Garowe(pp) Wasaaradda haweenka dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda UNFPA ayaa hoolka shirarka PDRC Garowe kusoo gunaanuday 16-ka bari ee ku aadan joojinta shaqaaqooyinka haweenka ay la kulmaan iyo waliba ka qayb galinta haweenka dhinacyadda siyaasadda.
Kulanka waxaa kasoo qayb gay wasiiro,UNFPA.haween iyo dadwayne kale waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo diirradda lagu saarayay sidii bulshada inteeda kale ay uga qayb gali lahayd joojinta tacadiyada haweenka sida gaarka ah loogu gaysto iyo in loogu qareemo helitaanka doorka ay ku lee yihiin hoggaaminta dalka.
Ugu horayntii wasiir ku xigeenka Haweenka Caasho Maxamuud ayaa sheegtay barnaamijyo kala duwan oo ku aadan joojinta dhibaatooyinka haweenka,doorka haweenka ee nabadda iyo siyaasada inay soo bilaabeen 25-ka bishii hore ayna ku eg tahay maanta oo ay tiiriikhdu ku beegan tahay 10-Dicember,sababta loo qabtayna ay tahay sidii wacyi galinta doorka haweenka kor loogu qaadi lahaa isla markasna looga fekeri lahaa haweenka in laga joojiyo dhibka ay la kulmaan oo ay ka mid tahay kufsiya iyo dilalka.
Wasiirka Haweenka Xaliimo Xaaji Xasan ayaa sheegtay inay muhiim tahay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka Dumarka Soomaaliyeed loo gaysto,loogana qayb galin lahaa go’aamadda iyo hoggaaminta wadanka,waxay hadalkeeda ku dartay inay xili kasta u taagan yihiin sidii loogu qareemi lahaa haweenka Puntland.
Xaliimo Xaaji ayaa ka dayrisay kufsiga iyo dilalka haweeka loogu gaysto dhulka miyiga iyo xeyaha barakacayaasha,waxayna ku baaqday in Haweenka dilka laga daayo.
Madaxa UNFPA ee Puntland ayaa dhankiisa sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in si wadajir ah looga hortago tacadiga iyo jinsiga haweenka,16-ka bari ee arrimahaasi looga hadlanaya ay taageersan yihiin.
Waxa uu sidoo kale masuulkaasi sheegay inay muhiim tahay sidii haweenka loo muujin lahaa doorkooda hoggaamineed iyo mideeda kale ee nabadgalyo.
Wasaradda Haweenka Puntland ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii haweenka doorkooda kor loogu qaadi lahaa isla markasna xili kasta looga fekeri lahaa in la xushmeeyo.
Maanta waxay ku beegan tahay xuska -20 guuraaki Shirki Caalamiga ahaa ee Xuquuqal Insaanka oo ka dhacay Vienna,waxana looga hadlaa xaquuqda uu qofku lee yahay iyo sida loo ilaalin karo.