Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

LONDON: Bayaan kasoo baxay Ururka Sahal oo lagu taageerayo arrimaha Jubbaland

$
0
0

London:(pp)- Ka dib wada-tashi iyo falanqayn dheer uu yeeshay gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee ururka SAHAL, waxaa laga soo saaray go’aamadan:

1. Waxaan si buuxda u taageereynaa heshiiska iyo go’aamada kasoo baxay shirka Addis Ababa, shirkaas oo lagu heshiisiinaayiy DFS iyo maamulka goboleedka Jubbaland.

2. Waxaan u aragnaa in heshiishkani yahay mid taariikhi ah oo ay ku jirto danta ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan danta dadka Jubbaland, soona af- jaraaya isjiid-jiidkii siyaasadeed iyo dagaaladii is daba jooga ahaa ee sida xaqdarrada ah ugu wajahnaa dadka ku nool gobolada Jubbooyinka.

3. Marka ugu horeysa waa lagama maarmaan ah in loo mahad celiyo madaxda ku hawlanayd hirgalinta heshiiskaan oo ka kala socday labada dhinac. Waxaan la hilmaami kariin dadaalka iyo martigalinta wacan ay u fidisay dawlada Ethiopiya, gaar ahaan wasiirka arimaha dibada Dr.Tedros Adhanom oo runtii muujiyay dulqaad, xilkasnimo iyo hufnaan dublamaasiyeed.

4.Sidoo kale waa in la xusaa qeybta libaaxa uu ka qaatay madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar iyo ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo sida ay labada dhinac u dhexdhexaadiyeen uga dhaadhiciyeen in guusha la wada qaybsado, si loo gaaro xal iyo nabadgalyo lagu waaro.

4. Waxaan si gaar ah u xuseynaa khudbadii uu ka jeediyay EGQM Nickolas Kay moqdishu taariikkhdu markay aheyd 02 September 2013, oo ay ka gaabiyeen faahfaahinteeda inta badan warbaahinteeda Soomaaliyeed. Taas oo uu cod dheer ku sheegay in ay dhammaatay xiligii ay dawlad dhexe oo xamar fadhiid ku ah in ay wadanka oo dhan ay maamusho. Wadankuna uu yahay fadaraal, heshiiska Addis Ababana uu yahay wado cusub Soomaaliya oo dhan u fureysa higsashada nidaam ismaamul goboleed si dadka iyo gobolada intii isqaadi karta ay ku wada noolaadaan si nabadgaliyo ah iyo walaaltinimo leh.

5. Sida uu xusay hogaamiyaha Juba Ahmed Mohamed Islaam (Ahmed Madoobe), heshiiska Addis Ababa waa mid ay dantu ugu jirto dadka deegaanka, isla markaasna ah mid awooda iyo go’aanka kama dambeysta ahi kusoo celinaaya gacanta dadka mudo kooban kadib, oo ah labo sano. Waana inta xuduudaha la gaaraayo lana dhisayo maamul dhameystiran.

6. Heshiisku waxuu iridaha u furayaa haya’adaha caalamiga inay yimaadaan deegaanka lagana haqabtiro baahida loo qabo wax qabad dhab ah ay dadka iyo deegaankuba ay ku diirsadaan. Waxaan Nickolas Kay uga mahadcelinaynaa xafiiska UNSOM uu maanta ka furay magaalada Kismaayo oo xambaarsan himilo hor leh. Waxaan haya’daha kale ka codsanaynaa inay xafiisyo ka furtaan gobolada Jubbooyinka si markaas kaalmo iyo dib u dhis loo gaarsiiyo deegaamada Jubbaland.

7. Heshiisku waxuu sidoo kale irida ka oodayaa qof kasta oo is lahaa qori caaradiis kursi iyo dhaqaalo ku hel.

8. Heshiisku waxuu iftiiminayaa wadada kaliya ee lagu gaaro himilada siyaasadeed in ay tahay wadahadal iyo isu tanaasul kaasoo horseeda maamul dadka oo dhan ay u wada dhan yihiin kuna dhisan cadaalad iyo sinaan.

9. Heshiiskani wuxuu si cad u qeexayaa astaanta dawlada Soomaaliyeed ay ummaddu ku wada noolaan karto, waa waxa keenay inaanu fikirkeena dib u heshiisiineed ku saleynay in hoos laga soo bilaabo wada hadalka, heer beeleed, heer tuulo, heer degmo, heer gobol, ilaa heer qaran la gaaraayo. Waxaa taasi markhaati u ah inay shaqayn waday qaabkii dawlada dhexe ee Xasan Shiikh iyo xulufadiisu ay rabeen inay wadanka ku maamulaan isla markaasna ay dhinac maraan dastuurkii fadaraaliga ahaa ee Soomaali ku heshiisay.

10. Ka dib markii la garowsaday in nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliyaa uu qarka u saaran yahay burbur iyo kala guur ayaa dhammaan haya’adaha QM, AU iyo IGAD iyo dhamaan dawladaha daneeya Soomaaliya waxay lagama maarmaan u arkeen in heshiis rismi ah laga gaaro arimaha Jubbaland.

11. Heshiiskan waa miro-dhalkii halganka dadka Jubaland gudaha iyo dibadaba. Waxaa la ogaaday inaan laga talaabsan karin sida ay dadku ugu adag yihiin qadiyada Jubbaland iyo sida ay u doonayaan una hureen naf iyo maalba intaba.

12. Ururka Sahal waxuu u arkaa in aqoonsiga maamulka Jubba uu yahay mid albaabada u furayaa dhismaha maamul goboleedyada oo ku saleysan sida ay dadka deegaanadu ay rabaan isa markaasna waafaqasan dastuurka Fadaraalka ee Soomaali ku heshiisay.

13. Ururka SAHAL waxuu u arkaa aqoonsiga Jubaland mid farxad leh oo aanu la qaybsanayno dhammaan ummadda Soomaaliyeed inta cadaalada iyo nabada jecel, waa inoo himilo ALLA ina haleelsiiyay halgan dheer kadib in Kismaayo iyo Jubaland lagu heshiin karo, iyo in tanaasul uu yahay wada kaliya ee xal lagu gaari karo.

Isla markaasna in Soomaali aysan mabda’ iyo fikir ku saleysan axsaab aysan isku heynin balse la isku laayay qaab beeleed uuna ahaa waxii dhacay 1991 dagaal ahli ah taasoo keentay in maanta hantidii Soomaali ka dhaxaysay lagu haysto magaalada Muqdisho. Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu u arkaa in xalka Soomaaliya iyo dib u heshiin dhab ah lagu gaari karo in la sameeyo gudi run sheegis iyo dib u heshiisiin (Truce and Reconciliation Commission) isla markaasna hantidii 1991 qaab beeleed loogu qabsaday magaalada Muqdishu in si sharuud la’aan ah loogu celiyo dadkii lahaa. Waxaan ummadda Soomaaliyeed xusuusinaynaa in sidii hadda ka hor ururka Sahal uu soo bandhigay marka laga reebo dhulka reer Falastiin iyo magaalada Xamar, ma jirto caalamka meel hanti dadwayne lagu kala haysto. Warsaxaafadeedkan waxaa magaaada London kasoo saaray ururka Sahal.

Ururka Sahal
Daabacaadda: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>