Garowe(pp) Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa maanta Xarunta Ololaha Doorashadiisa ee Garowe ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), oo Booqasho ugu yimid.
Musharax Maxamed Cabdinuur iyo Kooxdiisa Olollaha Doorashada ayaa si diiran yu soo dhaweeyay Gen Cadde Muuse Xirsi, Waxayna Labada Masuul wada yeesheen Kulan Muddo Saacad ah socday oo ka dhacay Xafiiska Musharax Maxamed Cabdinuur.
Musharax Maxamed Cabdinuur oo ka hadlay ujeedada Kulanka uu la yeeshay Gen Cadde Muuse xirsi ayaa sheegay inay ka wada hadleen Doorashadda Madaxtinimo ee Puntland ee 8 January 2014 iyo in Doorashadu ku dhacdo si Nabad ah.
“ Madaxweynihii hore Cadde, Maanta ayuu booqasho noogu yimid, Waxaanu ka wadahadalnay Doorashadda Madaxtinimo ee Puntland ay si xor oo xalaal ah ay ku dhacdo, sidoo kale in si nabadgelyo ah ay ku dhacdo, islamarkaana lala shaqeeyo qofkii ku soo baxa Doorashada” ayuu yiri Maxamed Cabdinuur.
“ Cadde Muuse Waa Oday Soomaaliyeed,oo Reer Puntland, oo aan aqoon u leeyahay, Waxaanana Aamnisanahay in Door weyn oo muuqda uu ka qaatay Sidii ay Puntland uga dhici lahayd Doorasho Nabad ah” ayuu sii Raaciyay Musharax Maxamed Cabdinuur
Musharax Maxamed Cabdinuur iyo Gen Cadde Muuse Waa Markii Saddexaad ee Kulmaan tan iyo Markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo Doorashadda Madaxtinimada Puntland, Waxaana Markii u horraysay ay ku kulmeen Bishii December 2013 Magaaladda Bosaso.
Xafiiska Murashax Maxamed Cabdinuur
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe