Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Madaxwaynaha Somalia oo saaka u duulay Baydhabo

$
0
0

Baydhabo(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka u dhoofay magalada Baydhabo oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay hareeyeen banaanbaxyo is-ka soo horjeeda.

H.E._Mr_Hassan_Sheikh_Mohamud,_President_of_the_Federal_Republic_of_Somalia_(cropped)Xasan Shiikh waxaa la sheegayaa inay la socdaan Xildhibaan iyo wasiiro kuwaasoo u guurgalaya xaalada dhabta ah ee magalada Baydhabo oo labo mamul lagu magacaabay.

Labadaasi mamul waxaa kala hoggaaminayo Madoobe Nuunow oo wata mamulka lixda Gobal iyo Maxamed Xaaji oo horkacaya kan saddexda Gobal waxana jira warar soo baxaya oo sheegaya in laga cabsi qabo inay dagaalo ka dhex dhashaan.

Mamulada is-diidan ayaa waxay caqabad ku yihiin baahinta nidaamka federaalka ee dalka iyo dastuurka KMG ah maadama labo mamul oo aan DF iyo beesha caalamku ogalayn looga dhawaaqay magalada Baydhabo.

Baydhabo oo mudaharaad looga soo horjeeda Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegayaa inay hadda degan tahay walow ammaankana maanta si wayn loo adkeeyay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>