Bosaso(PP): Inta lahubo shan ruux ayaa ku dhaawacmay hal qof oo kalena waa uu ku geeriyoday Bam Gacmeedkii caawa lagu weeraray hotelka Rooble ee bartamaha magaalada Boosaaso sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, oo lagaarsiyay dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kujira xeer ilaaliyaha maxkamada darajada kowaad ee gobalka Bari, Bashiir Ismaaciil Hoobalay, waxaana dhaawaca xeer ilaaliyaha la sheegay inuu yahay mid fudud.
Qofka dhintay ayaa ah haweenay goob ganacsi ku haysatay halka lagu weeraray Bam-Gacmeedka, waxaana dhaawac ahaan ay ugu nafbaxday gudaha Isbitaalka Boosaaso.
Weerarkaan qaraxa ah ee caawa kadhacay magaalada Boosaaso, ayaa imaanaya xili todobaad ka hor uu qarax ismiidamina kadhacay magaalada kaasi oo ay khasaare kasoo gaartay dad aad ufarabada.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso