Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Kampala: Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay (Sawiro)

$
0
0

Kampala: (pp)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa kulan la qaatay dhigiisa Kenya,Ethiopia iyo Uganda ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

IMG_8885Shirkan ay wada yeesheen Xasan Sheikh Maxamud, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo Yoweri Museveni ayaa diiradda lagu saaray sidii shirka Kampala uu u noqon lahaa mid miro dhal ah.

IMG_8880Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda Soomaaliya loogu heli lahaa dhaqaale iyo hubkii ay ku
howlgali lahaayeen. Sidoo kale waxey madaxdu isla garteen inay muhiim tahay in AMISOM loo helo tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay amniga iyo kala danbeynta Soomaaliya u soo noqoto.

IMG_8882Kulankii Madaxda ayaa hadda socda oo saacadaha soo socda la soo gabogabeyn doonaa. Madaxweynaha ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah.
Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab,tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

IMG_8889Madaxweynahu waxuu Kampala ku joogaa booqasho labo cisho ah oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona shirka burrito ah.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>