Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garoowe: Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM oo Garowe Laga Furey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xaflad ku saabsan daahfurka xafiiska UNSOM ayaa maanta lagu qabtey xarunta wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga magaalada Garowe,wuxuuna bedeli doonaa xafiiskan cusub xafiiskii hore ee UNPOS.

13Xaflada oo isugu jirtey sagootin xafiiskii hore iyo soo dhaweyn xafiiska cusub ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland, Xillibaano, Ururada bulshada rayidka ah, hawl wadeenada xafiiska iyo marti sharaf .

7Madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland Udeme Assien oo ka warbixiyey qorshaha xafiiska cusub ayaa sheegey in howshii xafiiskii horre ee UNPOS ku ekeed xilligii KMG ahayd, iyadoona hawl-galkii xafiiska uu la wareegi doono UNSOM.

Mr Udeme waxa uu sheegey in Qaramada Midoobey dowlada Puntland uga mahad celineyso dadaalkii ay la sameysay xafiiskii hore ee UNPOS oo ku aadanaa ka bixitaanka KMG-nimada Somalia.

11Udeme Assien waxa uu sidoo kale sharaxay hawl-galka Xafiiska UNSOM oo uu sheegey in uu ka shaqeyn doono dhexdhexaadinta iyo taageero uu siin doono dib u heshiisiinta Somalia,dib u eegida iyo dhamaytirka dastuurka ,aftida loo qaadayo ,hirgelinta nidaamka Federaalka iyo diyaargarowga doorashooyinka 2016.

8Xafiiska UNSOM ayaa waxyaabaha uu xooga saari doono waxaa sidoo kale ka mid ah
Taageerida laamaha amaanka iyo garsoorka, Isku duwida arimaha kaalmada caalamiga, Dhowrista xuquuqda aadanaha.

6Dhanka kale wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo ka hadley xaflada lagu furayey xafiiska cusub ee UNSOM ayaa waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey ergaygii horre ee Augustine Mahiga,islamarkaana uu Juxa si la mid ah usoo dhaweeyey xafiiska cusub ee UNSOM.

Xaflada Garowe loogu sameeyey xafiiska UNSOM ayaa kusoo beegmeysa xilli maanta uu si rasmiya shaqada ula wareegayey Nocals Kay oo xoghayaha Qaramada Midoobey usoo magacaabey 29 April 2013 Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey Somalia u qaabilsan Madaxna ka noqon doona Xafiiska UNSOM.

14 4 3 2 1 15 16 17 18 19 20Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>