Garowe(pp) Hay’adda Haro oo ka mid ah hay’addaha ka shaqeeya arrimaha bulshadda iyo hormarintooda ayaa ka qayb qaadatay labadii waji ee lagu caawinayay qoysaskii ku cayroobay duufaantii ku dhufutay deegaano ka tirsan Puntland.
Hay’addaan oo meelo badan oo africo ah ka shaqaysa ayaa xarun wayn ku leh wadanka Maraykanka waxaana Gudoomiye ah Cali Xaaji Cabdinuur,wuxuna dhowaan deeq lacag ah oo xoolo loogu gaday qoysaskii cayroobay soo gaarsiiyay Culimadda howsha gurmadka gacanta ku haya,kuwaasoo isla markiiba u qaybiyay dadkii loogu talo galay oo ku sugnaa inta u dhaxaysa Dangorayo iyo Eyl.
Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adaasi Haro waxa uu ka qayb galay oo aqal Soomaali u dhisay Aaabe lix ciyaal ah iyo hooyadood ku waayay duufaantii dhacday,Aabahaasi ayaa loo guuriyay Gabar,waxana ka qayb galay culimadda Gobalka Nugaal iyo Gudoomiyaha Hay’adda Haro.
Inta uu gudoomiyaha Hay’adaasi Haro ku sugnaa Gobalka Nugaal waxa uu booqasho gaaban ku tagay iskuulka indhoolayaasha ee Albasar oo ku yaala magalada Garowe,halkaasoo uu mid mid u booqday kana waraystay heerka ay marayso waxbarashadooda iyo nolashada ay ku sugan yihiin siday tahay.
Gudoomiyaha Hay’adda Haro Cali Xaaji waxa uu socdaal booqasho ah ku tagay oo soo arkay Hooyo,cunug ay dhashay iyo aabaheed oo dhimirka ka xanuunsan kuna sugan duleedka tuulada Jalam ee Gobalka Nugaal,wuxuna umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay caawiyaan dadkooda xanuunsan ee u baahan in loo gurmado,allane waxa uu uga baryay inuu caafimaad wanaagsan siiyo,dadkaasi.
Cali Xaaji Cabdinuur waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii umadda Soomaaliyeed loo caawin lahaa.
Hay’adda Haro ayaa dhowaan ka furatay xafiis Puntland gaar ahaan magalada Garowe,xafiiskaasi oo ah mid ka shaqayn doono howlaha ay gacanta ku hayso Haro.