Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Murashax Shire Xaaji Faarax oo hambalyeeyay hoggaamka cusub ee baarlamaanka Pl

$
0
0

Garowe(pp) Murashax Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah ragga ugu cad cad doorashada madaxtinimadda Puntland ayaa shir jaraa’id uu galabta ku qabtay hoygiisa waxa uu boggaadiyay gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo maanta la doortay.

Kan gudahaMurashax Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay inay tahay wax taariikhi ah arrinii maantey ka dhacday aqalka gollaha wakiiladda Puntland,ee lagu doortay gudoomiye iyo labo ku xigeen.

Mudane Shire ayaa ugu baaqay baarlamaanka cusub inay cadaalad iyo kalsooni ugu addeegaan shacabka ay mataleen,isla markasna looga fadhiyo 8-janaayo inay doortaan hoggaan wanaagsan.

Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland ayaa maanta afhayeenka baarlamaanka u doortay Wasiirkii hore ee wasaaradda xanaanadda xoolaha mudane Siciid Xasan Shire.

Murashaxiinta ayaa bilaabay dadaalka iyo loolanka ay ugu jiraan helitaanka kalsoonida baarlamaanka cusub.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles