Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Deg deg:Ciidanka DF & AMISOM oo la wareegay Degmada Buulobarde

$
0
0

Beledweyne(pp) Ciidanka dowladda Somalia iyo kuwo Jabuuti oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa saacad ka hor waxay guud ahaanba la wareegeen gacan ku haynta degmada Buulobarde oo ay degenaayeen kooxda islaamiyiinta ah ee Alshabab.

Inta aysan ciidanka isku dhafan la wareegin Buulobadare waxay dagaal culus galbeedka magalada kula dhexmaray ciidamo Alshabab ka tirsan haseyeeshee dagaalkaasi ciidanka dowladda ayaa ku adkaaday oo waxay horay usii galleen magalada.iyagoona hadda bilaabay inay isku fidiyeen.

Inta badan dadkii deganaa magalada ayaa isaga cararay maantadii hore kuwaasoo ka qabay inay saamayn xoogan ku yeelato gulufka dagaal oo ay ciidanka isku jira kusoo qaadeen Alshabab.

Wadooyinka magalada looga baxo ayaa lagu arkayaa qoysas faro badan oo beledka isaga baxay.

Buulobarde ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin ururka Alshabab hase ahaatee waxay tani calaamad u tahay inuu sii wiiqmayo awooda Alshabab.

Wixii kusoo kordha wararka danbe.

Puntlandpost.com

Xafiiska Beledweyne


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>