Maalinimada beri (Sabti 4 Jan, 2014) ayaa lagu wadaa mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland inay u dareeraan doorashada Gudoomiyihii aqalkaas iyo Labadiisii ku xigeen jagooyinkaas oo ay u sharaxan yihiin mudanayaal dhowr ah .
Hadaba falanqayntan waxaan ku eegi doonaa Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah mudanayaasha u sharaxan jagada Gudoomiyaha isla markaana aad loo hadal hayo inuu ku guulaysto tartanka.
Waa rug cadaa siyaasi ah kana soo jeeda Gobolada Sanaag iyo Hayland horay wuxuu u ahaan jiray ganacsade dano dhaqaale ku leh wadamada Khaliijka iyo Gudaha Soomaaliya .
1999 Ayuu soo fuulay markii ugu horaysay masraxa siyaasada kadib markii uu mudane Baarlamaan ka noqday Dowladii Carta ee uu hogaanka u hayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti.
2004 ayuu markale Xildhibaan ka noqday Soomaaliya kadib markii lagu soo dhisay
Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaanka u hayey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Dalka Kenya jagadaas oo uu hayey tan iyo 2010 .
Wuxuu Wasiir iyo Wasiir ku xigeen ka soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee ay kala hogaaminayeen Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Cade.
Dhamaadkii 2008 ayuu ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxtinimada Puntland doorashadii Madaxtooyada ee Jan, 2009 waloow uu markii danbe ka tanaasulay tartankaas .
2010 Ayuu Madaxweynaha Puntland u magcaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada
Xoolaha jagadaas oo uu hayo ilaa iyo wakhtigan .
Ku haboonaantiisa Gudoomiyenimo.
Khibradiisa maamul iyo Shaqooyinkii baaxada lahaa ee uu ka soo qabtay deegaanada Puntland ayaa ka dhigaysa masuul ka soo dhalaali kara jagadaas culus hadii loo igmado.
Khibradiisa gaarka ah ee uu u leeyahay Dowlada dhexe ee Soomaaliya, Sida uu ugu warqabo oo mudooyin badan ugu soo dhex jiray, Khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo Dowlada Federaalka ee la xiriira Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah shaqooyinka Golaha Wakiilada ayaa macno weyn u yeelaysa in loo doorto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada .
Shire ayaa ah shakhsi ku suntan Waxqabad, dulqaad, dadaal, daacadnimo, hawl karnimo iyo cibaado diineed taas oo laf dhabar u ah astaamaha laga rabo masuulka u hanqal taagaya Afhayeenka Baarlamaanka maadaama loo baahan yahay inuu isku hogaamiyo aragtiyo kala duwan hagona Gole halbowle u ah Dowlada Puntland
W/Q Yuusuf Maxamed
Qoraa la socda Arrimaha Puntland.