Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

RW.Somalia oo xaflad Sagootin ah Kismaayo loogu qabtay (Sawirro)

$
0
0
Kismaayo, April 18.2014-Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay kuna sugnaa muddo hal todobaad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ceymiskii hore.
 
Munaasabadan ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedyada gobolada jubbooyinka iyo Gedo, waxgarad, haweenka culumaa’udiin, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska Q/midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo marti sharaf kale.
 
Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay warsaxaafadeed ka kooban sideed boqob kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.
 
Qodobada Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kadib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kadibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.
 
Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiayay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.
 
Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay niyad wanaaga ay isaga iyo wafdigiisa u  muujiyeen hogaanka sare ee maamulka Jubba iyo qeybaha kala duwan dadyowga ku dhaqan Jubbooyinka, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadda iyo iskaashiga.
 
“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.
 
Fadlan lifaaqa hoose ka eeg warsaxaafadeedka oo dhameystiran kuna qoran Soomaali iyo Englishka
IMG_8974 IMG_8980 IMG_8989 IMG_8992 IMG_8993 IMG_9006 IMG_9024 IMG_9057 IMG_9078 IMG_9091 IMG_9143 IMG_9151 IMG_9155 IMG_9182
 
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismayo, Somalia

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>