Jiggjiga: (pp)- Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Hambalyo bogaadin ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland State Mudane Sheekh Axmed Islaam (Madoobe).
Shacabka Ka soo jeeda Deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ayuu uga bogaadiyey sidda wanaagsan ee ay u muujiyeen rabitaankooda , wuxuuna ugu baaqay in Madaxweynaha Cusub uu ku dadaalo in shacabka deegaanadaasi uu ku hagso cadaalad iyo midnimo keeni karta horrumar la isku halayn karo.
Madaxweyne Cabdi Cumar ayaa kula taliyey Madaxweyaha Cusub iyo shacabka Jubbooyinka inay muujiyaan isku duubni , isagoo madaxweynaha cusub ee Jubbaland iyo Gedo kula taliyey inuu si deg deg ah ugu dadaalo dhamaystirka howlaha horyaala ee dhanka maamulka Jubbaland State.
Dhanka Kale , maalinkii markii la doortay Madaxweynaha Jubbaland State , waxaa hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan faroole iyo Gollahiisa Wasiirada Puntland , iyagoo uga hambalyeeyey guusha ay gaareen shacabka Jubbooyinka iyo Gedo ee ku aadan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State oo Ergooyinkoodu Cod aqlabiyad ah ay ku doorteen Madaxweynaha Jubbaland State Mudane Sheekh Axmed Islaam (Madoobe).
Sikastaba, waxaa sii kordhaya Hambalyada iyo Taageerada ay Jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ee Guddaha iyo Qurbaha ay jeedinayaan Maamulka Cusub ee Jubbaland State ee ka hana-qaaday deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, kaas oo dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan in dhismaha Jubbaland State uu soo dedejinaayo xoogeysahada Maamul goboleedyada dalka laga doonayo in laga hirgeliyo.
Puntlandpost, Jigjiga, Ethiopia