Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Fadlan soo caawi caruurtan oo naafo ka ah dhanka indhaha iyo maskaxda Sawirro & Dhagaysi

$
0
0

Garowe(pp) Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimadda ugu caansan Somalia ayaa ku baaqay in lasoo caawiyo caruur shan ah oo dhibaato ka qaba dhanka indhaha iyo maskaxda oo gudaha dalka waxba looga qaban waayay.

Caruurtaasi oo saddex ka mid ah Indho la ayaa waxaa la kala yiraahdaa.

1:Naciimo Faysan Khaalid
2:Ubax Faysal Khaalid
3:Muxyadiin Faysal Khaalid
Sidoo kale Cabdirisaaq Axmed Muuse iyo Kamaaludiin Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale xanuunsan waxayna u baahan yihiin in lasoo caawiyo oo laga qayb galo dawayntooda maadama dalka waxba looga qaban waayay.

Barnaamijkaan wax loogu qabanayo caruurtan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Tadamun iyo wasaradda haweenka iyo arrimaha bulshadda Puntlan.

Dhaqatiir ku sugan Garowe ayaa sheegay caruurtaan haddii dibada loo qaado laga yaabo in wax looga qaban karo.waxana loo baahan yahay in dhaqaale loogu tabaruco ama dhaqtar dibadda ah loo qaado si loogu guulaysto xaaladooda caafimaad.

Haddaba fadlan soo caawi oo usoo gurmo.

Waxa la sameeyay qaadano lacag loogu soo diri karo waxana gacanta ku haya wasaradda haweenka Puntland.

Waxayna kala yihiin.

Sahal:gudaha ah.420362

Akoon Dahab Shiil: 3089

Akoon Amal ah:006401.

Aamino Maxamed Nuur Agaasimaha waaxda daryeelka caruurta wasaradda haweenka Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay jirto caruur kale oo gurmad u baahan balse shantaan caruurta ah ay yihiin kuwii lasoo gaarsiiyay wasaradda Caafimaadka.

Sidoo kale Aamino ayaa sheegtay inay muhiim tahay dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda jooga inay si naxariis leh kusoo caawiyeen caruurtaan oo aan dalka waxba looga qaban karin,

Waxaad maanta aduunka kula baxdaa aakhri ayaad ku faa’iidaysaa.

14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

Allow caafimaad wanaagsan sii caruurtaan xanuunsan,

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>