Bostan(pp) Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maalmahan safar ku jooga wadanka Maraykanka ayaa magalada Boston ee xarunta Gobalka Massachusetts kula kulmay madaxda Booliska magaladaasi.
Kulankan ayaa waxaa kasoo shaqaysey Madaxa Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Deeqo Maxamed Jibriil oo xarunteedu ku taalo Bostan, waxayna masuuliyiinta kulmay ka wada hadleen xoojinta xiriirka booliska Bostan iyo kuwa Puntland.
Deeqo Jibriil oo la hadashay Puntland Today ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo in madaxda Booliska Bostan iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland ka wada hadleen arrimo badan isla markasna isla meel dhigaan in wafdiyo la is-dhaafsao si wada shaqayn qoto dheer u bilaabato.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay Deeqo Jibriil iyo madaxda Booliska Bostan ee wadanka Maraykanka, wuxuna sheegay inay dhankooda soo dhawaynayaan wada shaqaynta dhinaca booliska Boston.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ka mid ah masuuliyiinta xilalka ka haya Puntland ee dhalashada ka haysta wadanka Maraykanka, sidoo kale madaxwayne Gaas ayaa ka mida ah dadka wax kusoo bartay wadankaasi.