Garowe(pp) Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland S/guud Siciid Maxamed Xirsi ayaa maanta ka tacsiyadeeyay weerarkii kooxda Alshabab maalinkii shalay ku dishay allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka daraawiisha ee Galgala Col.Jaamac Siciid Warsame oo xiligaasi marayay inta u dhaxaysa Laag iyo magalada Bosaso.
Taliye Siciid Dheere ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay sida tan ”Waxaan u sheegaynaa Kooxda Argagaxisada Alshabab inay jiran Boqolaal la mid ah Alshahiid Jaamac Siciid Warsame ,ciidanka qalabka sida ee Puntland ay si wadi donaan halgankii ay kula jireen burcad diimeedka Alshabab’.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin geerida Cornaylka ku timi waxana dhamaan ciidanka iyo saraakiisha lagu sheegay inay tacsi u dirayaan ehelkii iyo dhamaan dadkii uu masuul kaasi ka baxay.
Col.Jaamac Afgaduud ayaa ka mid ahaa saraakiishii sida aadka ah ula dagaalami jiray kooxda Alshabab wuxuna mudo saddex sano iyo bar ku sugnaa aaga Galgala oo ay howlgalo kala duwani ka socdeen.
Hase yeeshee madaxda ugu saraysa ee dowladda Puntland wali kama aysan jawaabin dilkii ay Alshabab sheegatay ee Col,Jaamac.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe