Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka qeyb galaya barnaamij su,aalo lagu weydiinayo oo hadda ka soconaya xarunta hay,adda cilmi barista Puntland magaalada Garowe (PDRC).
Mudane Faroole ayaa barnaamijka uu ka qeyb galayo uu la xiriiraa ka hadlida dhowr qodob oo ku saabsan siyaasada Somalia iyo tan Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xiriirka Puntland iyo DF Somalia, Dastuurka DF Somalia, Arrimaha Jubaland , hirgalinta Nidaamka Asxaabta ee Puntland iyo Amaanka.
Barnaamijkan Madaxweynaha Puntland lagu weydiinayo su,aalaha ayaa ah mid fikirkiisa ka yimid Madaxweynaha Puntland oo sida la sheegey dalbadey qabashadiisa, halka qaban qaabadiisa Madaxweynuhu u wakiishey Hay,adda PDRC si barnaamijka su,aalaha lagu weydiinayo madaxweynaha ay ugu qancaan kasoo qeyb galayasha oo ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wararka Puntlandpost barnaamijkan ka helayso ayaa sheegaya in uu yahay barnaamijku mid sita xiiso aad u sareeya, madaama mudane faroole uu daaha kaga qaadayo arrimo badan oo dadku isweydiinayeen mowqifka xukuumada Puntland ka taagan tahay , xilli siyaasada Somalia ay mareyso marxalad cusub.
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu si qoto dheer uga hadlo qodobada aanu soo xusney, isagoona daaha ka qaadi doona mowqifka dowlada Puntland ay xilligan ka taagan tahay siyaasada qalafsan ee kazoo dhex cusboonaatey Jubaland iyo Madaxda DF oo mareysa hadda meeshii ugu xumeyd.
C/raxmaan Shiikh Maxamed Madaxweynaha Puntland waxay dadku si adag ugu weydiin doonaan inta lagu guddo jiro mowduuca guud ahaan xaaladaha uu la xiriiro halka Puntland ay ka istaageyso sida arrimaha Gudaha Puntland ka jira iyo Siyaasada dibada ka ah ee koonfurta la xiriirta.
Horey waxaa u Jiray barnaamijyo madaxweynaha Puntland su,alo ay ku weydiiyeen qeybo ka tirsan bulshada oo lagu qabtey jamacada PSU, balse hadda midka galabta socda ayaa ka bedelan kuwii horey Madaxweynaha Puntland uga qeyb galay .
Idaacadaha gudaha Puntland ayaa dadku si toos ah hadda ugala socdaan barnaamijkan xiisaha leh, waxaana barnaamijku uu bilowday daqiiqado ka hor.
Kala soco goor dhow Puntlandpost natiijada barnaamijka uu Mudane Faroole ka qeyb galayo.