayaa hogaamiyaasha madax adag dalka Soomaaliya inay dib ugu soo laabtaan , laakinse badalkeeda waxaa imanayaa dowlad dhexe oo dadkeeda la tashato.

Dhibaatooyinkii Dowladii dhexe

Dalka Soomaaliya hal meel baa laga xukumayay ,hal hogaan baa talada dalka gacanta ku hayay , isaga ayay ka go’day sida masiirka umada laga yeelayo, cidii ka hortimaadana dil ama xabsi buu mutaysan jiray, Alle ha naxariistee Faarax Galooley waxaa laga hayaa” afkaaga hayso ama Afweyne raac ama Afgooye aad”. Qofkii hadal dawladda ka soo horjeeda yiraahda xabsiga ayaa hoy u noqday ama dil!

Ciidamadii dagaalkii Ethiopia ka qayb galay baa la iska laayay, magaalooyinkaa diyaarado lagu garaacay, baraagado baa la sumeeyay , imbadana tuhun bay waqti dheer u xirnaayeen ilaa kii la xiray uu garan waayo waxaa loo heestay .

Dhaqaalihii dalka , oo hal meel ku shubantay , gobaladii dalka qaarkood loo baxshay gaari waa, kuwii la gaarayna ananba waxba loo qaban ,Hooyadii inay dhasho rabto ay noqotay inay Xamar timaado , reerkii caruur badan u joogeen oo raba inay waxbartaan ay noqotay inay Xamar yimaadaan , ninkii rabo Passpor waxay noqotay inuu Xamar u yimaado , dalkoo idil baa noqday madax ka nool .

Umada Soomaaliyeed ma u danbaa Federaal?

Inagoo intaa ka yar baynu ahayn 7 Emirate oo aynu ku dhaqmaynay Shareecada Islaamka oo hoos tagaysay Saldanadii Cadal, Adal ama awdal ninba si u yaqaan, maantoo oo aynu ka fara badan nahay oo aynu Kutub isku xukumaynin miyaanu dowlad dhexe isku hayn karnaa.

Dowlada Islaamka ee qaatay waxaa ka mid ah Pakistan i, Malaysia United Arab emirates oo ka kooban 7 Emirate , ma burbur bay ka qaadeen waa dalal qeybtood badan isku af ah,isku dhaqan ah, isku diin ah , laakinse ku heshiin waayay inay dowlad dhexe u taliso, waxay ahayeen maamulo yaryar oo ay u taliyaan hogaamiye qabiilkooda.

Dowladaha aan soo tilmaamey ma la oran karaa waa ay ku burbureen nidaamkaas federal ee ay qaateen? taas aynu is weydiino, haday ku burbureen aynu ka leexano hadayse ku baraareen aynu qaadano, Soomaali uma baahnno siyaasi rabo inuu umada iska heesto, yuusan ina hodmin mar dambe talo kusoo goynayaa .

Dalalka qaatay Federal System of Government

Argentina, Australia,Austria, Bosnia and Herzegovina, Belgium,Brazil,Comoros Canada, Ethiopia ,Germany, India, Iraq, Federated States of Micronesia, Nepal Nigeria, Malaysia,Pakistan,Russian Federation,Somalia,South Africa,South Sudan
Sudan,Saint Kitts and Nevis,Switzerland,United Arab Emirates,United States of America Venezuela.

FG: Maqaalkan waxaa na soo gaarsiiyey qoraaga hoos magaciisu ku xusan yahay, isaga ayaana ka masuul ah wixii aragti oo ku saabsan.

Abdifatah Hamud Mohamed
Örebro Sweden
Xaamid4@hotmail.com


Jaliyada Puntland ee Jarmalka oo ka tacsiyaynaysa geeridii Eng. Yasin Jamac (Magten)

$
0
0

Dhamaan Jaaliyada Puntland iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka, waxay si wada jir ah uga tacsiyaynayaan geeridii Allaha u naxariistee Eng. Yasin Jamac (Magten) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Bremen ee dalka Jarmalka.

Eng. Yasin Jamac (Magten)

Eng. Yasin Jamac (Magten)

Jaaliyada ayaa si gaar ula qaybsanaynaa muruga geerida Aabe Yasin, Marwo Fardoza Yasin Jamac Maagten, odaygeeda Mohamed Yusuf Nur-yare iyo caruurtooda, Fadumo Geesdheer, Hassan Yusuf Nur (Geesdheer), Eng. Saacid Yusuf Nur Gaasdheer, ehalada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Aabe Yasin, waxaana marxuumka illaah uga baryaynaa inuu janadii ka waraabiyo ehaladii uu ka tagayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Tacsida waxaa diraya oo dadka kala ah :-

Gudoomiyaha PDF Germany Eng. Mohamed Abdirahman Ali, Gudoomiye ku xigenka PDF Germany Eng.Mohamud Ahmednur (Karshe) iyo dhamaan xubnaha Jaaliyada Puntland ee dalka Jarmalka oo kala ah.

Gobolka Hamburg

1. Yusuf Ali Guul (Bucuf)

2. Hamdi Yusuf Hassan

3. Abdulqadir

Gobolka Bremen

4. Mohamed Sheekh Adan

5. Mohamed Isma’il Mohamed

6. Eng. Abdi Ali Ainab

7. Mohamed Yusuf Nur-yare

8. Fozia Mursal

9. Ahmed Adan Jibril

10. Roda Isma’il

11. Abdullahi Hayd

12. Mulki Mohamed Ali

13. Laila Ahmed Hassan (Fayax)

14. Lul Mohamed Bashir

15. Asha H. Ahmed (Duceeye)

16. Ali Farah (Figaro)

17. Sahra Mohamed

18. Mohamed Dhega-madow

19. Yasin Mohamud

Gobolada Hessen, Rheinland pfalz iyo Baden württemberg

20. Mohamed Abdulahi Abdi

21. Mohamed Kassem Salad (Shibis)

22. khadra farah yussuf

23. Mussa Kamal Jama

24. Dr. Abdigani Mohamed Mohamud

25. Suufi Abdi Hassan

26. Abdikadir Mohamed Ismail

27. Dr. Cali Mahad Farax Ismaciil

28. Xaaji Axmed Abdi Xabeeb

29. Khalid Mohamed Warsame

30. Rashiid Jama

31. Amed Farag Isse (AHMED GUREY)

32. Mohamed Abdi Salam

33. Hassan Osman

34. Mohamed Ali

35. Mohamed Ali Birig

36. C.Wali Adan Mohamed

37. Daahir C/Risaq Xuseyn

38. Hanad Yare

39. Hodon iyo Faadumo

40. Mahamed Ali N uur

41. Hajji Abshir Xaashi

42. Hajji Mohammed A. Ibrahim

43. Sahro Cabas Farax

44. Halima Omar

45. Eng. Abdiaziz M. Jaama

27. Dr. Sa’id A. Sa’id

46. Abdiaziz Ali Faadhig

47. Sa’diyo Abshir

48. Abaadir Nor

49. Mohamed Abdihakim Suldan Irbad

50. Ahmed Dalmar

51. Cumar Qaasim

52. Mohamoud Geele

53. Abdiwali Mohamoud Awil

54. Ali Dhuux

55. Ahmed Arab Mukhtaar

56. Abdifatah Abdullah

57. Khaled Isse

58. Khadra Osman

59. Ifrah Mohamed Hirsi

60. Abdulkader Aden

61. Yuusuf Hajji Abshir Xaashi

62. Yusra Hajji Abshir Xaashi

63. Mohamed Hajji Abshir Xaashi

64. Ayaan Hajji Abshir Xashi

65. Faadumo Maxamed Cisman (Famos)

66. Sacdiyo Saciid Bootaan

67. Luul Ciise Carab

68. Fadumo Mohamed

69. Sh.Ahmed Diinaash

Gobolka Bayer

70. Raqiya C/qafar Isma’il

71. Halimo Mohamoud Xirsi

72. Sahro Uun Laaye

73. Saytuun Omar Farah

74. Safayo Uun Laaye

75. Hibo Mire Adan

76. Maryan Salad Guul

77. Ayaan Ahmed Xirsi

78. Xabsa Ahmed Xirsi

79. Sahro Suldan Saciid

80. Barni Ahmed Dhoodi

81. Amio Abadulahi Geele

82. Siraad Cali Cige

83. Hodan Saciid

84. Laylo Abshir Weyrah

85. Sheikh Cilmi Ahmed Dhiice

86. Khalid Abukar Ahmed

87. Kooshin Osman Muse

88. Mohamed Mohamoud Farah

89. Ibrahim Abdulkadir

90. Abdukadir Mohamoud Ali (Sumaaye)

91. Fahad Nour Gelle

92. Ahmed Qardho

93. Faysal Ali Artan

94. Oday Muuse Abdalla

95. Ahmed Musse Esse

96. Osman Ali Ahmed

97. Abubakar Saleebaan Faarax

98. Mohamuud Abdulahi Mohad

99. Mohamuud Abdi Jamac

100. Xasan Shiikh Osman

101. Hassan Cadced Roble

102. Mohamed Said

103. Abdullahi Olad

104. Sheikh Aadan Diiriye Mulaaq

105. C/rashiid Jama Barre

Gobolka Nordrhein westfalen

106. Safi Jama Ahmed

107. Abdiwali Ali Nur

108. Sadia Ali Gureey

109. Yasmin Hashi Abdi

110. Fadumo Ali Barre

111. Zahra Hagi Abdalla

112. Asha Abshir Abdulle

113. Fadumo Muse Yusuf Kiin MJ

114. Waris Muuse Artan

115. Khadra Huseen Hassan

116. Jawaahir

117. Ahmed Abdulaahi (Tuli)

118. Abdisalaan

119. Abdirizaak Mohamed Hirsi

120. Khalid Mohamed Warsame

121. Kulmiye Boostaale

122. Abdulkadir Hagi Ali Abdulle (Dirir)

123. Yuusuf Ali Yuusuf

124. Cabdiqadir Maxamed Ismacil

125. Eng. Ahmed Musse Kalxoor

126. Muno Ahmed Ali Adan

127. Isniino Barre

128. Ali Farah

129. Fadumo Kilwe

130. Maxamu Garowe

Ergooyinkii Jubbooyinka oo la qaybsaday iyo hogaamiyaha Jubbaland State oo la dooranayo Talaadada (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Warar sugan oo ay Puntlandpost ay ka helayso guddaha magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose,  ayaa xaqiijinaya in  maanta la soo gaba-gabeeyey qaysiga Ergooyinka dooranaya hogaanka cusub ee Jubbaland State ee dooran doona Madaxweynaha,   deegaanada Jubbooyinka hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada oo la dooranayo Madaxweyne

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada oo la dooranayo Madaxweyne

Afhayeenka Guddoomiyaha  shir guddoonka Ergooyinka Jubbaland C/naasir Guure Faarax oo Puntlandpost khadka taleefanka kula soo xiriiray ayaa noo sheegay in maanta Beel walba loo xaqiijiyey inta ay yeelanayo ayna dhammaan ku wada qanceen, iyadoo maalinka Talaada oo ku beegan 14-/05/2013-ka la qorsheynayo in dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland State.

C/naasir Guure, oo aan wax ka weydiinay inay jireen wax caqabado ah oo la soo maray oo shirka curyaaminayey ama dib u dhac ku keenayey, ayaa sheegay in 1 maalina aysan jirin wax la isku khilaafay oo dhanka maamul u samaynta Jubbooyinka.

Dr. Cumar C/rashiid oo horay ahaan jiray Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya , haddana ah  Guddoomiyaha Xalinta Khilaafka ergooyinka oo IGAD ay u xilsaaratay ayaa guusha laga gaaray qaybsiga ergooyinka ku tilmaamay guul taariikhiya, lana gelayo doorasho maalmaha na soo haya.

Dhanka kale, Wafdi IGAD ka mid ah oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa la kulmay maamulka kumeel-gaarka ah iyo guddiga khilaafaadka Ergooyinka iyo ergooyinka mataley xubnaha la qaybiyey,  ayaa howsha Kismaayo ka socota ku bogaadiyey beelaha Soomaaliyeed ee halkaas ku shirsanaa , iyagoo ku dhiirageliyey inay gaba-gabada howshaan ay ku daalaan , si loo doorto hogaanka cusub ee Jubbaland oo la filayo in la doorto Talaadada soo socota.

Sikastaba, musharaxiinta intooda badan ayaa ku sugan guddaha magaalada Kismaayo, waxaana la sugayaan Prof. Gaandi oo ka mid ah musharaxiinta oo deg deg kusoo galaya guddaha magaalada Kismaayo, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya inuu Prof. Gaandi  u tanaasulay Sheekh Axmed Islaan (Madoobe), mase aha warkaasi mid banaanka weli usoo baxay.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland state

 

 

 

Ciidamo ka tirsan DF oo Baydhabo ku dagaalamey.

$
0
0

Baydhabo: (pp)- Labo ciidan oo ka wada tirsan DF ayaa ku dagaalamay Degmada Baydhabo ka dib markii sida la sheegey maamulka degmada baydhabo uu amar ku bixiyey in magaalada laga saaro ciidamo ka cabanayey mushahaar la,aan oo ka yimid furimo alshabab ay ku horfadhiyeen.

Labo qof ayaa ku dhintey dagaalka dhex marey ciidamada DF ee Baydhabo ku sugan , waxaana la sheegey in midkood labada ruux ee dhintey askari uu ahaa halka qofka kalena uu ahaa rayid, sidoo kale waxaa ku dhaawacmey iska hor,imaadka tiro dhowr kale ah.

Gudoomiyaha Baydhabo Xasan Macalin Axmed [Bikole] ayaa warbaahinta u sheegay maanta in ciidamada Milateriga ah ee ka imaanaya furmaha hore ee dagaalka ay kufsadeen haween fara badan, kuwaasoo ay ku jirto haweeney lahayd uur 6-bilood ah, taasoo ilmihii soo riday.

“Waxaan amar ku bixinay in ciidamadaas lala dagaalamo, waayo waxaan u adkeysan waynay dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waana taas mida aan kasoo horjeedno” ayuu yiri Bikole oo intaas ku daray inay san dagaalka joojinayn inta ay ciidamada imaanaya joojinayaan dhibaateynta shacabka.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa kacsan, iyadoo maamulka uu amar ku bixiyay in ciidamada soo galootiga ah ee cabanaya laga saaro magaalada, waxaana ciidamadaas ay kasoo horjeesteen amarkaas kasoo baxay maamulka degmada baydhabo.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Baydhabo.

Garoowe: TPEC iyo Ururada oo heshiis kala saxiixdey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Shir galinkii danbe ee maanta ka dhacay xarunta hay,adda Cilmi baarista PDRC ayaa waxaa ku kulmey Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland TPEC iyo Ururada Siyaasada Puntland.

7Kulanka labada dhinac ayaa lagu kala saxiixdey xeerarka iyo habdhaqanka doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

16Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Maxamed Xasan Bare oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey xeerka ay saxiixeen ururadu uu yahay mid cadeynaya habkii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ururada iyo Guddiga.

Siciid Faarax (Siciid Sanweyne) Gudoomiyaha Ururka UDAD oo ka hadlay kulanka ayaa sheegey in xeerkan uu saldhig u yahay in si cadaalad ah u dhacdo doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

Kulanka oo ahaa mid soconayay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey ayaa gabo gabadiisii ay ku heshiiyeen ururada iyo guddigu xeerka galabta ay wada saxiixeen.

Doorashada Goloyaasha deegaanka ee ururadu u tartamayaan ayaa horey guddiga doorashooyinku u shaaciyeen inay dhacayaan marka la gaaro 30 June 2013 .

Daawo Sawirada kulanka ka dhacay PDRC .

6 3 1 2 18 15 10 13 14 3Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

MINNESOTA: soo dhawaytii fiqi bashiir cabdile cusmaan ee Minnesota (sawiro iyo video)

$
0
0

Minnisota: (pp)-  Xaflad heer sare loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay Fiqi Bashiir Abdulle Osman oo ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Ramada Hotel international Airoport ee ku yaala Bloomington, Minnesota Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen oday dhaqameedyo ka kala socday beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, Aqoonyahano, Caaqilo, ardayda Jaamacadaha wax ka barta.

minesota1Xafladan oo… casho sharaf eheyd ayaa marxbeyn badan iyo soo dhaweyn ku dheehneyd hab dhaqan soomaaliyeed ayaa is weydaarsanayeen dadweynihii ka soo qeyb galay xafladan lagu soo dhaweynayay Fiqi Bashiir Cabdulle Cusman oo ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee loo igmaday inuu hogaamiyo ummadda uu ka soo jeedo ee Beeshiisa, Fiqiga oo aad looga sugayay Hoolka shirka lagu qabanayay ayaa markuu soo galay lagu soo dhaweeyay Sacab iyo sawaxan ku jiray Kalgacal iyo rayn reyn. Fiqiga marxabeyn ka dib goobtii loogu tala galay inuu ka fadhiisto madasha oo ay ku sugayeen oday dhaqameedyo ka wakiilo ah salaadiintooda ayaa fadhiistay, Intaa ka dib waxaa loo guda galay xafladii oo si qumaati u xiriiriayay aqoonyahano khibrad u leh habsami u socodsiinta shirka iyagoo kaalmo ka helayay aqoonyahano kale oo mashquulsnaa soo dhaweynta iyo shaashadda oo mar walba laga daalacanayay muuqaalo booqashooyin ah oo uu fiqigu ku soo maray adduunka dacaladiisa iyo shirar dhaqameedyo uu ka qeyb galay iyo Caleema saarkiisii.

minesota2Waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay wakiilo ka socday beelaha soomaaliyeed, taasoo ku tusaysa in soo madashaas ka madax bannaaneyd siyaasadda hadda ka jirta dalka soomaaliya . Waxaa hadalka ugu danbeyntii qaatay Fiqashiir Cabdulle Cusmaan oo halkaas mahad weyn uga celiyay dadkii soo dhaweyntiisa ka soo qeyb galay iyo dadkii soo qabanqaabiyay ee soo ajiibay fiqiga waxyaabo fara badan ka hadlay ayaa tilmaamay in ummadda soomaaliyee ay yihiin kuwo aan kala maarmeyn .

Isagoo mar xagga siyaasadd ka hadlayay ayuu sheegay in dowladda hadda jirta ee soomaaliyeed la taageero oo haddaan iska burburino aan ka soo bilaabi doono meel madhan ( Ground Zero ).

minesota4minesota5minesota6minesota7

Puntlandpost.com

Gen. Cadow, Puntland horay u socotaaye , ha’niyad jebin (Dar-daaran)

$
0
0

Waxaa maalinkii shalay halmar ka soo baxay Kanadalasa Soomaalida Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ka yaabiyey shacabweynaha Puntland, kaddib markii uu sheegay in Doorashada soo socoto lagu galo hab qabiil.

Gen. Cadde Muuse,

Gen. Cadde Muuse,

Lama yaqaan hadalkaasi waxa uu ulla jeedo madaxweynihii hore, waxaase loo qaatay inuu yahay  mashruuc aan la aqoon meesha laga soo abaabulay.

Sikastaba, hadalka ka soo yeeray Cadde Muuse wuxuu falaar wadnaha kaga taagan ku noqday shacabka Puntland ee ku nool Guddaha iyo Dibada, waqti shacabka Puntland ay sugayaan  in Puntland ay ka hirgasho doorashooyin looga baxayo hanaankii qabiilka, inshaa’alah waa laga baxayaa hanaanka qabiilka.

Waxaan kugu waaninayaa Gen. Cadde Muuse , oo aan leeyahay ” waxaad soo noqotay Madaxweynihii hore ee Puntland, isla markaana illaa hadda haysta Sumacad wanaagsan , ha noqonin ninkii Puntland oo jid wanaagsan ku socota oo Caalamka oo dhan laga taageerayo inaad kooxo wanaaga Puntland diidan aan u furto jid uu cadowgu ku farxo, Waxaan kaloo kugula talinayaa in Puntland ay maanta tahay Furuhii iyo Muraada Beesha Daarood , ee hadalkan naga nixiyey kaa soo baxyaye mid kale hanoogu darin”.

Jaalle Madaxweyne Gen. Cadde Muusow, dib u xasuuso in Puntland billo ka hor ay kuu baahnayd , waxaad ka soo degtay Boosaaso oo waxaad  shacabka Puntland u sheegtay inaad dhex dhexaadinayso Mucaaradka iyo dowlada , waxaad tagtay Boosaaso iyo Gaalkacyo inta u dhaxaysa  , meeshii la doonayey inaad shacabka Puntland aad u sheegto waxaad la soo kulantay , waxaad ka raacday Puntland Diyaarad adoo shacabka aan u sheegin waxaad la soo kulantay .

Illaahay mahadiis Puntland waa ka baxday walwalkii la qabay , waxaana shacabka Puntland taageereen dimoqraadiyada isla markaasna waxaa  Caalamka oo dhan Puntland looga bishaareeyey hanaanka dimoqradaiyada ee ay damacsan tahay, ma guushaas la gaaray ayaad doonaysaa inaad ka dhigto wax kama jiraan?? waa mid aan la qaadan karin.

Waxaan madaxweyne kugu waaninayaan, shacabka Puntland hogaamiye Qaran oo soo maray u noqo ama Boqor u noqo ama meel kale kaga toos, ee marnaba yeysan dhicin Puntland-ta Caalamka laga bartay , shacabkeeda ku dhiiran yihiin inay taageeraan, isla markaasna la xisaabtamaysa Cadowgeeda in la turaan-tureeyo.

Puntland waxay u baahan tahay ragg adag oo siyaasiyiin ah oo la xisaabtami kara cadowgeeda kan guddaha iyo kan dibada intaba.

Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa Gen . Cadow Meeshaan kaa filaayey kama aadan ka soo bixin…….!

Shacabka Puntland waxaan u rajaynayaa Guul , wixii dhibkooda wadana allaha ka qabto.

Maxamed Jaamac

Boston- USA

 

 

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

$
0
0

Alle ayey mahadoo dhan u sugnaatay, waxaan donayaa inaan maqaalkan kaga hadlo arimaha iyo siyaasadaha cusub ee ay wajahday Puntland, sida aan la soconaba Puntland tan iyo markii la asaasay 1998 waxay ku socotay wadada wax qaybsiga qabaailka iyadoo dhismihii Puntland ay balantu ahayd in dalka hanaankan wax qaybsiga beelaha lagaga gudbiyo muda dhan 3-sano gudaheed ah maadama nidaamkan uu yahay mid gaboobay oo aan ka shaqayn caalamkan aan maanta ku noolahay.

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

Dawladihii kala dambeeyey ee Puntland dhamaantood way ku guul daraysteen  inay dalka u gudbiyaan hanaanka dimuqradiyada iyo xisbiyada badan oo ay dadweynuhu si xor ah wax usoo doortaan loona soo doorto,  marka laga reebo Dawlada iminka talada dalka u haysa oo sanadihii u dambeeyey bilowday hirgelinta hanaankan, walow ay dadka reer Puntland kusoo caano maaleen nidaamkii hore ee wax qaybsiga qabaailka hadana waxaa  marqaati madoonta ah  oo ay reer puntland mudo dheer ku taamayeen in hanaankan qabiilka mar un laga gudbo.

Markii hanaankan lagaga dhawaaqay Puntland wuxuu la kulmay diidmooyin iyo dhaliilo isdaba jooga ah oo ay soo jeedinayaan qaar kamid ah siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland oo malahayga u maleeyey inaysan umadda ka gadmayn hadii uu dalku galo mar xalado doorashooyin xor ah, Iyagoo ka doorbiday inuu dalku kusii jiro wax qaybsigii beelaha maamada ay kaas u arkaan inay ku helayaan sad bursi iyo wax waqtigeedii laga soo gudbay hase ahaate ku dambaysa 80-jiradaan ku shaqeeya maskaxda daashay.

Ragaan ayaa qaarkood ku xadrayn jiray inuu dalku u baahan yahay hanaankan dimuqradiyada waxaase marag madoonto ah inuusan afkooda iyo uurkoodu meel wada jirin, uusana hadalkaasi dhaafsanayn bashimaha hore, Maadama markii maanta ay Puntland usoo bidhaantay wixii ay ku riyoonaayeen ay  bilaabeen inay caruur yar-yar iyo Haween u muuqday barakacayaal ay u qaybiyaan Lacago yar si ay Puntland qalalaase iyo kicin bulsho uga abuuraan gaar’ahaan Magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaaso, Waxaase ayaan daro iyo amakaag ila noqotay markii ay dhiiqadan lugaha lasoo galeen siyaasiyiin magac weyn ku leh Puntland, isla markaana kasoo qabtay xilal muhiim, waxaana naftayda waydiiyey tallow maxaa duqayda ka qaldamay, hadana waxaan eegay taariikhaha madow ee ay ragan ku leeyihiin Puntland.

Umadda Puntland waa inay danteeda garataa isla markaana raacdaa halkii u wanaagsan, isla markaana waana inay il-gaara ku eegtaa shaqsiyaad laga yaabo inay gacmo kale ku lug leeyihiin oo doonaya inay Puntland ka abuuraan qalalaase iyo shidooyin ay ka badbaaday  sanadihii badnaa ee ay Soomaliyada kale holcaysay.

Dawlada Puntland waa iany ka dhabaysaa qabashada doorashada Golyaasha degaanka ee la rajaynaayo inay dadka Puntland u dareeraan 30-ka June oo fooda ina kusoo haysa, waana inay Dawlada iyo Guddiga Doorashooyinku masuuliyad iska saaraan sidii ay Ururada siyaasada ugu wada qancin lahaayeen ka qaybgalka doorashadan isla markaana waa inay doorashadu noqotaa mid si xaq iyo xalaal ah u dhacda waayo waxay dad badan shaki ka qabaan in doorashada la musuq-maasuqo, sidoo kale waxaa loo baahan yahay ina shacabka laga gado hanaankan ku cusub hadii ay Dawladu siyaasadeeda shacabka ka iibin waydo hala ogaado cadawga Puntland ee tirada badan inuu suuqa soo galaayo, uuna siyaasadiisa Puntland nacaybka ah keenaayo gudaha Puntland, Waa xaqiiq wax kasta oo cusub inay wataan caqabadohooda iyo culyskooda waase in lagaga gudbaa isku duubni iyo isku kalsoonaan dhan walba ah.

