Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Mudane C/risaaq maxamed Dirir ayaa kusii jeeda MALE, Maldives, si loogu Wareejiyo Dhalinyaro 40-meeyo ah.

$
0
0

Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Puntland Mudane C/risaaq maxamed Dirir ayaa kusii jeeda MALE, Maldives oo ay ku xiranyihiin dhallinyaro Soomaali ah oo gaaraya 40.

DucaysaneAgaasimaha ayaa sheegay in dhalintaasi  qaarkood ay xirnaayeen illaa iyo 2009. Wuxuu kaloo yiri ” Haddii Rabbi raalli ka noqdo, dhallintaas waa la soo deyndoonaa, waana aan soo kaxayn doonaa, waxayna ka soo degi doonaan Puntland” .

Agaasimaha ayaa Berri Subax oo Axad ah 8eeda , ka degi doonaa Male, Maldives, isagoo  markiiba u gudbi doonaa xabsiga ay ku xiran yihiin dhallintu,  si uuu soo booqdo, uguna wargaliyo safarkooda Soomaliya loo celin doon.

Agaasimaha ayaa Puntlandpost u sheegay in Dhallinyaradaas aan loo haysan inay burcad ahaayeen ee  loo haystey inay  kalluumaysato dalka sharci darro ku soo gashay ay ahaayeen.

Ducaysane ayaa sheegay in farxad weyn ay tahay in dhallintaasi ay xor yihiin marka uu u tago, haddii dalkii ay tagaana aysan mar danbe arki doonin Wax Xarig ah.

Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Mudane C/risaaq Axmed Dirir ayaa sheegay in aysan ahayn  markii ugu horrewysey ee uu  soo  booqdo dhallintan, hadda ka hor bishii Novemeber ee 2011  ayuu agaasimuhu booqday.

Puntland ayaa loo aqoonsan yahay deegaanka kaliya ee Soomaaliyeed oo si wanaagsan ulla dagaalamay burcad badeedka , isla markaana marar badan lagu soo wareejisay dhalinyaro soomaaliyeed oo ku caddibnaa Xabsiyada Afrika iyo Aasiya.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles