Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Madaxwaynaha PL oo la kulmay Guddiga Dimoqraadiyadda DSC iyo Hay’adda Inter Peace (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa maanta xafiiskiisa Garowe ku qaabilay saraakiil ka socda Guddiga haga Dimoqraadiyadda Somalia oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan DSC,UNSOM,iyo Hay’adda International Peace.

IMG_5073Kulanka ayaa salka ku hayay sidii looga wada shaqayn lahaa loona dardar galin lahaa in Puntland ay gaarto nidaamka dimoqraadiyaynta iyo in dadku ay soo doortaan cida hoggaamin doono 2019-ka.

IMG_5087Wasiirka Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Sahra Siciid Nuur ayaa sheegtay in Puntland iyo shacabkeeduba ay u diyaarsan yihiin sidii looga dhabayn lahaa hir-galinta Nidaamka Axsaabta Badan iyo Dimuqraadiyada si loo gaaro doorasho dadwayne.

IMG_5083Madaxwaynaha Puntland Dr.Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii Puntland loo gaarsiin lahaa nidamka axsaabta badan si dadku ay u hellaan mamul ay soo doorteen wuxuna sheegay inay arrintaasi ay ku imaan karto wada shaqayn iyo cadaalad.

IMG_5099Saraakiishan ka socotay UNSOM oo doonaya inay Puntland kala shaqeeyaan dhanka dimoqraadiyadda ayaa sheegay dhankooda inay ku qanacsan yihiin war bixinta faah faahsan oo ay dowladdu ka siiyay barnaamijkaasi waxayna sheegeen inay ka go’an tahay fulinta arrintaasi.

15Wasiirka arrimahaan loo xirsaaray Marwo Sahro Siciid Nuur ayaa Puntlandpost u sheegtay inay ku rajo wayn tahay in shacabka Puntland la gaarsiiyo doorashada ku dhisan hal cod hal qof waana tan kaliya ee ay dadku rabaan.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed ayaa hirgaliyay barnamaijka Axsaabta badan balse waxaa ka hor yimi qaar ka mid ah dadka Puntland oo xiligaasi sheegay inaysan munaasib ahayn in la hirgaliyo.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah loogu ammaano kala danbaynta iyo nidaamka waxana mamulkan la dhisay 1998-ka dib markii dhinacyadda Gobaladan dega ay garowsadeen in loo baahan yahay nidaam la isku maamulo.

 

Guddigan ayaa ka kooban Midowga Yurub,Maraykanka,Engiriiska iyo Sweden.

IMG_5207 IMG_5206 IMG_5202 IMG_5169 IMG_5164 IMG_5154 IMG_5140 IMG_5136 IMG_5134 IMG_5132 IMG_5126 IMG_5123 IMG_5094 IMG_5115 IMG_5106 IMG_5110 IMG_5079

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>