Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Sharjah: Jaaliyadda Imaaraatka oo Xaflad taagero iyo sagootin ah u sameeyey Musharrax Dr Shire Xaaji Faarax (Sawiro).

$
0
0

Sharjah, UAE: Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Imaaraatka Carabta ayaa caaway xaflad isugu jirta Taageero iyo Sagootin ugu sameeyey Hotelka Hilton ee Magaalada Shaariqa Musharrax Shire Xaaji Faarax oo u taagan Xilka madaxtinimada Puntland doorashada dhacaysa horraanta sannadka 2014. Xafladdan oo ahayd xafladii ugu ballaarnayd ee abid loo sameeyey musharax madaxweyne ayaa waxaa ka soo qayb galey soomaali fara badan oo ka soo jeedda dhamaan gobolada Soomaaliya.

unnamed (26)Dadweynihii isugu yimid munasabada oo isgu jirey Ganacsato,Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, iyo Wax-garad ayaa waxay ku soo bandhigeen munaasadda sagootinta aqoonta ay u leeyihiin Musharax  Shire Xaaji Faarax oo isagu muddo ka mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraatka oo uu ka ahaa ganacsade aad looga yaqaan dalka imaaraatka Carabta iyo guud ahaan soomaaliya oo dhan.

Siyaasi Siciid Warmajaale oo ugu horreyna ka Hadley munaasabbada ayaa aad ugu dheeraadey aqoonta uu u leeyahay Musharrax Shire Xaaji Faarax isagoo sheegey in 6 bilood ka hor mar ay ku kulmeen Musharaxa dalkan Imaaraaka uu usoo jeediyey in uu u tartamo xilka madaxtinimada Puntland, maanteyna buu yiri hadii Shire Xaaji Faarax  is sharraxay ayna  tahay guul usoo hoyatey dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo u rajeeyey in ilaahay ku guuleeyo damaciisa madaxnimo ayna Puntland manta u baahantahey xiligii loo baahnaana uu isa sharaxey.

unnamed (27)Aqoonyahan Eng, Faysal Axmed Yusuf (Xawar) oo ka mid ah ganacsatada iyo aqoonyahanada Imaaraatka ayaa sheegey in Musharrax Shire Xaaji Faarax ay in muddo ah soo wada shaqeeyeen, isla markaana ku tilmaamey shaqsiga ugu habboon ee maanta Puntalnd u baahantahay, isagoo xusey in ay dan wayn u tahay dadka soomaaliyeed oo dhan haddii Shire Xaaji Faarax ku soo baxo doorashooyinka soo Socda,maadaama uu yahay nin maanta meesha ay Puntland joogto kor uga sii qaadi kara shacabka soomaaliyeed oo dhana ay ku wada faa’iidi doonaan.

unnamed (28)Aqoonyahan Eng, Maxamuud Axmed Xasan (Dhegawayne) oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka Hadley munaasabadda ayaa sheegey in uu ku kalsoonyahay aqoonta, kartida iyo waayo aragnimada Shire Xaaji Faarax isla markaana aaminsanyahay in maanta reer Puntland ay u baahanyihiin hogaamiye keena is-beddel ku salaysan isku-wadida dadka Puntland Shire  Xaajina yahay shaqsiga ku sifoobay isu keenidda dadka walaalaha ah ee reer Puntland,maadaama uu ku caanbaxey inuu dad isku keeno.

Aqoonyahan Dr. Asad Sheekh Abdullahi ayaa isaguna hadal dheer ka jeediyey madasha, waxa uu ku dheeraadey aqoonta uu u leeyahay Musharrax Shire Xaaji Faarax oo ay is yaqaaneen ilaa muddo ku siman 35 sano oo ay wada ahaayeen reer Imaaraat, isla markaana ku tilmaamey Musharraxa in uu yahay shaqsi sumcad wanaagsan ku leh bulshada dhexdeeda, isla markaana ah shaqsi ganacsade ah oo aan u harraad qabin in uu ka xoogsado Puntland ee uu keliya dadka Puntland gaarsiinayo horumar ballaaran marba hadii uu tii gaarka ahayd ee ganacsiga guul ka  gaarey.

unnamed (29)Ganacsade Cabdi Cali oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegey in Shire Xaaji Faarax uusan u ahayn musharrax reer Puntland oo keliya balse soomaliada oo dhan ay u hayaan sumcad isla markaana uu ku rajo waynayahay in guusha shire ka gaaro Madaxtinimada Puntland ay tahay guul u soo hoyatey soomaalida oo dhan
maadaama shire yahay shaqsi ay si wayn ugu wayntahay soomaalinimadu,iskuna keeni kara isagoo reer Puntland kula dardaarmey in ay maanta fursad u haystaa Dr Shire Xaaji Faarax loona baahan yahay in reer Puntland ay ka  faa’iideystaan,isagoo sidoo kale xildhibaanada Cusubna ugu baaqey in aysan shacabka Puntland dhaafinin fursadaan uu
maanta isku soo sharaxey Dr Shire  Xaaji Faarax.

Ganacsato Sahra Sheekh Cabdullahi oo ka mid ah dumarka ganacsatada ah ee aadka looga yaqaan Imaaraatka ayaa ku dheeraatey sida ay ugu faraxsanatahay in Mushararx Shire yahay shaqsi isku darsadey dhamaan tayooyinka laga rabo hogaamiyaha, waxayna soomaalida imaaraatka oo dhan ugu baaqdey in shire lagutaageero in uu noqdo madaxweynaha
Puntalnd sanadka 2014.

unnamed (30)Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadashey Ganacsato Dhuux Nuur Jaamac oo soo bandhigtey suugaan ay ugu ducaynayso Musharraxa, iyadoo sidoo kale kaftan dheer ka dib sheegtey in Musharrax Shire Xaaji Faarax uu istaahilo xilka madaxweynaha Puntland, iyadoo ilaahay uga rajaysey in uu ku guuleeyo.

Suldaan Axmed Maaldiini ayaa isaguna ka sheekeeyey sida ay muhiim u tahay minimada dadka Soomaaliyeed, isla markaana sheegey in uu ku kalsoonayahy in Musharax shire yahay musharax ku habboon in la doorto.

Aqoonyahanka caanka ah isla markaana ah ganacsade Dr. Cabdi Xakiim Axmed Xaashi oo isla caawa yimid imaaraatka Carabta si uu uga qayb galo munaasabadda ayaa isganu sidoo kale ku dheeraadey in aqoonta uu u  leeyahay shire darteed uu aaminsanyahay in dadka Puntland ay heleen hogaamiyaha qura ee maanta ay u baahanyihiin, isagoo  ku dheeraadey shuruudaha laga rabo hogaamiye kasta, iyo sida shire u buuxin karo dhamaan shuruudahaas, waxa uu ugu damayn u rajeeyey musharrax guul.

unnamed (31)Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland C/samad Abwaan oo isna ka Hadley ayaa sheegey in loo baahan yahay doorasho xalaal ah ay dhacdo amaankana si weyn loo adkeeyo isagoo taageero weyna u muujiyey musharax oo uu sheegey in uu yahay nin maanta Puntland ay u baahan tahey.

unnamed (32)Sakariye Maxamed Isticmaar oo ah nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii meesha ka Hadley ayaa sidoo kale musharrax ku tilmaamey nin miisaan culus dadka Puntland-na aad u hadal hayaan ayaa u rajeeyey musharax guul iyo in ilaahay la garab galo tartankiisa.

unnamed (33)Ugu damayntii waxaa soo afjaray hadaladii madasha Safiirada Soomaaliya u fadhida dalka India Embasaddor Murwo Ebyan Maxamed Saalax (Ladane) ayaa sheegtey in ay aad ugu faraxsantahay is sharraxida Shire Xaaji Faarax waxayna sidoo kale ku tilmaamntey Musharax Shire in uu yahay nin caqli badan oo si mug wayn uga soo bixi kara hogaaminta Puntland,ugu damayntiina waxay makaroofoonka ku soo dhoweeysey Musharrax Shire Xaaji Faarax.

unnamed (34)Musharrax Shire Xaaji Faarax waxa uu ku dheeraadey sida uu ugu faraxsanyahay taageerada iyo sagootinta ay u sameeyeen jaaliyadda reer Imaaraat oo uu sheegey in aysan la mid aheyn jaaliyadaha kale oo ay dheeryiihiin dadaalkii u gurmadka dadka soomaaliyeed iyo weliba iyagoo ka shaqeeyey isku xirka xiriika ganacsiga Imaaraatka iyo Soomaaliya.

Musharax Shire xaaji Faarax waxa uu dadkii taageerayey hortooda ka cadeeyey in uu yahay shaqsi u baahan in uu horumar la taaban karo gaarsiiyo dhulkiisa iyo dadkiisa Puntland, isla markaana hadii uu ku guulaysto uu xoogga saarayo in Puntland noqoto meel aad u nabdoon,isla markaana dadkeenu midaysanyahay oo isku dubanyahay.

Musharrax ayaa sidoo kale ballan qaadey in uu noqon doono hogaamiye dadka dhagaysta albaabkiisuna u faranyahay qof kasta, waxa uuna si cod dheer ah u codsadey in la taageero.

Isku soo wada duuboo munaasabadan caawa loo qabtey Musharrax Shire Xaaji Faarax oo u taagan Madaxtinimada Puntland ayaa ahayd munaasaba si wayn loo soo agaasimey isla markaana ahayd mid aad u ballaaran oo aan horey loogu qaban dalkan isu tagga imaaraatka carabta.

unnamed (35)Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ayaamahanba waxaa ka socotey qabqaabada soo dhaweyntiisa oo la filayo in uu asbuucan gudihiisa ku soo gaaro Boosaaso,maadaama uu soo dhameystey safaradiisii oo in mudo ahba uu ku soo marey dalalka Geeska Afrika.

Sawiro Kale

unnamed unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (20)

Xafiiska Warfaafinta ee
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax
Dubai UAE


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles