Sida uu nasoo gaarsiiyay dhowaan maamulaha shabakadda halgan.net, shabakadda ayaa waxaa soo weeraray, waqti koobanna ay maamulkeeda la wareegeen dad aan la garaneyn, kuna faafiyay isla markiiba war been abuur ah oo ay ka faafiyeen jamaacada Al-Ictisaam bilkitaabi wassunnah.
Halget.net ayaa soo tabisay warkeedii ugu dambeeyay ee ay soo tabiso uu cinwaankiisu ahaa ” Raysulwasaaraha DFS oo booqday dekedda Kismaayo” Hadaba waxaa akhristayaasha halgan.net lagu wargalinayaa in wixii war ah oo kaa ka dambeeyay oo lagu faafiyay shabakadda uusan aheyn mid ka yimid halgan.net. Waxaa kale oo akhristayaahsa la ogeysiinayaa in maamulka iyo tifaftirayaasha halgan.net ay ku mashquulsan yihiin sidii ay cilladdaa u xallin lahaayeen, inta ka horreysana uu webku shaqadii hakiyay.
Shabakadda warbaahinta ee halgan.net ayaa ah shabakad islaami ah loogana bartay inasoo tabiso warar xaqiiqo ah iyo inay in badan soo gudbiso nashaadaadka dacwada ee ay wadaan culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku sugan.
Wixii kasoo kordha arrintaa waan idinla soo socodsiineynaa.
Maamulka Shabakada Halgan.net