Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Ururka SFS oo baaq kasoo saaray arrimaha doorashadda iyo ammaanka caasumadda

$
0
0

Baaq ka soo baxay ururka Somali Family Services

baaqAniga oo ku hadlaya magaca ururka SFS, boodhkeedda, shaqaaleheedda iyo dadka la ah saaxiibka waxaan halkan ka soo jeedinayaa baaq, baaqaas oo taabanaya meelo badan:

Waxaan ugu baaqaynaa dadka reer Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonidda, wanaaga iyo sidii looga hortigi lahaa dhibaato in ay keento doorashadda hada dhacaysa. Waxaan leenahay sakaaro malaha labo tun oo lakala qalo. Dadka reer Puntland waa qoys iyo qaraabo dhow oo aan u baahnayn in dhibaato dhex marto sabab kasta oo loo dhigo.

Dowladda waxaa looga fadhiyaa in ay qabato doorasho hufan, nadiif ah, masuuliyad ku dheehan-tahay. Dadka ay dowladdu u xilsaartay amniga waa in aysan ku tarkifalin awooda iyo shaqada loo dhiibay.

Musharaxiinta waxaan ugu baaqaynaa in ay muujiyaan masuuliyad oo ay ka fogaadaan dhamaan wixii keenaya fowdo iyo in ay ka shaqeeyaan xakameenta dadka iyaga la shaqeeya. Waa in ay ka waan-toobaan kicin dad si guud iyo mid gaar ah. Hadii dhib timaado maxaad maamulaysaan. Ayna ka fakaraan in aysan jirin cid ay maamuli doonaan hadii ay dhibaato ka shaqeeyaan.

Issimadda waxaan leenahay dadku idinka ayay dhankiina soo eegayaan ee muujiya kaalinta aad leedihiin idinkoo ka fogaanaya khilaaf dhaxdiinnaa soo gala. Markii ceelalayo heshiiso ayaa xoolo biyo cabaan.

Dadka doonaya xildhibaanadda waxaa looga baahan-yahay in aysan ka shaqayn dhibaato oo ay muujiyaan tanaasul badan oo aysan qabaa-illadda iyo isimmadda dhex dhigin waxaan horay u dhex ooli ijirin.

Beelaha waxaa ka saaran masuuliyad wayn in ay ilaaliyaan jiritaanka iyo xasiloonidda Puntland si loo dhowro nabadda iyo midnimada Puntland

Waxaan xasuusinayaa dhamaan dadka ku howlan siyaasadda in dadka ku dhaqan Puntland indho gaar ah ku eegayaan qof kasta oo ku xad gudba nabada iyo jiritaanka Puntland, isla markaasna aan looga haridoonin arinkaas.

Garowe waxaa iska leh dadka reer Puntland oo dhan. Qofkii ka sheegta ama kii aqbala in laga leeyahay Garowe waxaad ogaataan in labaduba ay yihiin dad garaadkoodu hooseeyo.

Ka shaqayta wanaaga, nabadda iyo xasiloonidda Puntland waxay waajib ku tahay qof kasta oo inaga mid ah. Ogaada qofkii dhib ka shaqeeya in ay isaga ku soo laabaynso.

Abdurashid Ali
Somali Family Services
Executive Director
abdurashid.ali@ussfs.org

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>