Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa markii ugu horaysay ka hadlay saamaynta uu qoysaska Magalada Jowhar u gaystay Wabiga Shabelle,wuxuna sheegay inay aad uga xun yihiin xaalada murugsan ee ay qoysasku ku jiraan.
Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed ayaa ka war bixiyay galabta xili uu waraysi siinayay BBC xaalada ay ku sugan yihiin qoysaskii ay saamaynta kasoo gaartay roobabkii duufaanta watay ee labo todobaad ka hor ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal,waxa uu sheegay Farole roobabkaasi inay saamayn ku yeesheen ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka maadama ay go’day wadadii muhiimka ahayd ee isku xiri jirtay Garowe iyo Bosaaso.
Waxa uu ka mahad celiyay gurmadka ay dowladdaha Itoobiya iyo Jabuuti u fidiyeen qoysaska cayroobay,kuwaasoo si deg deg ah uga jawabay qaylo dhaan Puntland ka timi.
Madaxwaynaha ayaa hadalkiisa ku daray inay wali ku guda jiraan sidii loo samata bixin lahaa qoysaska cayroobay,maadama dadka ku nool magaalooyinka ay ku tiirsan yihiin tacabka miyiga.
Dowladda federaalka ah ee Somalia oo dada tabaalaysan hal malyan ugu deeqday ayaan wali soo gaarsiin dhaqaalahaasi Puntland,lama yaqaan sababta ay ilaa iyo xiligaasi uga dhabayn wayday gurmadka ay fidisay.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe