Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

BUURTINLE: Maamulka cusub ee degmada Burtinle oo kulan wada-tashi ah la qaatay Qaybaha Bulshada (Sawiro)

$
0
0

Buurtinle: (pp)-  Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa wadatashi uu maamulkan cusub la yeelanayo qaybaha bulshada iyo soo bandhigida warbixin la xiriira mudadii koobnayd ee uu maamulka degmadan hayay.

DSC00573Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif oo shirkan furay ayaa sheegay in kulankani uu qayb ka yahay kulamo badan oo qaybaha bulshada ee degmada burtinle ay la yeelan doonaan kuwaas oo ay ku darsayaan xaalada degmada iyo baahiyaha kala duwan ee ka jira.

DSC00487DSC00490Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in kulankani manta ay fadhiyaan oo ay ku casuumeen Nabadoonada, Odayaasha, Waxgaradka, iyo Aqoonyahanka oo ay aad uga wada tashan doonaan horumarinta degmada iyo gacan siinta waxqabadka maamulka cusub ee degmada u qorshaysan.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif wuxuu sidoo kale xubnihii kulankan fadhiyay warbixin ka siiyay waxqabadka mudadii koobnayd ee ay maamulkiisu xilkan degmada hayeen, wuxuuna carabaabay in ay jiraan waxqabad fiican oo ay dhinacyada arrimaha bulshada ka muujiyeen durba.

DSC00498Dhinaca kale waxaa kulankan ka hadlay xubno farabadan oo ka mid ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradkii kale ee shirkan ka soo qaybgalay waxayna muujiyeen niyad samaan iyo wanaag ay la garab taagan yihiin maamulkan cusub ee degmada Burtinle loo doortay dhawaan.

DSC00510Xubnihii kulankan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Axmed Muumin Cumar, Nabadoon Maxamed Xasan Dhurwaa, Nabadoon Abdirashiid Axmed Jamac buux, Nabadoon Cabdullaahi Cabdulle Cilal iyo xubno kaloo farabadan waxayna maamulkan uga mahadceliyeen waxqabadka muuqda ee ay soo bandhigeen kuna talaabsadeen mudadii koobnayd ee ay xilkan hayeen.

DSC00529Xubnahan bulshada u hadlay waxay maamulka cusub u soo bandhigeen in ay jiraan baahiyo farabadan oo u baahan in wax laga qabto kuwaas oo asaas u ah horumarka degmada iyo nolosha bulshada, waxayna u muujiyeen taageero in ay la garab taagan yihiin mar walba si hanaanka horumarineed ee degmada uu la damacsan yahay u hirgalo.

DSC00552Shirkan oo saacado badan lagu lafa gurayay horumarinta degmada Burtinle iyo wadashaqaynta dhabta ah ee maamulka iyo bulshada ayaa waxaa soo gunaanaday guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif oo tilmaamay mar kale in uu aad ugu faraxsan yahay in bulshadu ay balan qaado washaqayntii ay uga baahnaayeen islamarkaana ay muujiyaan in ay diyaar u yihiin wax wada qaybsi iyo in laga wada qayb qaato horumarka degmada Burtinle.

DSC00560Kulankani wuxuu qayb ka yahay kulamo farabadan oo maamulka cusub ee degmada Burtinle uu kula tashanayo qaybaha bulshada, qayb walba oo bulshada ka mid ahna uu mar shir gaar ah la qaadanayo.

DSC00588DSC00614DSC00638DSC00641DSC00644

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles