Addis ababa (pp) Iyadoo mamulka Somaliland uu sheegtay inuu kulan dhexmaray wafdiga madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ee ka qayb galay shir ka dhacay Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horaysan arrintaasi waxaa ka hadlay wasiirka waxbarashada Puntland.
Cali Xaaji Warsame oo qayb ka ahaa wafdiga madaxwaynaha ee Shirka Itoobiya ka qayb galay ayaa Radido Daljir u sheegay inuusan dhicin shir dhexmaray wasiiro mamulka Somaliland ka socday balse ay is arkeen.
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay inuusan jirin shir labada dhinac dhexmaray oo ka dhacay dalka Itoobiya balse sallaan kaliya uu ku ekaa is aragii Itoobiya ku ahaz Madaxwayne Gaas iyo wasiiro Somaliland ka socday.
Docda kale ahmiyadda shirka Itoobiya ka dhacay ayuu ku sheegay inuu ahaa mid si ballaaran looga wada hadlay hormarinta Africa.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegtay inay Itoobiya kula soo shireen madaxwaynaha Puntland ayna ka wada hadleen arrimaha xaduudaha labada dhinac.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe