Garowe(pp) Wasarada Ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa sheegtay sanadka cusub inay qaban doonaan bandhig carweed ballaaran kaasoo lagu marti qaadi doono shirkado caalami.
Cabdiweli Xirsi Indho-guran, wasiirka ganacsiga ayaa sheegay in bandhigaasi uu noqon doono mid lagu soo bandhigayo wax soo saarka Puntland ayna rajo weyn ka qabaan inuu noqon doono mid ballaaran.
”Bishia Febraayo, waxaa noo qorsheysan inaan qabanao Bandhig carweed lagu soo gudbinayo dhammaan wax soo saarka dalka, iyagoo kasoo qayb gali doonaan shirkado caalami ah, insha allaah bandhig fiican oo ballaaran ayaa la dhigi doonaa”. Indho-guran.
Deegaanada Puntland ayaa waxaa ku yaalo beero aad u badan oo wax soo saar kula duwan leh, kuwaasoo u baahan in maal-galin lagu sameeyo lagana war hayo, wasiirku ma sheegin inay wax ka qaban doonaan baahiya ganacsiga ee xaga beeraha.
Warshadaha ka jira Puntland ayuu sheegay wasiirka ganacsiga inay u diiwaan gashan yihiin ayna la socdaan baahidooda oo ay ugu weyn tahay xagga korontada.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe