Muqdisho: (pp)- Suuka Bakaaraha ayaa waxaa ka dhacay Qarax aad u weyn oo ka dhashay Baabuur kuwa Xamuulka ah , waxaana qaraxaasi la sheegayaa unuu ka dhashay qasaare aan la aqoon baaxadiisa inta ay le’eg tahay.
Dad goob joogeyaal oo laga waraystay habka uu u dhacay qaraxa ayaa sheegay in Indhohoodu ay qabteen Qarax weyn oo ka dhashay Gaari weyn oo goobta yaalay.
Qaraxaas ayaa la xaqiijiyey in ay waxyeelo ka soo gaartay Dad ka ka dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay , lamase sheegin weli in ay jiraan xaqiijinta dad ku geeriyooday Qaraxaasi.
Ciidamada Booliiska ayaa soo gaaray goobta , kuwaas oo kala dejinaya xaalada , waxaana goobta qaraxu ka dhacay soo buux dhaafiyey dad ka adeeganayey Suuqa oo markii hore ka cararay qaraxii ka dhashay gaariga.
Sikastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa waxay caan ku tahay falalka qaraxyada ah, iyadoo ay taasi micnaheedu tahay in weli ay magaalada Muqdisho ay ka howlgalaan taageerayaashii Al-shabaab oo hada loo maleeyo in sii daciifayso awoodoodu, maadaama ay ukala jabeen Garabyo yeeshay hogaamiye kooxeedyo.
Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya