Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

NAIROBI: Prof. Cabdiweli Cali Gaas oo waraysi uu siiyey Universal TV kaga hadlay qodobo muhiim ah

$
0
0

Nairobi:  Prof. Cabdiweli Cali Gaas oo waraysi uu siiyey Universal TV kaga hadlay qodobo khuseeya musharaxnimadiisa doorashooyinka Puntland ee soo socda, ayaa Puntlandpost soo koobtay muhiimada uu xambaarsanaa waraysigaasi, waxaana musharaxu fariintii uu u diray dadka reer Puntland ahayd sidan:

Waxaa iga  go’an in aan aqoontayda, kartidayda iyo waaya aragnimadayda uga faa iideeyo dadkayga iyo dalkayga,
Waxaa iga go’an in aan  dadkayga iyo dalkayga u soo xulo  team ama gole wasiiro ah oo  ku habboon howsha ay qabanayaan,  si ay dalka iyo dadka uga sameeyaan is beddel dhab ah, horumarna u gaarsiiyaan shanta sano ee soo socota.

Waxaa naga go’an in aan reer Puntland isu doonno, ilaalinana is haysashada iyo midnimada reer puntland, dildilaaca jirana aan dayactir degdeg ah ku  samayno iyada oo aan waqti inaka dhumin.

Waxaa naga go’an in aan nolosha, aqoonta, garaadka ,hanka iyo sharafta reer Puntland  kor u qaadno  si ay soomaalida inteeda kale u noqoto tusaale wanaagsan.

Waxaa naga go’an in ilbaxnimada, garaadka iyo aqoonta  dadkayaga kor u qaadno.
Waxaa naga go’an in aan nolosha dadkayaga wax ka beddelno, bog cusub oo caafimaad iyo farxadi ka buuxdo u furno Jiilka soo koraya.

Waxaan u soconaa si  aan rajo wanaagsan ugu abuurno dadkayaga  ka soo doogay dhibaatooyinkii kala duwanaa waqtiyadii la soo dhaafay,  waxaan ku shaqaynaynaa nidaam( u khidmayn ah, servant leadership) kaas oo ka maran isla fiicni iyo kala sarrayn,  ee ku qotoma , wada tashi, iskaashi, caddalad iyo sinnaan, annaga oo la fariisanayna  qof walba halka uu joogo, guri walba iyo geed walba oo uu jecel yahay..

Odayaashayada  dhaqanka Puntland, siyaasiyiintii hore ee Puntland iyo kuwa Soomaliyeed dhammaantood waxay naga mudan yihiin maamuus iyo qadarin weyn, talada dalkana wax bay ku yeelanayaan. Qof walbana waa noo muhiim.

Insha Allah, Puntland waxay noqon doontaa  xuddunta horumarka, siyaasadda, daldhiska iyo dad dhiska ummadda Soomaliyeed,   Waxayna  noqon doontaa  dal iyo degaaan 100% nabdoon  iyo meel  ay soomaali oo dhammi ay ku soo hirato, bi-idni Allahi..

Reer Puntland waxay haysataan fursad qaali ah oo u baahan in laga faaiidaysto, waxay leeyihiin dad daacad ah, ilbax ah, horusocod ah, yaqaan macnaha dowladi leedahay, kuwaas oo  doonaya in ay adduunka horusocodka  ah la saanqaadaan, waxay mudan yihiin /Isdaahillaan hoggaan wanaagsan.

Puntland Waxay leedahay  degaan Alle ku manaysatay khayraad tira badan oo dhinac walba nooluhu u baahan yahay, taas oo loo baanhan yahay in si dhab ah looga  faaiidaysto.

Si horumarka aan higsanayno u gaarno waxaan u  baahan nahay hoggaan wanaagsan, daacad ah, danta dadkooda iyo dalkooda  ka horumariya wax walba,  uguna adeega si daacad, caddaalad iyo waddaninimo ah.

Hoggaankayagu wuxuu noqon doonaa insha Allahu mid la mahadiyo oo dadka mideeya, degaanka puntland na ka dhiga mid nabdoon oo horumar dhan kasta ah ku tallaabsada usbuuc walba, bil walba iyo sannad walba.

Waxaa noo muuqata rajo wanaagsan, waxaa noo muuqata Hurumar iyo is beddel dhab ah , waxaa noo muuqata GUUL.
Taageer is beddelka iyo horumarka Puntland.

Puntland hanoolaato, Soomaliya Ha noolaato.
Mahad sanidin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>