Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Bosaso: Ciidanka Badda PL. oo soo bandhigay rag Burcad Badeeda oo ay gacanta kusoo dhigeen

$
0
0

Boosaaso(PP): Ciidanka Badda dowlada Puntland ayaa maanta saxaafada usoo bandhigay saddex nin oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo laguso qabtay xili ay isku dayayeen inay ku kacaan falal burcad badeednimo.

Hawlgalka ay ciidanku kusoo qabteen dhallinyaradni Burcad Badeeda ahi ayay kasameeyeen deegaanka Mareero oo dhanka Bari kaga beegan magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale lasoo bandhigay hub ka kooban saddex qori iyo saxiimad ay wateen.

vlcsnap-2013-12-10-05h41m54s205

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal C/risaaq Diiriye Faarax oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in ragani oo ay tiradoodu gaaraysay 7- nin ay afar kamid ah kabaxsadeen gacanta ciidanka ayna kudaba joogaan.

Taliyaha ayaa sheegay inay sharciga horgeyn doonaan dhalinarada loo haysto falalka Burcad Badeednimo ee ay gacanta kuhayaan, isagoona uga digay dhalinyarada inaysan ku dhaqaaqin falalka Buracad badeednimada.

Ciidanaka Badda Puntland ayaa mudadii ay jireen waxa ay guulo kasoo hoyeen hawlgalo ballaran oo lagula dagaalamayo burcad badeeda iyo jariifka sharacidarada ah ee loo gasyto xeebaha Pl.

vlcsnap-2013-12-10-05h40m48s67 vlcsnap-2013-12-10-05h41m10s27 vlcsnap-2013-12-10-05h41m23s164 vlcsnap-2013-12-10-05h41m41s93  vlcsnap-2013-12-10-05h42m09s115 vlcsnap-2013-12-10-05h42m25s235 vlcsnap-2013-12-10-05h42m38s119

 

Puntlandpost.com

xafiiska Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles