Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:gollaha wasiiradda Puntland oo ansixiyay xeerka saxaafadda(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Gollaha wasiiradda dowladda Puntland ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa waxay ku ansixiyeen labo xeer oo kala ah xeerka faya-dhowrka caafimaadka deegaanada iyo xeerka saxaafadda iyo waliba  arrintii ka dhacday demada Taleex ee Gobalka Sool.

6Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa shir gudoominayay waxaana ku weheliyay ku xigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ka war bixiyay xaalada degmada Taleex iyo siday wax u dhaceen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac oo saxaafada la hadlay shirka ka dib ayaa sheegay arrimaha ugu muhiimsan ee shirka inuu ahaa ka hadalka dhacdadii Taleex iyo ansixinta labo xeer oo gollaha la horkeenay,wuxuna sheegay in maanta wasiiradda ay meel mariyeen sharciga fayo-dhowrka caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caafimaadka.

IMG_8956Axmed Shiikh Jaamac ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay sidoo kale gollaha inay ansixiyeen xeerka saxaafadda Puntland oo noqday xeerka kaliya ee aan lagu muran sanayn,si kumeel gaar ahna ay saxaafada ugu sii shaqayn doonan inta fadhiga baarlamanka cusub uu qabsoomayo.

Xeerka saxaafada Puntland oo saddex marxaladood soo maray ayuu sheegay wasiirka warfaafinta inuu yahay mid ay wada diyaariyeen ururka suxufiyiinta MAP iyo wasaradda warfaafinta,isla markasna uu yahay mid lagu wada qanacsan yahay.

”Xeerka saxafadda ee maanta la ansixiyay saxafadda Puntland way kusii shaqayn doontaa maadama ay nagu soo food lee dahay doorashadda madaxtinimadda loona baahan yahay xeer u dhaxeeya dowladda iyo warbaahinta,waana mid labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin”.

Ugu danbayntii wasiirku waxa uu sheegay dowladda inay ku mashquulsan tahay sidii loosoo afjari lahaa colaada ka taagan degmada Taleex ,ayna soo dhawaynayaan dhinacyadda hada ku howlan xalinta dhibaatadii dhacday.

Dowladda Puntland oo war-qoraal ah mar sii horaysay kasoo saartay dagaalkii Taleex ka dhacay ayaa ku sheegtay in ciidanka dowladdu ay soo weerareen kooxu hubaysan,balse ciidanku ay iska-caabiyeen.

3 4

8 7 5 3 2

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>