Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

GAROOWE: Beesha Meheri oo beenisay Issim Saddexaad oo beeshu yeelatey, Sawiro

$
0
0

Garoowe: (pp)- Odoyaasha beesha meheri ayaa maanta shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garowe waxay ku beeniyeen in beeshu yeelatey Issim saddexaad oo kusoo kordhay , iyagoona sheegey qaar ka mid ah nabadoonada beesha oo goob joog u ahaa shirka jaraa,iid in xubno ka tirsan beesha meheri oo laga soo direy magaalada Muqdisho ay mudooyinkii u danbeeyey wadeen khilaaf ay doonayaan inay ka dhex abuuraan beesha, balse taasi ay si cad odoyaasha beeshu uga soo horjeesteen.

3Nabadoon Cali Yaasiin Cali Faarax oo ah Nabadoonka Beesha Meheri ee Gobolka Nugaal ayaa ugu horeyntii ku eedeyey xubnaha beesha ka dhex wada khilaafka inay yihiin kuwo laga soo dirayo magaalada Muqdisho, wuxuuna ku dhaliiley xubnahaas inay khatar ku yihiin degaanshiyaha Gobolka, beeshuna ay mowqif cad iska taagtey howlaha ay wadaan.

1Nabadoonada shirka jara,iid qabtey waxay carabta ku dhufteen ka dib shirar odoyaasha beesha iyo wax-garadkeedu ku yeesheen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe la isku afgartey sidii mowqif cad oo mideysan looga wada istaagi lahaa arrimaha qalafsan ee ay wadaan xubnaha ay ku eedeeyeen inay beesha khilaaf ka dhex wadaan.

2Beesha Meheri oo loo yaqaan magac ahaan Beesha Carab Saalax ayaa iyadu ah mid leh labo isim oo beesha u kala fadhiya deegaanada ay ugu xoog badan tahay ee beeshu degto sida Gobolada Nugaal iyo Mudug, waxaana jira sida wararka aanu ka helayno xubno mucaaradsan siyaasada beeshu ku shaqeynayso oo shirar khilaafaad ka dhex abuuri kara beesha bilihii u danbeeyey ku qabanayey Tuulo jaban oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

5

Puntlandpost. Garoowe, Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>