Boosaaso(PP): Dr. Shire Xaaji Faarax oo todobaadkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland oo kulamo kala duwan la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa galabta Booqdey jaamacadaha ku yaala magaalada Bosaso.
Musharaxa iyo wafdi ballaran oo uu hogaaminayay ayaa booqashadiisa ka bilaabey jaamacada Muqdisho Faraceeda magaalada Bosaso,halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda Jaamacada oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso Pro. Aadan Axmed Xusseen Xeerow iyo madaxkale.
Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa warbixin uu ka dhageystey Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso Aadan Xeerow isagoo uga warbixiyey xiligii la asaasey Jaamacada iyo hanaan socodka jaamacada iyo kulliyadaha ay ka kooban tahey jaamacadu.
Dr Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa uu kormeerey fasalada jaamacada Muqdisho,halkaasi oo uu kula Hadley ardeyda wax ka barata jaamacada.
Musharax Madaxweyne Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimi jaamacada isla markaana waxa uu balan qaadey inuu hormarinayo waxbarashada hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland.
‘’Annigu ma ihi nin Ciidana wax ka yaqaan Mihnadaydu waa Waxbaarshada,waxaan hormarinayaa Waxbaarshada,wadanka Turkiga dadkiisa boqolkiiba Konton wuxuu galiyayb Waxbarashada,Xukuumada hadda jirta waxay Waxbarashada siisay boqolkiiba labo,annigu waxbarsahda waan hormarinayaa haddii la ii doorto jagada Madaxnimada Puntland’’Ayuu yiri Shire Xaaji Faarax.
Faysal Xawar oo ah Madaxa ololaha Doorashada Musharax Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in qiimo wayn ay leedahay Waxbaarshada,sidaa darteed ay muhiim tahay in Ardaydu ay ka digtoonadan inay Tahriiban.
Maxamed Siciid Cumar Kaashawiito oo ka mid ahaa Aqoonyahanka la socday Musharaxa ayaa Ardayda ku dhiiri galiyay Ardayda inay hormariyaan Waxbaarshadooda.
Intii uu ku jiray Musharaxu booqashada uu ku marayay Jaamacadaha ayaa wuxuu booqasho ku tagay Jaamacada Bosaso,haalkaasi oo si wayn loogu soo dhoweeyay,wuxuuna Warbixin ka dhagaystay maamulka Jaamacada Bosaso,oo ay ka siiyeen warbixin dhameystiren oo ay kamid aheyd heerarkii ay soo martey.
Booqashadiisa ayaa Musharuxu uu kusoo afmeeray Jaamacada Bariga Afrika oo ka mid ah Jaamacadaha ugu miisaanka wayn deeganada Puntland,halkaasi oo ardayda kula tukaday Salaada Maqrib.
Musharax Shire Xaaji Faarax todobaadkii hore soo gaaray Bosaso ayaa noqonaya Musharixii ugu horeeyay oo si wayn loogu soo dhoweeyay Bosaso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso