Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Hoggaamiyihii hore ee Konfur Africa Nelson Mandela oo Xalay geeriyooday

$
0
0

Hoggamiyihii hore ee soo halgamay ee wadanka Konfur Africa  Nelson Mandela ayaa xalay saqdii dhexe geeriyooday,ka dib mudo saddex bilood ah oo uu xanuun la daalaadhacayay.

MandelaMadaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa shaaciyay geerida Mandela oo 95 sanno jir ahaa islamarkaasina dalka hogaamiyay marxaladii KMG ahayd ee Cadaanta tirda yar awooda ay kala wareegayeen Madowga tirada badan ka dib 27 uu ku qaatay xabsi.

Gurigiisa ayuu ku qaadanayay daryeel caafimaad oo joogto ah ka dib saddex bilood uu ku galay Isbitalka.

Zuma oo Telefishinka Qaranka ka hadlay ayaa sheegay in Mandela si nabadgelyo ah uu ku baxay isagoona raacshay in shacbkiisu khasaaray midkii ugu waynaa caruurta Koonfurta Afrika uguna qadarinta badnaa.

Mandela oo horey ugu guulaystay abaalmarinta Nabada ee Nobel Prize ayaa ugu yeeray dadkiisa inay heshiiyaan oo midoobaan ka gadaal markii laga saaray meesha nidaamkii Midab sooca ee ka jiray Koonfur Afrika.

Badi laguma arag Mandela banaanada tan iyo markii uu iska casilay noloshada siyaasadeed 2004.

Madaxweyne Zuma waxa uu ku dhawaaqay in aas qaran loo samayn doono Nelson Mandela, waxana lagu wadaa inay ka soo qaybglaan madax caalamka ka socota iyo Afrikanba.

Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron oo ka hadlay geerida Mandela ayaa ku sifeeyay in dunida uu ka tagay ilays iftiin badan.

 
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>