Garowe: (pp)- Barnaamijka la yiraahdo ACCA oo lagu barto maadada xisaabaadka kana mid ah barnaamijyada caalamiga ee Adduunka si isku mid ah loogu barto maado la xiriirta hab (Profesional) ayaa maanta arday dhigata imtixaan ugu fariisteen xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe .
Hay,adda UNDP oo qaramada midoobey u qaabilsan horumarinta ayaa barnaamijkan hirgalintiisa ka caawisay in lagu soo kordhiyo jaamacado ku yaal magaalooyinka Puntland sida Jaamacadaha PSU iyo East Africa , ka dib dadaalo loo galay barnaamijkan.
Barnaamijka ACCA oo micnihiisu u taagan yahay Assocation of Certified Chartered Accountant ayaa ardayda dhigata ee imtixaanka u fariistey ay soo baranayeen muddo dhan saddex sano, iyagoona galaya imtixaamkii 8-aad, ka dibna ay geli doonaan imtixaamka 9-aad oo noqon doona midka ugu danbeeya ee shahaada lagu gudoonsiin doono ardayda mudada soo dhiganeysay .
Cismaan Maxamud Cali oo ah macalinta dhiga maadada ACCA ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey Imtixaanka ardayda u fariisteen iyo faa,iidada Barnaamijku uu xambaarsan yahay, oo uu sheegey Osman in Barnaamijkan ACCA ka shaqeeyo 180 wadan oo ku yaal Caalamka, islamarkaana xilli isku mid ah imtixaanka ardayda dhigata loo soo gaarsiiyo, iyadoo laga soo diro Imtixaanaadka xarunta Barnaamijkan laga maamulo oo ku taal wadanka Ingiriiska gaar ahaan London.
Mudane Cismaan Maxamud oo isagu ka mid ah dadka kusoo bartey London barnaamijkan (ACCA) shahaadana kusoo qaatey ayaa sheegey inay ka mid yihiin fursadaha barnaamijka ardayda uu siinayo helitaanka shahaado caalamiya oo tayo u leh maamulida dhaqaalaha iyo xisaabaadka.
“Waa ku faraxsanahay in Puntland iyo Somaliya ka mid noqoto meelaha laga aqoonsan yahay in lagu gali karro imtixaanka barnaamijka ACCA oo ah mid heer caalamiya oo ka shaqeeya adduunka wadamo badan oo ku yaal, islamarkaana ku yimid dadaal dheer oo ay u galeen dadkeenu, ayna gacan siisey hay,adda UNDP ” ayuu yiri Osman.
Cismaan waxa uu tilmaamey in ardayda maanta jaamacadda PSU Garowe imtixaanka ugu fariistey barnaamijka ACCA ay galayaan imtixaankii 8-aad iyadoo uu u dhiman yahay midka 9-aad oo ah kan ugu danbeeya ee ay shahaadada ku heli doonaan, isagoona intaas raaciyey in barnaamijka ardayda loo qaatey ay ku yimaadeen markii horre la tashiyo ay kala sameeyeen hay,addaha dowlada u qaabilsan maamulka dhakhliga balse ka dib wajigiisii labaad dadka lagu soo xuley si Public ah.
Cismaan Maxamud oo dhanka kale taliye ka ah Wasaarada Maaliyada Puntland ahna macalinta Barnaamijka ACCA wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey inuu barnaamijkan wax weyn kusoo kordhin doono horumar ay ka sameeyaan ardayda kasoo faa,iideysaneysay mudada dheer ee u dhiganta heerka waxbarashada kowaad ee lagu qaato shahaadada Becholar-ka jaamacadaha, isagoona sheegey sii socoshada barnaamijka inay labo sano ka dib dib kawada fariisan doonaan Hay,adda UNDP iyo Kasoo qeyb qaatayaashii ACCA ka dib marka la qiimeeyo natiijada barnaamijka uu dhalo.
Barnaamijka ACCA ayaa lagu bartaa Puntland Jaamacadaha PSU Garowe , Jaamacada East Africa xarunteeda Bosaso, iyadoona ay ka faa,iideystaan arday isugu jira rag iyo dumar-ba, waxaana barnaamijkan uu gacan ka geystaan in uu la shaqeeyo hay,addaha maamulka lacagta oo uu shahaado iyo tababar siinayo shaqaalaha uga shaqeeya goobahaasi.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.