Muqdisho(pp) Shirkii looga wada hadlayay aayaha doorashada Soomaaliya 2016 & habka lagu soo xulayo xildhibanada imaanaya ayaa maanta oo Isniin ah hakad galay, ka dib markii uu dhamaan waayay kala aragti duwanaanta madaxda ka qayb gashay.
Furitaankiisa shalay shirka khudbadihii ay madaxda ka jeediyeen ayaa u muuqdey inay weli lagu kala aragti duwan yahay nidaamka habka deegaanka in lagu soo xulo xildhibaanada iyo in lagu wajaho 4.5, waana tan keentay inuu shirka maanta baaqdo.
Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa weli diidan in lagu saleeyo doorashada 2016 habka 4.5 halka Gal-Mudug, Koonfur Galbeed, Hiiraan iyo Banaadir isku raaceen in aysan hadda macquul ahayn habka deegaanka.
Ma jirto ilaa iyo hadda meel dhexe oo labada dhinaca ee ku kala aragtida duwan doorashada iskugu yimaadeen, balse waxaa socda dadaalada ay beesha caalamka wado oo ku aadan in shirka Muqdisho fashilmin.
Xildhibaano ka tirsan Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa isku raacay inaysan Puntland qaadan karin nidaamka 4.5, haddii madaxda Muqdisho ka joogtana lagu cadaado ay muhiim tahay talada inay dib ula soo laabtaan.
Bari oo Talaado ah ayaa loo balan san yahay shir madaxda Muqdisho ku sugan dhexmari doono, inta ka horaysana waxaa magalada ka socda shirar gooni gooni ah oo salka ku haya dhamaynta arrinta kala duwanashaha keentay.
Shirkii Garowe ayaa lagu go’aamiyay inaan dib loogu laaban doorasho lagu saleeyo 4.5 isla markasna laga gudbo, maadama Soomaaliya ay ka baxdey marxaladii KMG-ka.
Wixii kusoo kordha kala soco wararka danbe.
Puntlandpost.com