 

W/Q: Mukhtaar Cabdi Faarax

Kampala, Uganda

E-mail: kaamil571@gmail.com

Tell: +256793636492


Musharaxiinta Jubbaland oo 3000$ ku gelaya Doorashada & Beelo weli ka cabanaya Ergooyinka la siiyey (Warbixin)

$
0
0

Waxaa la guddagalay wejiyadii ugu danbeeyey ee  shirka maamul usamaynta beelaha jubbooyinka iyadoo maalinkii shalay Beelaha Kablalaxa ee Absamaha iyo Hartiga faraha laga saaray ergooyinka ay xaqa u leeyihiin, iyadoo Beesha Hartiga 00 la siiyey 23 ergo ay saluugeen inta kusoo aaday, inkasta oo la sheegayo in loogu dari doono illaa 7 ergo oo la gaarsiinayo illaa 30 Ergo.

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada Ama Arbacada oo la dooranayo Madaxweyne

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada Ama Arbacada oo la dooranayo Madaxweyne

Cumar C/rashiid oo ah madaxda shir guddoonka ayaa ku qanciyey Beelaha Hartiga inay qaataan tirada la siiyey , maadaama ergada hadda la qaybsanayo aysan noqon doonin mid sii jiri doonta oo  mustaqbalka wax lagu qaysan doono  deegaan iyo tira-koob rasmi ah.

Beelaha Absamaha ayaa 100% ku qancay tirada la siiyey, waxaana Isla saaka Beelaha badankood ay bilaabeen inay gudbiyaan magacyada ergada rasmiga ah ee u codeynaysa madaxweynaha Jubbaland State oo lagu wado in la doorto Talaadada ama arbacada na soo haysa.

Beesha Mareexaan oo khilaaf dhixdooda ka jiro ayaa la sheegayaa inay hadda ay howshoodu ay gaba-gabo ku dhowdahay, waxaana shirguddoonku ay u qabteen in Beelaha dhiman maadaama loo qaybiyey ergooyinkooda in ay ku soo gudbiyaan liiska kama danbaysta ah Maalinka Isniinta ah.

Beelaha kale ayaa iayaguna si habsami ah ugu qanacsan qaybtooda la siiyey, kuwaas oo iyagana ku gudda-jira inay Ergooyinkooda Liiskooda  soo magacaabaan.

Dhanka kale , Musharaxiinta u tartamaya Jagada Madaxweynimada ayaa illaa hadda la shaaciyey in laga doonayo midkiiba illaa 3.000 oo Doolar, iyadoo musharxiinta qaarkood ay qabaan in laga dhigo illaa 2.000 oo doollar.

Sheekh Axmed Islaan(Madoobe) oo horay u ahaa  guddoomiyaha maamulka Kumeel-gaarka ah ayaa iska wareejiyey Xilkii uu horay u hayey,  maadaama uu sharaxan yahay Jagada Madaxweyninimada.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey , maadaama lagu jiro gaba.gabadii shirka maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo la rajaynayo in maamul waafaqsan sharciga federaalka uu ka soo baxo deegaanka Jubbooyinka.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State, Soomaaliya

 

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo ka hadlay barnaamijka Dalshis (Daawo- Video)

$
0
0

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Siciid Xuseen Ciid oo ka qayb galay shirkii maalgashiga Soomaaliya ee London lagu qabtay ayaa laga waraystay barnaamijka  Daldhis, isagoo aad uga hadlay waxa ay u taagan tahay rugta ganacsiga Puntland.

Saciid Xuseen Ciid

Saciid Xuseen Ciid

Daawo Video-ga

Puntlandpost.com

Bandhig buugeedkii 9aad oo ka furmay magaalada Helsinki (Sawiro)

$
0
0

Bandhig buugeedkii 9aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad.

DSCN0403Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada Helsinki.

IMG_1398Sanadkan waxaa qeyb libaax ka qaatay barnaamijkan furitaankiisa qoreyaasha Soomaalida hormuudka u ah lagana soo casuumay dalal kala duwan. Qoreyaasha ka soo qeybgalay sanadkan waxaa ka mid ah:-
1. Prof. Cabdalla Cumar Mansoor ahna khabiir ku takhasusay cilmiga afafka.
2. Dr. C/salaan Xaaji Max’ed
3. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
4. Dr. Max’ed Sheikh Xassan Nuur
5.C/casiis Cali Ibrahim “Xildhban”
6. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.

IMG_1396Bandhiggan waxaa furtay maamulaha guud ee maktabadda Helisinki oo gacmo furan bogaadin ku soo dhaweysay dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay barnaamijkan isla markaana si gaar ah ugu mahadcelisay, qoreyaashii ka kala yimid dalal kala duwan sida qaaradda waqooyiga America & dalalka Midowga Yurub.

IMG_1395Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max’ud Cali “JIIMI” oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.

IMG_1393Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka geysteen ururrada kala ah:- Finland – Somalia association, Helina Ruatavaara Museum & Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus.

