Qardho(pp) Beesha Muuse Saleeban(Ugaar Salleebaan) oo ka mid ah beelaha dega Gobalka Karkaar ee Puntland ayaa waxay sheegeen iyagoo isku duuban inuu baarlamaanka Puntland u matalayo Cabdicasiis Xuseen Maxamuud Yuusuf oo ku magac dheer Garagos.
Nabadoonada,aqoon-yahanka dhalinyaradda,haweenka iyo Isinka guud ee baasha ayaa isku raacay Garagos inuu yahay shaqsi u qalma xubinnimada Baarlamaanka,waxana nuqul qoraal ah oo lasoo gaarsiiyay Puntlandpost lagu faah faahiyay sifaha loosoo maray soo xulistiisa.
Suldaanka Beesha Ugaar Salleebaan Suldaan Cabdiqaadir Ciise Axmed Salaax oo Puntlandpost la hadlayay ayaa sheegay inuu aqoon-sadan xubin-nimadda ka dib markuu ay beesha isku wada raacday.
Xildhibaanka cusub ee beesha Ugaar Salleeban u matalaya Baarlamaanka Puntland ee 2014-ka ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilkaasi qaado,wuxuna sheegay inuu si cadaalad ah u gudan doono howlaha loo igmaday baarlamaanka.
Haddaba hoos ka akhriso habka Xildhibaanka loosoo magacaabay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe