Xaflad ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Jubaland Norway ayaa xalay oo taariikhdu ahayd 08/06/2013 lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka boqortooyada Norway. Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ah ayay dadku ku muujiyeen taageerada iyo hamuunta ay u qabaan doorashada Sheekh Axmad Maxamed Islaam iyo General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag loogu doortay madaxwaynaha madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeenka dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Sate. Doorashadaas oo ka dhacday hoolka shirarka Jaamacadda Kismaayo 15/05/2013.
Xafladan ka sokow Soomaalida reer Norway, waxaa ayagana ka soo qayb galay dad Noorwiiji ah oo ayagu go’aansaday inay farxadda la qaybsadaan reer Jubaland. Jaaliyadaha Puntland Diaspora Forum iyo Khatuma State ayaa ayaguna qayb libaax ka qaatay xafladdan. Dadkii meeshaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdi Ibrahim Magan(Cirjiir), Professor Mohamed Husein Gaas, Xildhibaan Cabdirisaq Sanwayne, nabadoon Cabdiraxmaan Sanyare, Abdirahman Shaad, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac(Ciiro) Maxamed Sheekh (Maxamed Dheere), Cabdirashid Cali Shoocaac, Xabiiba Warsame Fawlac, Cabdi Afey Sheekh Cali, Shukri Cabdi Gows. Cabdirisaq Khalif Mahamud ayaa asagu xaflada xiriirinayay, Cabdifataax Sarangeeti Boy ayaa dhinaca farsamada noo daadihinayay.
Daawo Video
Ciiro Axmad Xasan Dr.Ligle iyo kooxdiisii ayaa ayaguna wacdaro ka muujiyay goobta xalay. Fanaaniinta kala ah Caydiid Tuhume, Nasteexo Indho, Ayaan Toronto iyo Ayaan Taleex ayaa madasha ka qaaday heeskii calanka iyo heeskii Jubaland. Boqolaal qof oo shirka ka soo qayb galay ayaa halmar fadhiga ka wada kacay, boorar, baanarro, calamo iyo balakaadhyo ayay dadku ruxayeen. Darbiyada hoolka shirka waxaa ku sawirraa madaxwaynaha Jubaland iyo ku xigeenkiisa oo si qurux badan loo soo diyaariyay. Maxaa farxad ah.
Arimaha laga hadlay waxay isugu jireen taageerada Jubaland, Dastuurka Federaalka dalka u yaalla, faragalinta iyo carqaladaha ay dawlada federaalku abuurayso, xoojinta nabadgalyada iyo baaqyo loo kala diray mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka Jubaland State iyo Dawladda federaalka Soomaaliya.
Jaaliyadda Jubaland Norway waxay taageersan tahay tashiga ay tashadeen dadka gobollada Jubooyinka iyo Gedo, samaysteena maamul ay ayagu u doortaan inuu hogaanka u qabto, maamulkaasoo aan ahayn mid dusha looga keenay. Jaaliyaddu waxay si cad u sheegtay in ay sida ku cad dastuurka dalka u yaalla, dadka laba gobol iyo wixii ka badani dawlad goboleed samaysan karaan, dadka reer Jubaland-na ay xaq u leeyihiin inay dhistaan maamulkooda. Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay faraha kala baxdo colaadda iyo iska horkeenka ay ka dhax wadaan shacabka Jubooyinka iyo Gedo.
Jaaliyaddu waxay ugu baaqay dadka saddaxdan goboli inay gacmaha is qabsadaan meelna uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo ku kacda falal amni xumo keeni kara sida wasiirka gaashaandhiga C/kariim Fiqi iyo wafdiga dawladda federaalka ee Kismaayo ku sugan, ee ayagu ka shaqaynaya kala fogaynta shacabka, mas’uuliyadeedana qaadaya dagaalada Kismaayo ka dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo barakac intaba.
Jaaliyaddu waxay baaq u dirtay madaxda dawlad goboleedka Jubaland inay xil wayn iska saaraan midnimada iyo ammaanka iyo inaysan dhag jalaq u siin caga-juglaynta iyo handadaadaha ka soo yeeraya dawladda federaalka ah iyo inaysan ka qayb galin shir ku sheegga la leeyahay Xamar baa lagu qabanayaa oo hadafka kaliya ee laga leeyahay yahay burburinta maamulka Jubaland ee mudada la soo waday.
Jaaliyada Jubaland waxay uga mahad celinaysaa gudigii farsamada ee ayagu suurta galiyay xafladdan qiimaha badan. Gudigaan Waxaa ka mid ahaa Cabdi Ibrahim Magan(Cirjiir) Ciiro Xasan Axmad Dr. Ligle, Cabdishakuur Shucayb Mursal, Axmad Cabdi Cumar, Mursal Salaad, Caa’isho Yareey, Kadijo Salaad Cali, Cabdifataax Sarangeeti, Cabdiraxmaan Shaad, Cabdi Fataax Carte Cali, Mukhtaar Geelqaad, Abdiwali Maxamed Xuseen.
Waxay kaloo jaaliyadda uga mahad celinaysaa dhamaanba dadkii nagu gacansiiyay qabashada hawshan ee aanan magacyadiida halkan ku soo bandhigin.
Cabdi Ibrahim Magan(Cirjiir)