Waxaa beryahan dambe soo ifbaxay dad tira yar oo leh dano gaar ah kuwaasoo mar walba danahooda gaarka ah ee gurracan ka hormariya danta guud ee shacabka nabadda jecel ee reer Puntland. Sidaanu wada ogsoonahay Puntland waa hooyadii dhashay dowladda federaalka ah ee uu garwadeenka ka yahay maanta madaxweyne Xasan Culusow Guurguurte , mana ahan mid la dafiri karo ama la qarin karo,Puntland State of Somalia, waayo waa meeshii harka iyo gabbaadka u nqotay maatadii guryahooda iyo hantidooda lagu soo dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee koonfureed, maatadaasoo ku nabadgalay kuna badbaaday naftooda iyo maalkii ay wateen markii ay soo gaareen degaanada Puntland iyagoo aan loo eegin gobolada ay ka yimaadeen ama beelaha ay ka soo jeedaan.
Muddadii ay jirtay dowlad goboleedka Puntland ma jirto maanta maalin ay ka sarreyso kana cadow badan tahay , ragga eedeynaya Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ”Faroole” kaasoo ay shaqo badan ku furan tahay waxaana laga doonayaa muwaaddin walba oo reer Puntland ah inuu ku garab galo madaxweynaha gudashada waajibaadkaas saaran. sida aan wada ogsoonahay cadow sokeeye iyo mid shisheeyaba maanta wuxuu u tafa xaytay sidii ay ku burburi lahayd Puntland ayagoo adeegsanaya canaasiir tira yar oo sugaya sandareerto yar oo uga timaada nidaamka maamulka Muqdisho.
Haddaba waxaa digniin adag naga ah cid walba oo isku dayda inay carqalad geliso maamulka madaxweyne Dr Faroole inaynaan maanta wixii ka dambeeya anagana aan indhaha ka qarsan doonin isla markaana aan ashqaastaas siyaasadahooda iyo fidnadadoodaba u soo bandigno shacabka isla markaana aan maxkamad la soo istaagi doono iyadoo lagu eedeynayo qiyaanada qaran ee ay ka galayaan bulshaweynta reer Puntland, marna oggolaan meyno ummaddeena iyo ubadkayaga inay ka barakacaan guryahooda iyo degaanadooda nabadda ah ee uu eebbe ku beeray, kuwaasoo ab ka ab degganaa dhulkaas.
Waxaan kaloo halkan fariin uga dirayaa Al Sayid Sulalatil Malakiyat Al Cusmaaniya General Cadde Muuse Xirsi, mudane marna boqorkii Daarood ISmaaciil baad tahay marna jeneralkayaga baad tahay marna waxaad ummadda reer Puntland u ahayd madaxweyne sharaf iyo ciso xaggooda ka mudan, waxaan si hagar laáan ah kuugu garab taaganahay wixii taageero iyo talo toosin ah oo aad u fidineysid madaxda maamul goboleedka Puntland State of Somalia , marna kaama sugeyno haddii uu eebbe raalli ka noqdo inaad la safato ragga loo adeegsanayo burburinta Puntland.
Cid walba oo maamulka hadda ka jira Puntland wax ka tirsanaysa waa inay soo fariistaan miiska wada hadalka isla markaana wixii qilaaf iyo kala sheegasho ahna lagu xaliyo wadahadal, lagana waantoobo in fidno laga kiciyo magaalooyinka iyo degmooyinka Puntland iyadoo lasoo qasbayo dadka masaakiinta ah ee barakacayaasha ah qasabna boorar loogu soo dhiibo.
Sida ka muuqatay dadkii boorarka sitay haddii dib loo eego sawiradii laga soo qaaday , dadku waxay u ekaayeen kuwo la soo qasbay oo maleeshiyaad tira yarna ay gadaal ulo iyo burar la daba taagnaayeen.
Walaalayaal culeys badan ayaa ina saaran reer Puntland haddii aanu nahay kaasoo ah maamul u samaynta gobolada jubbooyinka in aan taageerno, isla markaana uu maamulka Muqdisho ka jira oo looga fadhiyey taageerada dowlad qaran oo Federaal ah ay u xuubsiibatay qabiil, isla markaasna dadka Walaalaheen ee SSC iyo Sanaag Bari ay iyana naga sugayaan taageerada shacabka shacabka Puntland iyo dowladooda , maadaama Puntland sababa loo aasaasay ay ahayd in dhan walba ay ka shaqayso taageerada shacabkeeda.
Waxaan haddaba baaqayga ku soo gunaanadayaa inaan xusuusiyo shacabka reer Puntland oraahdii Soomaaliyeed ee ahayd Nabad baa Naas La nuuga leh iyo nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.
Qore: Odey, Col. C/qaadir Cusmaan
E.mail: Osmanmosses@gmail.com