Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Haweenka oo ka tashanaya marxaladda ay Puntland ku sugan tahay iyo muujinta doorkooda(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Haween ka kala yimi Gobaladda Puntland ayaa maanta shir labo maalmood socon doona waxay ku yeesheen magalada Garowe xarunta Puntland,kaasoo lagu wada dhamaadkiisa inay kasoo baxdo bayaan qodobaysay oo ay haweenku isku raacsan yihiin.

14
Qabsoomida kulankan ayaa salka ku haya sidii haweenka Puntland ay uga tashan lahaayeen arrimaha taagan iyo muujinta doorka ay ku lee yihiin bulshadda dhexdeeda,waxayna haweenku taageero hufan ka hellaan Daladda ay ku midaysan yihiin ururadda aan dowliga ahayn ee PUNSAA.

7Ugu horayntii kulanka waxaa ka hadashay Siciido Xuseen oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Haweenka ee Tallo-wadaag,waxayna sheegtay muhiimadda haweenku ay Garowe iskugu yimaadeen inay tahay inay muujiyeen doorkooda ku aadan arrimaha u baahan in dhex-dhaxaad lagu dhmeeyo iyo in la qiimeeyo haweenku bulshadda Soomaaliyeed halka ay kaga jiraan.

6Siciido ayaa sheegtay inay sidoo kale kulanka uga hadli doonaan baahiyadda haweenka sida dhanka siyaasadda iyo horumarka iyo sidii looga gudbi lahaa xaqabaddaha hormanka haweenka ka haysta.

12Gudoomiye ku xigeenka Daladda PUNSAA Cabdifutaax Maxamed Sugule ayaa sheegay inay muhiim tahay haweenka inay fursaddaha siyaasadda iyo horumarka ka qayb galiyeen Gabadhaha hadda soo baxaya ee aqoon yahamiinta ah si wadajir wax kasta lagu dhameeyo.
8Waxa uu sheegay haweenka Puntland laga soo bilaabi dhismaha mamulka Puntland inay door wanaagsan oo muuqda kasoo qaateen arrimaha hormarka,ammanka iyo xalinta khilaafaadka sidaasi darteedna haweenka Puntlnadda hada looga baahan yahay inay si hufan doorkooda u muujiyeen oo ay talo wanaagsan ku yeesheen go’aan gaarista arrimaha hadda Puntland ka socda.

 

 
Waxa uu sheegay PUNSAA inay xili kasta u taagan tahay ka shaqaynta horumarka iyo danaha guud,sidaasi darteedna haweenka kulankaan loo qabtay ay tahay sidii looga wadda arrisan lahaa ka qayb qaadashadda arrimaha siyaasadeeda.
10Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Puntland Saynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegtay inay muhiim tahay haweenka inay xili kasta dhexda u xirtaan sidii loogu dagaalami lahaa doorka ay siyaasadda iyo horumarka ku lee yihiin,waxayna sheegtay inaan hormarka haweenka iyo muujinta kaalintooda aysan fadhi ku imaan karin ee ay y baahan tahay in dadaal iyo shirar badan laga yeesho.

 
”Waxan Gabdhaha ku baraarujinayaa oo aan u sheegayaa inay u istaagaan xaaladda maanta taagan,wixii kaga haboona ay u qabtaan,si ay doorkooda u muujiyeen”.

 

 
Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegay haweenka Puntland inay yihiin laf dhabarka iyo horumarka ragga,sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga fogaado qabiilka iyo kala taageeridda ragga siyaasadda ku loolamaya.

11
Tiradda haweenka kulankaan kasoo baxay galay ayaa kor u dhaafaya kontan Dumar ah,waxana lagu wadaa maalinta barito ah in lasoo saaro bayaan ay haweenku ku cabirayaan doorka kaga aadan xaaladda taagan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>