IMG_1390Qoraaga Max’ed Sheikh Xassan oo ka hadlaayay xiritaanka kulanka maalinta 1aad ayaa carabaabay in sanadka soo socda uu ku beegan yahay sanadguuradii 10aad ee carwo buugeedka lagu daryeelo laguna kobciyo illaalinta Afka, Dhaqanka & Taariikhda Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagabeeyay in xuska sanadguurada 10aad noqon doonto munaasabaddii ugu meel ka ka baxsan Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna gacan
weyn ka geystaan xuskaasi.

IMG_1388Kulankan ka socda Helsinki wuxuu soo gabagaboobayaa maalinta berrito ee Sabtida, bandhiggan qeybtiisa 2aad waxaa lagu qaban doonaa maalinta Axadda taariikhduna tahay 12ka bisha May, 2013 magaalada TURKU. Ka soo qeybgal wacan.

Daawo Sawiro Kale

DSCN0382DSCN0381DSCN0379DSCN0374

 

Garoowe: Ururka UDAD oo Warsaxaafadeed kasoo saarey dhacdooyinkii Puntland ee todobaadka.

$
0
0

Garoowe: (pp)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah Ururada siyaasada Puntland ayaa looga hadley ilaa 8 qodob oo ku saabsan dhacdooyinkii Puntland ee todobaadkii lasoo dhaafey iyo Hanaanka Dimuqraadiyada Puntland.

Gudoomiyaha Ururka UDAD ee Puntland

Gudoomiyaha Ururka UDAD ee Puntland

Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada.

Qodobka ugu horeeyay ee warsaxaafadeedka ayaa dhaliil urur uu ugu soo jeediyey Xukuumada Puntland oo ay ku tilmaameen inay ku fashilantey bilihii lasoo dhaafey bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidanka, kuwaas oo uu ururku sheegey inay soo wajahdey duruufo dhaqaale oo saameyn ku yeeshay qoysaskooda.

“Waxaan aad u dareensanahay sababaha keenay kacdoonka ciidamada iyo shaqaalaha kaleba oo ay ugu horreyso daryeel la’aanta ku timid qoysaskooda iyo carruurtooda dugsiyada dhigata oo badankoodii la soo cayriyey marka iska bixin waayeen lacagihii”.

Ururka ayaa ugu baaqey Xukuumada Puntland inay si deg deg ah u bixiso xuquuqda mushahaarka ciidamada iyo shaqaalaha , islamarkaana ay daryeesho qoysaskooda,iyadoona uu ururku ku canaantey xukuumadu in ay ilaalin waydey ku dhaqmida madaxyada miisaaniyada ee umadda horay loogu dejiyey.

Banaanbaxyada shacabka.

Ururka UDAD ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan Banaanbaxyo si nabad galyo ah uga dhacay Qardho iyo Bosaso,oo Ururku ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwo shacabku ku muujinayeen tabashadooda siyaasadeed.

Waxaana lagu xusey qoraalka Ururka aragtida siyaasadeed ee UDAD uu ka qabo dhacdooyinkaasi” Waxaan aad u taageeraynaa bannaan baxyada sida nabadgelyada ah loo soo abaabuley ee ka dhacay magaalooyinka Qardho iyo Bossaso iyagoo ku cabbirayaa tabshadooda siyaasadeed ”

UDAD mar uu ka hadlayey kasoo laabashadii go,aankii horey ay u qaateen ee ay doorashooyinka golaha deegaanka ku diideen ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegey inay sabab u ahayd ururka oo door muhiim ah kasoo ciyaarey gufeynta dal daloolo uu lahaa xeerka doorashooyinka, kuwaas oo ay saldhig u ahaayeen qodobo ay ka mid yihiin helidda maxkamad dastuuri ah ka hor maalinta doorashada, samaynta guddiga ilaalinta habsami u socodka oo ah guddi awooddiisu sarrayso, iyo isticmaalka khadka laysarka oo aan tirmin iwmka, kuwaas oo hadda hirgalintooda la shaaciyey.

Doorashada Golaha Deegaanka iyo Nidaamka Qabiilka.

Ururka UDAD ayaa warka kasoo baxay waxa uu kaga hadley aragtida Ururka ee ku aadan Tartanka Goloyaasha Deegaanka ee Ururada siyaasada Puntland isu diyaarinayaan 15 maalmood ka dib, Iyadoona baaq arrintaasi ku aadan shacabka Puntland uu ururku usoo jeediyey.

“Waxaan dadweynaha reer Puntland ugu baaqaynaa inay doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda
xoog uga qaybgalaan, ayna ugu hiiliyaan codkooda isbeddelka dalku u baahan yahay” ayaa lagu
sheegey qoraalka kasoo baxay Xarunta dhexe ee Ururku ku leeyahay Garoowe.

Warsaxaafadeedka Ururka ayaa sidoo kale shacabka Puntland looga digey inay dib ugu noqdaan nidaamkii soo shaqeynayey laga soo bilaabo 1998-dii ilaa hadda, kaasi oo ay UDAD ku tilmaamtey inuu halis ku yahay horumarka Puntland.

“Waxaan u aragnaa nidaamka siyaasadeed ee ku dhisan habka qabiilku inuu halis ku yahay horumarka dalka, loona baahan yahay in loo gudbo habka dimoqraadiyaynta dhabta ah oo uu shacabku ku taamayey laga bilaabo 1998″

Dadka diidan Hanaanka Dimuqraadiyada.

Gabo gabadii Warsaxaafadeedka Urur Siyaasadeedka UDAD ayaa lagu sheegey in Ururku siyaasad ahaan u arko dadka kasoo horjeeda hirgalitaanka nidaamka Asxaabta kuwo doonaya inay qalaase ka abuuraan
wadanka ama raba inay cimri kororsi u sameeyaan xukuumada maamusha xilligan talada .

Iyadoona ay yiraahdeen sidan ” Waxaan u aragnaa inta diidan inay doorashooyinku ka dhacaan degaamadoodda inay si dadban ugu adeegayaan cimri kororsiga maamulka imminka jira, isbeddel la’aan iyo qalaalso siyaasadeed oo dad iyo dalba ku ragaado”

Warka kasoo baxay Gudoonka sarre ee Ururka UDAD ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii tagey bosaso ka dhaceen dhacdooyin ay ka mid yihiin gadood ciidanka qeybtiis kaga cabanayeen mushahaarkooda oo billo ka maqan iyo banaanbax aan sidaas u balaarneyn oo basaso iyo qardho ay ka dhigeen dad u badnaa dhalinyaro yar yar.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Wacyi galinta Waxbarashada Gabdhaha oo maanta Garoowe lagu qabtey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan ku saabsan wacyi galinta waxbarashada Gabdhaha ayaa maanta lagu qabtey xarunta Rugsan Square ee magaalada Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galeen qeybo kala duwan oo ka kala socdey, Hooyooyinka,IDPs-ka, Gabdhaha dhigta jaamacadaha, dugsiyada sarre, dhexe,hoose, Hay,adda Mercycorps,Gudoonka waxbarashada Gobolka iyo Guddiga gabdhaha waxbarashada ee Gobolka Nugaal.

3Kulanka oo socon doona hal maalin ayaa kasoo qeyb galayaasha lagu casumey loogu soo bandhigay wacyi galino ku saabsan ku dhiiri galinta hooyooyinka iyo gabdhahooda waxbarashada.

Maxamed Cali ku xigeenka Gudoonka waxbarashada

Maxamed Cali ku xigeenka Gudoonka waxbarashada

Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada Gobolka Nugaal Maxamed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa ku bogaadiyey gabdhaha inay wax bartaan islamarkaana waxa uu sharaxay faa,iidada gabadhu qoyska u leedahay hadii ay waxbarato, midaas oo uu ku micneeyey in uu la mid yahay ninkii gabadh waxbara nin qaran wax barey.

Faadumo Shukri

Faadumo Shukri

Faadumo Cabdi Xirsi (Faadumo Shukri) oo ka socotey xafiiska Wasaarada Waxbarashada u qaabilsan waxbarashada haweenka oo ka mid ahayd xubnihii kulanka ka hadlay ayaa baaq ku wajahan waxbarashada gabdhaha usoo jeedisay hooyooyinka oo ay ka dalbatey inay gabdhahooda usoo diraan goobaha wax lagu barto.

Faadumo waxay intaas ku dartey in ay jirto xilligan fursad haweenka u ogolaanaysa in waxbarashada laga caawiyo ,midaas oo codsi ay ugu jeedisay gabdhaha in ay u istaagaan sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen jaaniskaas.

4Ururka Waxbarashada Gabdhaha ee Gobolka Nugaal ayaa kulanka soo qaban qaabiyey waxana maal galinaysay Hay,adda Mercycorp oo kaashaneysa qeybta waxbarashada haweenka ee wasaarada waxbarashada Puntland.

C/risaaq Xuseen waxa uu ka mid yahay saraakiisha Hay,adda Mercycorp ee kulanka ka hadashey wuxuuna faahfaahin ka bixiyey aas aaskii Guddiga waxbarashada gabdhaha ee gobolka Nugaal oo uu sheegey in ay ku timid ka dib markii hay,adu aragtey doorka waxbarashada ee haweenka oo ku tilmaamey in ay tahay mid ka hooseysay tirada wiilasha ee wax ka barta iskuulada.

Abdirsaaq hay,adda Mersikoop

Abdirsaaq hay,adda Mercycorps

Wuxuuna sheegey C/risaaq in Guddigan Gabdhaha ee waxbarashada G,Nugaal uu ka caawin doono wacyi galino ku saabsan sidii ay u kor gabdhuhu ugu qaadi lahaayeen Aadista goobaha cilmiga.

“Hay,adda Mercycorps waxay horey u bilowday Barnaamij loogu magac darey Kalkaal oo ka shaqeeya ku dhiiri galinta dhalinyarada waxbarashada, kaasi oo ka caawiya waalidka in loogu gudbiyo fariimo ku saabsan sidii ay ubadkooda wax u bari lahaayeen, iskuulada ka caawiya sidii ay u sameysan lahaayeen nidaamyo ku dayasho leh oo kor u qaadaya tayada waxbarashada ” ayuu yiri Mr C/risaaq Xuseen.

Gabo gabadii sarkaalkan ka tirsan hay,adda Mercycorp waxa uu sheegey in kulanka wacyi galinta waxbarashada gabdhaha uusan ahayn mid lagu qabanayo Gobolka Nugaal oo kaliya , balse hay,adu rajeynayso inay ka qabato dhamaan Gobolada Puntland.

Daawo Sawiro kale oo ku saabsan kulanka.

DSCN5450 14 13 11 12 10 9 7 5 4 2 3 Hay,adda MersikoobNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Viewing all 1543 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>