Ururka Sahal ka dib markii uu u kuurgalay shir saxaafadeed ay 14-6-2013 magaalada Nairobi ku qabteen Xuseen Carab Ciise, Maxamuud Guure iyo xulufadooda kaasoo loogu talogalay in beesha caalamka looga dhaadhiciyo inaan wax maamul ahi ka jirin Jubbaland isla markaasna ay dawlada Xasan Shiikh uga helaan boosas wasiirnimo. Sidaasi darteed waxuu halkaan kusoo bandhigayaa bayaan adag oo looga digaayo cawaaqib xumada ay arintani keeni doonto hagardaamada iyo khiyaanada ay wadaan nimankan isku magacaabay xildhibaano loo xilsaaray arimaha Jubbaland:-
a) Waxaan ummadda Soomaaliiyeed la socodsiinaynaa in Xuseen Carab Ciise uusan habayaraatee ka hadli karin, isla markaasna uusan matali karin arimaha Jubbooyinka waayo ma ahan xildhibaan doorasho ku yimid waxuuna kasoo jeedaa magaalada Hargaysa, haddii uu dad wax u qabanaayo waxaa waxqabad iyo difaac uga baahan dadka ku nool Somaliland (waa haddii awoodi karo inuu Hargaysa tago). Dhinaca kale hadalkii Xuseen Carab Ciise ka sheegay shirkii jaraa’id waxaa ka mid ahaa

Ururka Sahal oo jawaabcad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Maxamuud Guure ku qabteen magaalada Nairobi
“Ujeedada aan shirka u qabanay waa in beesha caalamka aan ka dhaadhicino wixii xildhibaanadii tagay Kismaayo waxay kusoo arkeen, iyo in caalamka lagu booriyo in laga qaybqaato shirka dib u heshiinta dawladu ku qabanayso magaalada Muqdisho”
Waa nasiib darro in Xuseen Carab Ciise uusan soo hadal qaadin dagaalkii ay dawlada beesha Muqdisho ay dhowaan ka rideen magaalada Kismaayo kaasoo ay si toos ah u hogaaminayeen Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Xasan Shiikh iyo xulafadiisa. Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu gacanta ku hayaa cadeyn muujinaysa heerka qabyaalada iyo iska horkeenka uu Xuseen Carab Ciise ku hayo ummadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Puntland taasoo uu ka xun yahay horumarka iyo maamul wanaaga ay ku dhaqmaan dadka ku nool goboladan. Sidaasi darteed, Xuseen Carab waa nin aamisan fikirka HAG iyo SNM, waana qof aan ka hadli karin arimaha Jubbaland;
b) Ururka Sahal cambaaraynayaa erayada iska hadalka ah ee kasoo yeeray Maxamuud Guure kaasoo sida lala socdo xubin sare ka ah ururada HAG iyo xisbiga Damul-jadiid ee Xasan Shiikh isla markaasna aan matali karin arimaha gobolada Jubbooyinka. Hadalada Guure waxaa ku jiray qaar ka baxsan dastuurkii lagu soo dhisay dawlada hadda dhicisay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:
“Sida dastuurku na faraayo wadanka waa in gobol-gobol loo dhisaa, tusaale ahaan Hiiraan waa la xoreeyey maamul ku meel gaar ah ayaa loo dhisay, Bay waa la xoreeyey maamul ku meel gaar ah ayaa loo dhisay, Shabeelaha Hoose waa la xoreeyey… waa in Soomaalida loo sheego qaabka loo raacaayo fadaraalka iyadoo dawladu horseedayso nabadaynta iyo xoreynta Soomaaliya”
Hadaba hadalada uu Guure ku hadlay waa kuwo sharci darro ah oo khiyaano qaran ah waayo habayaratee dastuurkii la isku ogaa 1/8/2013 kuma qorna in gobol kasta laga sameeyo maamul ku gaar ah ka hor intaan loo gudbin dhisitaanka maamul goboleedka. Ururka Sahal waxuu u arkaa in hadala Guure ay qayb ka yihiin qiyaanada iyo hagardaamada Xasan Shiikh, HAG iyo Damal-jadiid ay ku rabaan inay ku af-duubaan dastuurkii ay ku heshiisay ummadda Soomaaliyeed isla markaasna ay qayb ka yihiin istiraajiyada la rabo in lagu dagaalamo dadka kasoo jeeda Jubbaland;
c) Ururka Sahal waxuu si cad u cambaareynayaa hadalada iska hor imaanaaya ee kasoo yeeray mabda’laawe Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kaasoo shirka jaraa’id ka sheegay in ujeedada ay Kismaayo u tageen ay ahayd sidii lagu dhisi lahaa maamul goboleed loo wada dhan yahay. Waxaan la soconaa in ururka Sahal iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ay 2dii Janaayo 2013
magaalada London ugu qabteen xaflad soo dhowayn ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibrill, waxuuna Cabdiraxmaan Xoosh si cad u sheegay in dadka hadda hogaanka dawlada u haya ay yihiin danaysteyaal, dadka Muqdisho jooga aysan dawlad rabin isla markaasna dawlada Xasan Shiikh ay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyey isla markaasna si qarsoodi ah wax looga badalay dastuurkii lagu heshiiyey. Hadaba Cabdiraxmaan Xoosh ma 2-1-2013 ayuu runta sheegay mise 14-6-2013 ayuu saxan yahay? Nasiib darro ururka Sahal waxuu arintan u arkaa mid ka suurtagasha qof caado-qaate ah isla markasna ay sharaf darro
ku tahay in Cabdiraxmaan Xoosh masiirka ummadda Jubbaland ku badasho balanqaad boos wasiir looga balanqaaday dawlada Xasan Shiikh taasoo ku dhow inay dhowaan dhacdo;
2-1-2013, shirka ayaa Cabdiraxmaan Xoosh ka sheegay inay fashilantay dawladii Federaaliga ahayd
D) Ururka Sahal waxuu kasoo horjeedaa gudiga xuduudaha iyo samaynta maamul goboleedyada ay rabto inay samayso dawlada Muqdisho waayo sida ku cad dastuurka fadaraaliga ah gaar ahaan qodobka 138aad, 140aad waa in gudigan lagu sameeyaa muddo 90 maalmood ah laga bilaabo maalintii la dhisay dawlada. Sidaasi darted, ururka Sahal waxuu gudigan u arkaa mid darro ah, waqtigiisii dhacay isla markaasna loo samaynaayo xujo looga hortagaayo inuu hirgalo maamulka goboleedka Jubbaland;
Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu uga digayaa nimanka sheeganaaya xildhibaanada ee kala ah Xuseen Carab Ciise, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Maxamuud Guure, Cabdullaahi Qoodax Barre iyo kooxda kale ee la socota inay fidno ka dhex abuuraan dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka waayo maanta waa luntay kalsoonidii loo hayey Xasan Shiikh iyo xulufadiisa isugu jira HAG, Damuljadiid iyo ALshabaab.
Bayaanka waxaa soo saaray ururka Sahal
London
E- mail: sahalorginternational@gmail.com