Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Aaskii Allaha u naxariistee Colonel Maxammed C/qaadir Cilmi Shuxle ee Geneva.

$
0
0

Waxaa maalintii shaley 06/09/2013 lagu aasay magaalada Geneva ee carriga Swizerland Allaha u naxariistee Mudane Colonel Maxammed Cabdulqaadir Cilmi Shuxle, munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne tira badan oo isugu jira jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Swizerland iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha muslimiinta ah.

G/sare Marxuum, Pilot Maxamed C/qaadir Cilmi Shuxle

G/sare Marxuum, Pilot Maxamed C/qaadir Cilmi Shuxle

Dadweynaha isugu yimid qabuuraha lagu aaso muslimiinta ee loo yaqaan St. George ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqdatay shucuur tiiraanyo leh ayagoo ka tiiraanyeysan booska uu banneeyay marxuumka taasoo ahayd mid lama illaawaan ah.

Taariikh nololeedkii Colonel danjire Maxammed Cabdulqaadir Cilmi Shuxle

AaskaMaxammed Cabdulqaadir wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1942, wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada dhexe iyo sare kusoo dhammeystay dalka gudihiisa,kadib waxaa uu Maxammed Cabdulqaadir Cilmi waxbarashadiisii sargaalnimo ee heer jaamacadeed ka billaabay wadanka masar asagoo kamid ahaa dufcadii ugu horreysay ee kasoo qalinjabisay kulyadda tababarka duulimaadyada sanadadii kun sagaalboqol iyo kontomaadkii, kadib waxaa uu tababarkiisii baylootnimo ku dhameystay wadanka Ruushka,Mudane Maxamed Cabdulqaadir waxaa uu jagooyin kala duwan kasoo qabtay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka cirka isagoo gaaray darajada Abaanduulaha Ciidamada cirka kana qeyb qaatay dagaalladii 1977 ee xoryeyntii Soomaaligalbeed.

Qabriga MarxuumSanadku markuu ahaa 1984 waxaa loo magacaabay danjiraha u qaabilsan qeybta milatariga (Andata millatare) u fadhiya Soomaaliya dalalka carabta gaar ahaan dalka Tunisia. Colonel Maxammed waxaa uu sanadihii burburka kadib ku noolaa wadanka Swizerland gaar ahaan magaalada Geneva waxaa uuna sanadihii uu halkaas daganaa xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee Swizerland iyo Jaaliyadaha muslimka ah isagoo masuul sare ka noqday masjidka Jaamica ee ugu weyn magaalada Geneva halkaasoo u ahayd xarun uu Alle ku caabudo kuna caawiyo Jaaliyadaha Islaamka ah guud ahaa gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto Maxammed Cabdulqaadir waxaa uu ifka kaga tagay sagaal caruur ah iyo xaas. Innaalilaahi wainaa ileyhi raajicuun.

Cabdifataax Cabdulqaadir Cilmi Shuxle.

Puntlandpost, Geneva, Switzerland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>