Boosaaso: (pp)- Wararka aanu ka helayno Tuulo lagu magacaabo Yalho oo ka tirsan Gobolka Bari kuna taal wadada laamiga ee ka timaada magaalada Bosaso ayaa sheegaya in labo baabuur oo nooca xamuulka qaada ee loo yaqaan Cago badan ay kooxo hubeysan jidka u galeen iyaga oo dab qabadsiiyey Gawaaridan oo sida la sheegey Raashin u siday Hay,adda WFP.
Puntlandpost.com oo xiriiro kala duwan la sameysay dadka deegaanka Tuulada Yalho ayay noo xaqiijiyeen Gawaaridan la gubey ee Raashinka u siday Hay,adda Cuntada ee Qaramada Midoobey WFP, iyadoona dadku sheegayaan in gawaaridan gubitaankooda loo isticmaalay dab la qabadsiiyey.
Lama soo sheegin khasaaraha ka dhashey gawaarida la gubey , waxaana ay noo xaqiijiyeen dadka aanu la hadalney inta baabuurta laga soo dejiyey darawaladii iyo shaqaalihii la socday labada baabuur oo indhaha laga xirey ay sidaas ku gubeen kooxda dableydaa oo aan si rasmiya loo aqoonsan, walow wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan inay yihiin kooxo ka tirsan kuwo Alshabab ee ku dhuumaaleysta buuraha Golis.
Falkan oo noqonaya mid ku cusub deegaanada Puntland ayaa argagax ku reebay dadweynaha shacabka oo iyagu sheegey inuu yahay mid arxan daro ah oo lagu naafeynayo hantida shacabka, iyagoona ku tilmaamey inuu la xiriiro falalka ay ka suurtowdo kooxda alshabab inay inta badan ku dhaqaaqaan.
Ma jirto cid ka tirsan Mulkiilayaasha Gawaaridan ama Dowlada Puntland oo ka hadashey falkan dabka lagu qabadsiiyey labada baabuur ee nooca xamuulka ah, islamarkaana lama saadaalin karo qorshaha ay ku wajihi doonto wax ka qabashada kooxaha geystey dhacdadan , iyada oo sida la ogsoon yahay Puntland caqabado khal khal galinta amaanka ah ay in mudo ah kaga furnayd Buuraha Golis oo la aaminsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyo ka tirsan Ururka Alshabab .
Puntlandpost.com
Bosaso.