Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Jiil-ba Jiil- qoraalkii Cabdifutaax Guruu

$
0
0

Waxaan qormadaan ku soo qaadanayaa kala duwanaanta layaabka leh ee u dhaxaysa jiilkii hore iyo kan maanta, waxaan sigaar ah u soo qaadanayaa dhinac ka mid ah dhinac yada arimaha dalka iyo dadka, taasoo ah “gobonimada”, gobonimo horta waa jiritaan iyo dadnimo taas waan isla qirsannahay muran kama taagna, tan isweydiinta mudani waa markasta ilaalinteeda maku fakarnaa, xilse ma iska saarnaa, waxaan tusaale kooban u soo qaadanayaa farqiga u dhaxeeya jiilkii hore iyo jiilkan danbe oo aan anigu ka mid ahay.

Jiilkii hore waxay naf iyo maalba u hureen gobonimadooda iyo dowladnimadooda, mana daalin ilaa ay hanteen gobonimadoodii, lakiin waxaa xusid mudan inta aysan hanan gobanimadooda cadaadiska ay lakulmeen oo habeen iyo maalin lagu hayay, waxay adduunweynaha kala kulmeen diidmo oranaysa wali uma qalantaan madax-bannaani iyo xornimo.

Ayaguna kama daalin ilaa ay guulaysteen oo ay damaashaadeen oo abwaano ku dakeeyeen dadnimadii la muujiyay darsi bandanna la meershay sida, “kaasna siib kanna saar!”

Hadaba jiilka manta ayadoo adduunweynuhu leeyahay dowlad noqda oo kala danbeeya ayay leeyihiin maya!, “looma dhamma!” , taasoo ay ila tahay aniga in jiilka naga danbeeya uu halis ugu jiro inuu dhaxlo kalmada ah “looma dhamma!”.

Sidaas darteed looma dhamma in lawaayo ayaan ku laab furnahaySoomaaliduna waxay tiraahdaa meeshii qoys qof ka joogo qeybbaa ka joogta, meeshii labo ka joogtana waa ku dhanyahay.

Anoo soo koobaya kalmadayda waxaan ku talin lahaa waan ogsoonahaye aan adkayno oo ogolaanno inaan ismatali karno si wanaagsan, looma dhammana aan tuurno oo waa loo dhanyahay taagno!.
21
W/Q. Md. Cabdifitaax Daahir Cumar “guruu”
E-mail: Abdifitahguruu@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>