Garoowe: (pp)- Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland waxaa maanta ka dhacaykulan ballaaran oo looga hor tagayo khatarta uu xanbaarsan yahay cudurka Dabaysha waxaana barnaamijkaasi iska kaashanaya Hay’addaha WHO iyo UNICEF, iyadoo hadafka laga leeyahaya uu ahaa sida ugu wanaagsan ee Waaridiinta u badkooda uga talaali lahaayeen cudurka iyo dadka sanadkaani aadaya Xajka siidii ay isaga talaali lahaayeen Cuduraasi.
Tirakoob ugu danbeeyay ee cudurka lagu sameeyay ayaa la ogaaday in dadka Hada cudurka qaba ay kor u dhaafayaan 160 qof taasi oo la ogaaday in Soomaliya u si xowli ugu soo batey sida kulanka ay ka soo jeediyeen labo Sarkaal oo ka kala socday hay,addaha W.H.O iyo UNICEF.
Dr.Ibraahim Obsiiye oo ka mid ahaa dhaqaatiirtii kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesta dadaalada cudurka lagula Dagaalamayo,wuxuna madaxda wasaaradda caafimaadka ku booriyay inay Tagaan goobaha waxbarashada oo la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin caruur Faro badan oo tallaalka u baahan.Waalidiinta ayuu ku booriyay inay ka hortaga Tallaalka caruurtooda siiyaan si looga bad baadiyo khatarta cudurkaasi uu Xanbaarsan yahay.
Qaar ka mida ah culumada puntland goobtana ka hadalay ayaa sheegay inay Waajib tahay in la qaato tallaalka cudurka dabaysha,maadama looga hortago Cuduro nafta halis u ah,dadka sanadkaan xajka aadaya ayey ku booriyeen inay is-tallaalan ka hor intaysan ka dhoofan deegaanada Puntland,waxana tallaalka Dabayasha lagu diyaariyay oo dadka xujeyda ka qaadan karaan cisbitaalada Waaweyn ee puntland
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin oo Kulanka soo xirtay ayaa sheegtey in ka wasaarad ahaan ay kaalin xoog kaga Jiraan sidii bulshada reer puntland looga bad baadin lahaa ciribtirka cudurka Dabeysha oo haatan si xowli ah ugu soo badanaya soomaliya, waxayna xustey in Bulshada iyana looga baahan yahay in kaalintooda ka ciyaraan oo ilamaha yar ay Ka talaalaan cudurka kaasi oo ay sheegtey hadii laga jiifsado ay saameyn ku Yeelan karto Qoyska.
Saynab ugaas yaasiin ayaa ugu danbeyn tilmaamtey in baaq u jeedinayso Waaaridiinta gaar ahaana hooyooyinka oo laga doonayo kaalinta koowaad inay ka Galaan in ilmaha ka talaalan cudurka wasaaraduna u diyaarisay shaqaalo heegan Ah oo guri guri u tagi doona si ilmaha loo siiyo dhibcaha loogu tala galay .
Wasaarada caafimaadka dowladapuntland ayaa wada wacyi galino bulshada lag Fahan siinayo in laga qeyb qaato barnaamijka lagula dirirayo cudurka dabeysha Waxaana la xaqiijiyay in cudurkaani oo markii horaa ahaa mid ku yar somaliya Uu haatan marayo heerkii ugu sareeyay sida ay xaqiijiyeen hay,addaha Wasaaradda cafimaadka kala shaqeya arimaha caafimaadka
C/Xamiid Salaad Barre
Puntlandpost, Garoowe, PL