Baran(pp) Wafdi uu hoggaaminayo musharax Cali Xaaji Warsame ayaa maanta gaaray magalada baran xarunta Gobalka Sanaag,halkaasoo oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Nabadoono,waxgarad iyo shacab aad u tiro badan oo watay caleemo qooyan.
Kulan qado sharaf ah ayaa Cali Xaaji iyo ragga la socda loogu sameeyay aqalka Suldaan Siciid Suldaan Cabdilaan Suldaan Maxamed Cali Shire,waxana kasoo qayb galay dad magac ku leh degmada iyo guud ahaan Gobalka Sool.
Socdaalka uu Cali Xaaji maanta ku tagay magalada Baran ayaa qayb ka ah Olalihiisa ku aadan doorashada madaxtinimadda Puntland,waxana lagu wadaa inuu sidaan oo kale socdaalo ku tago deeganada kale ee Puntland.
Puntlandpost.com
Baran/Sanaag